Baaq Muhiim ah oo ay soo saareen qurbajoogta Reer Buuhoodle ee UK
Xubnaha Jaaliyada reer Buuhoodle ee Ingriiska degan ee halkan ku magacaaban …
Baaq Muhiim ah oo ay soo saareen qurbajoogta Reer Buuhoodle ee UK colaadeed iyo kuwa abaarta ee soo wajahay Beelaha reer Buuhoodle . Anogoo og in deegaanka Hawd ay ka jirto Abaar tii ugu xumayd mudo dheer, isla markaana og in Colaadii Kalshaale aanay weli si waafi ah loo dhamaystirin, inkastoo loo balan san yahay, waxaanu ka digaynaa in beesha reer Buuuhoodle ka feejignaadaan wixii wiiqikara midnimadooda, iyo wixii dhantaali kara cududooda dhaqaale iyo tooda ciidanba.
Press release by BOSA – UK April 2011
1. Axmed Cabdiruur Aadan (Gadhle)
2. Maxamuud Xasan Caydhboob
3. Ibraahim Ceelaabe
4. Aadan Garaad Soofe
5. Maxamuud Hadhi
6. Cabdirisaaq X Cabdillaahi X Cumr
7. Axmed Cawaale (Axmed Biid)
8. Cabdirashiid Sheekh Cusmaan
9. Axmed M. Xaaji Ducaale
10. Rashaad Sheekh cusmaan
11. Cali X. Cabdi Cumar Shaacuur
12. Cabdiwahaab Cabdillaahi Buur
13. Cabdirisaaq Cabdilaahi Hangool
14. Cabdirisaaq Xasan Diiriye Jiinje
15. Keef Ali Qambi
16. Cabdiraxmaan Cali Waraabe
17. Maxamed Cabdalle Kooreeye
18. Khatin Cabdillaahi Maxamuud
19. Keenadiid Cawil Cabdi Hiirad
20. Kaysar Mixile Xiiray
21. Maxamuud Cawad Faarax
22. Xasan Cumar Cali
23. Saleebaan Gurxan
24. Cabdi Cali Samatar
25. Cali Yuusuf Halac
26. Cabdinaasir Bakayle X. Faarax
27. Shaakir Maxamed X. Guuleed
28. Shukri Cabdi Dhuxul
29. Ciise Afkuxoog
30. Cismaan Cabdi Xaafid
31. Barre Aadan Gaas
32. Axmed Cali Kamiin
33. Asad Maxamed Aadan
34. Cabdikayse Ciise SH. Cumar
35. Khatin Xaaji Ducaale
36. Maxamed Cabdi Gorse
37. Axmed Maxamed Maxamuud
38. Cabdirisaaq Cabdillaahi Cumar
39. Cawil Aadan Siidhi
40. Cali Axmed Cabdinuur
41. Cabdillahi Cali Shire
42. Saleebaan Ismaciil Ducaale
43. Axmed Xasan X Faarax
44. Bashiir Cabdi Mixile
Ha nagga raali ahaadeen xubnaha aanu magacyadooda liiska kusoo qorikariwaynay
Markaanu ogaanay urruro iyo shaqsiyaad si damiirxumo leh u dilaalaya dhibaatooyinka
Markaanu la tashanay, aqoonyahanada iyo xubnaha kala duwan ee qurbajoogta reer Buuhoodle
Markaanu aragnay xadgudubyo iyo gefaf badan oo loola badheedhay beelaha reer Buuhoodle
Markaanu ogaanay in Ururo iyo Shaqsiyaad ay si Damiir xumoleh oo Ihaano ku jirto u doonayaan in ay Masiirkooda Siyaasadeed iyo Kooda dhaqaale uga faa’iidaystaan Colaadii Kalshaale.
Markaanu aragnay in dadkale doonayaan in ay Gacandhaaf badheedh ah ku sameeyaan beelaha reer Buuhoodle iskuna taxalujinayaan in ay wiiqaan midnimada beelweynta Hawd.
Waxaanu soo saarnay baaqan oo ku socda madax-dhaqameedka, masuuliyiinta ciidamada, Cullimada diinta, Ganacsataga iyo waxgaradka reer Buuhoodle gudaha iyo dibadaba
1. Waxaanu dhamaan dadka reer Buuhoodle meelkasta oo ay joogaan u xaqiijinaynaa in degaankooda ay ka taliyaan madaxdhaqameedkii iyo masuulintii u dhalatay degaankaas kana soo jeeday beelaha reer Buuhoodle oo aan cidkale go`aankeeda lahayn.
2. Waxaanu beelaha reer Buuhoodle iyo qurbajoogtoodaba uga digaynaa faragelinta iyo xadgudubyada sii badanaya ee ay beelaha aan la degaanka ahayni ku samaynayaan dadkooda iyo degaankooda.
3. Waxuunu kula talinaynaa inay xoogeeyaan xakamaynta iyo kahortaga siyaasadaha gurracan ee la idinku kala qaybinayo ama la iskagana kiinhorkeenayo ee kooxaha dilaaliinta ah iyo kuwo dano gaara wataa kasoo xawilayaan dibadaha
4. Waxaanu reer Buuhoodle xusuusinaynaa in siyaasada Soomaaliya markasta ku salaysantahay habka qabiilka. Sidaa awgeed madaxdhaqameedka iyo masuuliyiinta Buuhoodle waa inay kahortagaan waxkasta oo dhibaato ku keenikara wadashaqaynta, iskaashiga iyo isusocodka beelaha tolkood ah iyo Puntland oo ay hiil iyo hooba ka heleen talawadaagoodana sii adkeeyaan
5. Waxaanu laqaadanay inay ka digtoonaadaan ururada siyaasada ee debedaha lagu soo sameeyo sida ka London lagu hadalhayo oo ay dadka qabanqaabinayaa u badan yihiin dad dibindaabyo iska horkeen, kala qaybin iyo fidmo abuur ula badheedhay masuuliyiinta iyo shacabka reer Buuhoodle – dhaqaale badan oo debeda looga ururiyey colaaddii iyo abaarta haysana lunsaday oo ku takrifalay. Waxaanu raaligelinaynaa masuuliyiinta aan xogogaalka ahayn ee lagu magacaabay qoraalada shirkan la xidhiidha.
6. Waxaanu ku taageeraynaa mowqifkooda ah in ay iyagu leeyihiin awooda iyo go`aanka lagu hubinayo laguna ansixinayo arrimaha siyaasadeed ee gobolkan. Sidoo kale inay leeyihiin go`aanka casumaada, martigelinta iyo laxaajoodka madaxdhaqameedyada beelaha kale, ergooyikna iyo masuuliyiinta kaleba.
7. Waxaanu taageeraynaa aadna u soo dhawaynaynaa mowqifkooda ay kusoo dhowaynayaan wixii baaq ama gogol nabadeed ah ee ka yimaada beeshaa Bariga Burco ee si waarta loogu soo afjarayo Colaadii Kalshaale.
8. Waxaanu ku adkaynaynaa inay talaabo cad ka qaadaan ciddii ku xadgudubta arrimahooda gaarka ah dhinac kastaba, martidooda iyo magantoodaba. Sidoo kale, waxaanu kula talinaynaa inay wararka beenabuurka ah ee saxafada lageliyo, gaarhaan kuwa xasaasiga ah, si dhaqso ah uga jawaabaan oo u saxaan
www.buhodlepost.com
eamil buhodlenews@hotmail.com