|

Muxuu yahay Xirirka ka dhaxeeya shirkadaha shisheeye, DFKMG iyo Mohamed Shibin oo Maraykanka u heystaan Burcad badeednimo!

Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo la xariira muwaadinkii Soomaaliyeed ee dhawaan ciidamada Maraykanka iyo kuwa maamulada Soomaaliya ay gacanta kusoo dhigeen, ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Saaxili Shibin, ayey Maraykanka u heystaan inuu u tarjumayey koox burcad badeed ah oo bishii Feberaayo afduubay oona dilay afar Maraykan ah.

Maxamed Shibin ayay Maraykanka sheegeen in laga soo qabtay gudaha dalka Soomaaliya, ayagoo aan cadeyn cida usoo gacan gelisay iyo habka loo soo qabtay.

Wararka hada soo baxaya ayaa sheegaya in Mr.Shibin uuba u shaqeyn jiray shirkad lagu magacaabo High Seas Maritime Security Ltd, shirkadan ayaa la sheegaa inay tahay mid laga leeyahay dalka Britain, balse kadib baaris la sameeyey ayaa la sheegay in shirkadan aysan ka diiwaan gashneyn dalka Ingiriiska.

Mr.Shibin ayaa wakiil shirkadan uga ahaa dalka Soomaaliya, asagoo la sheegay inuu qaadan jiray mushahar ah $3000 oo dollar, bishii.

Maraykanka ayaa ku heysta Shibin inuu xiriir la sameeyey burcad badeeda isla markaana uga tarjumay wadahadalkii dhexmaray Maraykanka iyo burcad badeeda, si ay burcad badeeda u helaan lacago madax furasho ah.

Wadahadalkaasi oo burburay ayaa keenay in kooxaha burcad badeeda dilaan afartii qof ee Maraykanka ahaa kadib markii ciidamada Maraykanka xireen labadii nin ee hogaanka u hayey burcad badeeda afduubka geystay, kuwaasi oo markaasi dul saarnaa Markab Maraykanka leeyahay oo ay u joogeen wadahadalka madax furashada.

Maraykanka ayaa markii ugu horeysay todobaadkan shaaca ka qaaday inay soo qabteen Maxamed Shibin oo ay ugu tageen gudaha Soomaaliya, ayagoo sidoo kale gacanta ku haya 13 kamid ah kooxdii geystay Afduubkaasi loo geystay doonida ay wateen afarta Maraykanka oo mareysay meel u dhaw dalka Cumaan 11kii bishii Feberaayo ee sanadkan 2011.

Hadaba shirkada la sheegay Maxamed Shibin inuu u shaqeeyo ee lagu magacaabo ” High Seas Maritime Security Ltd “ ayaa waxa aan la aqoon halka xarunteedu tahay ayadoo websiteka shirkadan uu yahay mid aan weli la dhameystirin, isla markaana telefonada shirkadan waa kuwa computerka ee Skype loo yaqaan oo aan ku cadeyn halka fadhigoodu yahay.

Shirkadan ayaa waxay sidoo kale xiriir la leedahay shirkad qaabilsan dhanka Sirdoonka oo lagu magacaabo “…Phoenix Intelligence…”, shirkadan waa mid laga leeyahay dalka Maraykanka oo fadhigeedu yahay gobalka Florida ee koonfurta Maraykanka.

Phoenix iyo DFKMG

Shirkadan Phoenix/HSMS ayaa xiriir toos ah laleh dowlada Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya, waxayan sanadkii 2009 xubno ka socda shirkadan ay booqasho labo maalmood qaatay ku tageen magaalada Muqdisho halkaasi oo ay kula kulmeen Madaxweyne Shiikh Shariif Axmed iyo xubno ka tirsan Xukuumada.

Waxay shirkadaasi kala shirtay DFKMG arrimaha la dagaalanka Burcad Badeeda, xiligaasi oo uu Madaxweynahah DFKMG heshiisyo arrimahaasi la xariira la galayey dalka Jabuuti, waxaana kulankaasi looga hadlay sidii shirkadan ay tababaro ugu fidin lahayd ciidamo lagu aruuriyey Muqdisho oo lagu magacaabay ciidamada Bada ee DFKMG.

Xubnaha ka socda shirkadaasi Maraykanka ah ayaa kulamo la qaatay xubno ay kamid yihiiin Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif iyo Raysalwasaare kuxigeenkii dowladii xiligaasi Abdiraxman Ibbi oo ahaa Wasiirka Kaluumeysiga ee xiligaasi, ayagoo ka wada hadlay dadaalkaasi lagu doonayey in lagu dhiso ciidamo bada ah ee DFKMG leedahay, xili Raysalwasaarihii Xiligaasi Cumar Cabdirashiid uu asaguna heshiis la xariira la dagaalanka burcad badeeda uu la saxiixday Dowlada Puntland ee Soomaaliya.

Bishii Oktoober ee sanadkii 2009, ayey shirkada Phoenix/HSMS heshiis la gashay shirkad laga leeyahay dalka Jordan/urdun, oo lagu magacaabo EIA shirkadaasi oo la rabay ayadoo mataleysa Phoenix/HSMS iney tababar ciidan siiso askar gaareysa 5000 (shan kun oo askari) oo ay DFKMG soo aruurineyso.

Qorshahan ayaa socon waayey kadib markii dhaqaale loo waayey, ayadoo horey DFKMG xiriiro ulla sameysay Wadamada Midowga Yurub inay qorshahaasi dhaqaale ku bixiyaan, arrintaasi oo lagu guuleysan waayey.

Hadaba waxaa la isweydiinayaa inta uu la egyahay xiriirka shirkadahan shisheeye iyo DFKMG iyo waliba Burcad badeeda, ayadoo ay la yaab noqotay Mr.Maxamed Shibin oo shirkadahaasi u shaqeenayey in loo soo qabto arrimo la xariira burcad badeeda, ayadoo Dowlada Maraykanka sheegayso inuu xog iyo waliba gacan tarjumaad uusiinayey burcad badeeda loo heysto dilka afarta qof ee Maraykanka ah.

Qaabkee baase loo soo qabtay Maxamed Shibin? Halkee baa laga soo qabtay? Yaa soo qabtay ? Xogta lagu ogaaday inuu xiriir la leeyahay burcad badeedana halkee bay ka timid?

Intee buu la ekaan karaa xiriirkan soo shaac baxaya ee sadex geesoodka ah, yaase weeye madaxda Maxamed Shibin ee shirkadahan horey heshiisyada ulla galay DFKMG, maxayna tahay kaalintooda ku aadan burcad badeeda taageeridooda ama la dagaalankooda???

Dacwad caynkee ah bayna Maraykanka kusoo oogi karaan Mr.Shibin, sida cadna u shaqeeya shirkado ajnabi ah oo la sheegay inayba la dagaalamaan burcad badeeda, mise Mr.Shibin wuxuu noqday shaqsi lagu maslaxeeyo Maraykanka, ayadoo aan si dhab ah loo baarin inuu wax danbi ah galay iyo inkale?

Su;aalahaas iyo kuwo kale oo badan baa la iska weydiinayaa xariga Maxamed Saaxili Shibin oo soo shaac bixiyey xargo badan oo isku xirnaa, xili lagu wado in ninkaasi lasoo taago maxkamada ku taal Maraykanka 27ka bishan April.

www.buhodlepost.com
Isha, Horseedmedia.com

Fikrad Ka Dhiibo