|

M/weyne Shariif iyo Waftigiisii oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay Tanzania

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa safar qorsheeysan ku gaadhay xarunta dalka Tanzania ee Daar`es Salaam.

Madaxweynaha ayaa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaraddaha ee Julius Nyerere International Aiport Madaxweynaha dowladda Tansaaniya mudane Jakaya Mrisho Kikwete iyadoo halkaas loogu sameeyay munaasabad ay ka soo qeyb galeen wasiiro, Xildhibaano iyo dad weyne aad u faro badan.

Madaxweynaha ayaa waxaa loo tumay astaanta qaranka Soomaaliyeed, waxaana loo riday 21 madfac.

Safarka madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa waxaa ku wehliyay wasiirka Warfaafinta, boostada iyo isgaadhsiinta (DR) Cabdikareem Xassan Jaamac (Gabeydhe)iyo wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha iyo Amniga mudane Axmed Cali Yaqle .

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu la kulmay taliyaha ciidamada dalka Tanzania Gen. Davis Mwamunyange.

Muhiimada kulankaan ayaa waxeey aheyd sidii amniga dalka Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa, iyo sida kooxda argagixisada ee Alshabaab/Alqaacida iyo kuwa ay marin habaabiyeen dalka looga saari lahaa.

Sidoo kale xalay ayaa waxaa kulmay labada madaxweyne, waxayna ka arinsadeen habka Soomaaliya loo caawin lahaa iyo in xasilooni waarta ay ka dhalato.

Kadibna waxeey qudbad kooban ka jeediyeen goobtii ay cashada ka dhaceeysay oo aheyd madaxtooyada dalka Tanzania, waxeeyna isku raaceen in la sii xooji xidhiidhka labada dal, lagana kaalmeeyo dowladda Soomaaliya xaga tababarka shaqaalaha iyo weliba ciidamada.

Madaxweynaha Tanzania ayaa halkaas ka sheegay in uu diyaar u yahay marwalbo in wuxuu awoodo uu u qabto ummadda Soomaaliyeed iyo sidii Shabaab iyo burcad baddeeda khatarta ku haya calaamka loo soo afjanri lahaa.

www,buhodlepost.com
email buhodlenews@hotmail.com

Fikrad Ka Dhiibo