|

Masaajidii galkacyo oo noqday kawaankii dadka

Malayshiyo hubaysan oo aan weli haybtooda lagaran ayaa kadib salaadii Makhrib gudaha u gashay Masjidka Salaaxu-diin oo kamid ah masaajiida kuyaala magaalada Gaalkacyo,waxaana kooxdan oo aanan weli tiradooda la xaqiijine ay halkaas ku fureen Rasaas keentay dhimasho & Dhaawac badan oo ku dhacday dadkii ku jiray Masjidka markii ay gudaha u galeen.

Wararku waxay sheegayaan in Malayshiyadani ay Masjidka galeen dabadeedna ay damiyeen guud ahaanba korontadii masaajidka oo ka dhigtay inuu Iftiinku lumo,waxaana ay wararku sheegayaan in deminta Layrka kadib ay Rasaas ooda uga qaadeen dad badan oo kusugnaa Masaajidka oo ay ku jireen Wadaado & odayaal caan ka ah magaalada Gaalkacyo,waxaana halkaas ka dhacay khasaaro badan oo aanan weli la xaqiijin inta ay tiradeedu le’egtahay.

Agaasimaha Isbitaalka guud ee gobolka Mudug Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac (Xumbul-Xaambul) ayaa APL goordhaweyd u xaqiijiyey In Isbitaalka la geeyey dhaawaca Lix Ruux & Dhimashada Sadex kale oo dhamaantood wax ku noqday weerarkii masjidu-Salaaxu Diin,waxaana uu Agaasimuhu intaas kudaray in Dhaawacyada loo keenay ay qaarkood halis yihiin,isagoo sheegey in dadka dhintay & kuwa dhaawacmayba qaarkood ay yihiin kuwo la garanayo.
-[bp-]Warar ay ku kalsoontahay ayaa sheegaya in ay khasaaraha halkaas ka dhacday intaas ka badantahay,waxaana ay wararku intaas ku darayaan in dhaawaca wax ku noqday weerarkii Masaajidka uu ku dhowyahay Tobon Ruux,waxaase uu weerarkani imaanayaa xili ay Gaalkacyo saacadihii lasoo dhaafay aad u qasantahay islamarkaasna ay jiraan xaalado culus oo magaalada kajira kadib markii maanta Qarax balaaran lagu dilay agaasimihii Waaxda arimaha diinta ee Puntland
admin
abdiqafaar xaaji
galkacyo

Fikrad Ka Dhiibo