|

Hargeysa: 34 Askari oo Ka soo Goostay Laascaanood oo Maxkamad la Saaray

Maxkamada ciidamada maamulka Somaliland ayaa shalay xukuno isugu jira xarig iyo ganaax lacageed ku riday 34 askari oo ka tirsanaa ciidamada Birmadka ee booliska maamulkaasi kuwaasoo saddex bilood ka hor hawlgal loo geeyey magaalada Laascaanood.

Askartan oo degaan ahaan ka soo jeeda magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa toddobaadkii hore isaga soo cararay magaalada Laascaanood kadib markii sida ay sheegeen ay ku adkaatay inay sii joogaan magaladaasi sababo ay ku sheegeen daryeel daro ku qabsatay iyo amaanka oo sii xumaanaya awgeed.

Askartaasi oo mudo dhowr maalmood ah xirneyd ayaa maalintii Shalay la horgeeyey maxkamad ciidamada ay leeyihiin iyadoo dacwada lagu qaaday xarunta ciidanka booliska Somaliland ee Hargeysa. Waxaana maxkamadu ku dhawaaqday in 33 nin oo ka mid ahaa askartaa lagu xukumay xarig u dhexeeya 2 sano illaa 14 sano.

Ninkii taliyaha u ahaa ciidankaasi ayaa isaguna lagu xukumay 15 sano oo xarig ah siday sheegeen saraakiisha maxkamada.

Waxaa sidoo kale maxkamadu sheegtay in raggaasi dhamaantood laga saari doono ciidanka marka ay soo qaataan xukunka.

Waxaa goobta loo diiday saxaafada inay tagto iyo in la wareysto ragga la xukumay si ay iyaguna uga hadlaan waxa loo heysto.

Hase yeeshee warar aad ugu dhow raggan ayaa sheegay in iyaga ay u arkeen xaalada ka jirta Laascaanood mid qabiilo u dhexeysa sidaa darteedna ay go’aansadeen inay dagaal qabiil ku dhiman.

Toddobaadyadii u dambeeyey waxaa gudaha Laascaanood ku sii badanayey qaraxyada iyo weerarada dilalka ah ee sida badheedhka ah loogu geysanayo ciidamada maamulka Somaliland ee xooga ku haysta Laascaanood iyadoo dadka reer Laascaanood ay siyaasad ahaan diidan yihiin maamulka Somaliland

www.buhodlepost.com
email buhodlenews@hotmail.com

1 Response for “Hargeysa: 34 Askari oo Ka soo Goostay Laascaanood oo Maxkamad la Saaray”

  1. luul says:

    saas baala rabaa yaa laga biqin jabhada yuhuuda SNM magaalada laas caanood yaan looga bixin waain yuhuuda lagu ciqaabo magaalada dadka akhrinaya fikradaydan baaq baab oranayaa yaan magaalada looga cararin yuhuudaas. insha laa waa qabrigoodii

Fikrad Ka Dhiibo