War Deg-deg ah: Hoggaamiyaha Al-Shabaab Oo Ka Hadlay Kacdoonada Carabta Iyo Himilooyinkooda Meelaha U Qorshaysan Mustaqabalka Inay Qabsadaan Oo Uu Ka Xusay Magaalooyin ay Ka Mid Tahay Hargeysa
Muqdisho (HWN): Hoggaamiyaha xarakada Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abu-zubeyr) ayaa soo diray kalmad maqal ah oo uu kaga hadlayo halka uu marayo dagaalka ay ka wadaan Somaliya iyo waliba
Muqdisho (Buhodlepost): Hoggaamiyaha xarakada Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abu-zubeyr) ayaa soo diray kalmad maqal ah oo uu kaga hadlayo halka uu maraayo dagaalka ay ka wadaan Somaliya iyo waliba isbedeladii ka dhacay dalalka carabta qaarkood oo uu ku sifeeyey guul u soo hoyatay Islaamka.
Abuzubeyr waxa uu sheegay in duullaankii Gaaladu uu fashilmay hadday noqoto Ciraaq, Afganistaan iyo Somaliya. waxaanu ka dhawaajiyey tallaabada u taala mujaahidiinta oo uu sheegay in imika waxii ka dambeeya ay weerarka iyo duullaanka yeelan doonaan.
Dibu gurashada iyo fashilka ku yimi gulufkii Gaalada, waxa astaan u ah daadashada ay burburayaan talisyadii u adeegi jiray ee ka dhisnaa dunida Islaamka.. ayuu yidhi Abu-zubeyr oo tusaale u soo qaatay kacdoonada ka socda dalalka carabta.
Hoggaamiyaha Al-Shabaab ayaa Tix Maanso ah ku muujiyey siday ugu riyaaqsanyihiin kacdoonada ka socda dalalka carabta iyo waliba kaalinta iyagana (Al-Shabaab) la gudboon oo uu sheegay inay tahay sidii ay u furan lahaayeen magaalada Hargeysa iyo meelo ka mida inta aanay haatan gacanta ku hayn ee Somaliya, waa siduu maansadiisan laga dhadhasan karo ee uu ku yidhiye.
Fadadaha gil-gilashada
Falax-falaxda laydhaa
Fadad kale ma burureen
Farxadii ma toosteen
Feeraarta bari dhexe
Falladhkii madoobaa
Faynuus ma sudhanyahay
Filashadu ma badantahay
Fadba waa fadkiisee
Annaguna faaja-faajaha
Furashada Hargeysiyo
Fooqa buuralaydiyo
Falax-yada nugaaleed
Dhulka mudug ka foorara
Faxfax-dhuun agteediyo
Faanoole iyo xamar
Faras ma ugu joognaa
Kacdoonada ka socda dalalka Islaamka gaar ahaan dunida carabta ayaa amiirka Al-Shabaab ku sifeeyey inay ifafaalo u yihiin bushaarooyinkii rasuulku CSW uu sii sheegay ee ahaa Inay Cadan Ebyan kasoo bixi doonaan 12,000 (Toban Iyo Labo Kun), kuwaasoo Alle iyo Rasuulkiisa u gargaaraya oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa ugu khayr badan isag iyo iyaga inta u dhaxaysa.
Abu Zubeyr waxa uu soo hadal-qaaday dagaaladii ay dhawaan xoogagga kasoo horjeedaa kusoo qaadeen gobolada ku teedsan xuduudda ee iyagu ay gacangta ku hayaan, waxaanu ujeedadooda ku tilmaamay oo uu yidhi Cadawga waxaa u cuntami wayday inay arkaan ummadii islaamka oo isku duuban, sharcigii Alle oo la oogayo, nabad iyo nololna ku dhaqan.
Hoggaamiyaha Al-Shabaab waxa uu ku baaqay inaan loo kala hadhin duulaanka cadawga, isagoo dhanka kalena aad u bogaadiyey reer Muqdisho oo uu sheegay inay Jihaadka ka qaateen Kaalin mug leh, waxaanu yidhi isagoo la dardaarmaya sidan:
Waxaa loo maleegtami jihad milaygii joogaaye
Muslin iyo kufraa loo xarbiyi labada meeloode
Ku mintida xarbiga waw u qabnaa muunyo iyo ciile
Muramaysta dirirtiisa waa mahadin doontaane
Mudkuu galiya maarraha kufrigu waydin moogyahaye
Dhanka kale Maamul-goboleedyada waayadan dambe loo sameeyo gobolada Somaliya ee lagaga soo dhawaaqo dibadaha isla markaana ay taageerto dabadana ka riixayso Qaramada midoobay ayaa hoggaamiyaha Al-shabaab ku micneeyey inay yihiin Shirqooladii gaalada oo sii gabaabsiyaya. Isagoo dhanka kalena dadka horkacaya maamulladaasi ku sheegay inay yihiin raggii ay gaaladu 20-kii Sanno ee u dambeeyey soo carbinaysay waa siduu hadalka u dhigaye. Waxaanu isagoo sifaynaya tixdan baydka ah ku yidhi:
Dusha midabka Soomaalibaad dugulka moodaaye
Misna laguma diirsade qalbiga waa dirkii karale
Ugu dambayntii waxa uu hoggaamiyaha Al-Shabaab Sheekh Abu-zuberyr ku baraarujiyey mujaahidiinta fadaaisha uu leeyahay Jihaadku waxaanu yidhi Maanka waa inaad ku hasaan in camalka jihaadka ee aad ku jirtaan uu yahay Islaamka halkii u sarraysay iyo baarkiisii.
HALKAN GUJI OO DHAGYSO MP3
www.buhodlepost.com
email buhodlemews@hotmail.com