|

Muqdisho Shariif sakiin iyo waftigiisii oo lagu soo dhaweyey mudaharaad

Muqdisho (buhodlepost) Gudoomiyaha barlamaanka KMG Soomaaliya Shariif (Sakiin) iyo wafdigii xildhibaanada ee la aaday shirkii Nairobi ayaa duhurnimadii maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Wafdiga Shariif Sakiin oo saaka ka soo duulay magaalada Nairobi ayaa waxay duhurkii ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho halkaasi oo uu ka dhacay dibadbax isaga ka dhan ah.

Qaar ka mid ah xildhibaanada taageersan Shariif Sakiin oo uu horkacayo hogaamiye kooxeedkii hore ee Muuse Suudi Yalaxow ayaa isugu ururay subaxnimadii gudaha garoonka diyaaradaha si ay Shariifka ugu soo dhoweeyaan.

Hadal gaaban oo uu Shariif Sakiin u sheegay warbaahinta ayuu ku sheegay in shirkii Nairobi ee UN-ka ay qabteen uu natiijo wanaagsan dhalay, wuxuuna micno daro ku tilmaamay dadka diidan shirkaasi.

Shariif Sakiin ayaa sheegay inay muhim ahayd wadatashigii dhexmaray xildhibaanada barlamaanka KMG iyo maamul goboleedyada dalka, isla markaana aan loo baahneyn in caqabad wax kasta lagu noqdo.

Ma jirin wax su’aalo ah oo uu ogolaaday Shariif Sakiin inay wariyaasha weydiiyaan, hase yeeshee Wuxuu intaa raaciyey inuu dhowaan shir u qaban doono barlamaanka uuna u bandhigi doono mirihii ka soo baxay shirkii wadatashiga Nairobi.

Dhanka kale waxaa xilliga diyaarada Shariif Sakiin ay ka soo degeysay garoonka Muqdisho banaanka garoonka ka socday dibadbax ay soo qabanqaabiyeen xubno kale oo xildhibaano ah oo diidan Shariif Xasan, waxaana bannaanbaxyaashu ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah shirkii Nairobi iyo wufuudii ka qeybgashay.

Gudoomiyaha barlamaanka iyo wafdigiisa oo ka koobnaa 12 xildhibaan ayaa markii dambe waxaa gelbiyey ciidanka AMISOM oo geeyey hoygiisa magaalada Muqdisho inta badan shacabka somaliyeed aya wxaay u arkaan Shariif Sakiin inuu yahay Sshaqsi si xoog badan uga kasoo horjeeda qaranimada iyo Dawladnimo ka hana qaada Dalka Somaalia.

www.buhodlepost.com
email buhodlenews@hotmail.com

1 Response for “Muqdisho Shariif sakiin iyo waftigiisii oo lagu soo dhaweyey mudaharaad”

  1. fadumo says:

    sakiin haa dhaaco najiis nahiis wato waye illahey naga qabto elaygan

Fikrad Ka Dhiibo