|

Weriye Mashqac Geliye oo Khadka Telefoonka kula Xidhiidhay Madaxweyne Shariif Axmed

Akhristeyaal, waxaanu Toddobaadkan idiin haynaa Waysi uu Weriye Mashqac geliye khadka telefoonka Shalay kula yeeshay Madaxweyne Shariif Axmed, oo isaga iyo wefdi uu hoggaaminaya hadda booqasho ku joogaan dalka Imaaraadkan Carabta.

Haddabaa, waraysiga oo Shalay gelinkii danbe Weriyuhu ka qaaday Madaxweyne Shariif oo waqtigaa ku sugnaa Hotel-ka uu degan yahay oo lagu Magacaabo Intercontinental, waraysigaasoo faahaahsan waxa uu u dhacay sidan:

S: Mudane Shariif Axmed waxa jira warar sheegaaya in aad dalka Imaaraadka Carabta ku tagtay martiqaad la’aan iyo casuumad la’aan marka loo eego diyaaradii aad ka raacday Madaarka Berbera oo sidii la filaayay ay ahayd in aad raacdo dayaarad khaas ah oo ay kuu soo dirto dalka Imaaraadka carabta balse la waayay markii denbe, taas oo ay kugu khasabtay in aad raacdo dayaarad kiro ah oo laga lahaa dalka Jabuuti. Waxa kale oo iyana jirta in ay ganacsato reer Somaliland ah ay madaarka Dubai kugu soo dhaweeyeen oo ay kaa kaxeeyeen. Maxaad Shaariif Axmed ugu ciyaareysaa sharafta, karaamadda, heybadda dalka iyo dadka aad matasho iyo ta dowladnimo iyo ta madaxnimaba ee aad kolba iskaga tageysaa meel aanad maritqaad iyo casuumad rasmi ah ka heysanin?

J: Xaasid baad tahay mashqacow…Mashqac..ma runtaan ku xujoobay?..Shariif Axmed…adeer samanku xumaa oo reer Somaliland xasad iyo hadal badanaa…maxaad iigu diideysaan in aan CV-gayga aan ku buuxsado tiradda meelaha iyo dalalka aan tagaayo inta aan kursiga ku fadhiyo ee idinka idiin ka cabaaya..soo dhaweynta dowladdaha iyo habmaamusna waxba ugama baahni mar hadii tolkii saaxiibkay Mujaahid Cabdiraxmaan meel kasta ilaahay ii dhigay oo ay meel kasta igu soo dhaweynayaan gadhwadeena ii yihiin..reer Somaliland walee way isbaran!

S: Axmed CV, waxa la sheegayaa in maanta aad wasiirka waxbarashada ee dalka Imaaraadk aragteen Adiga, iyo Xirsi. Maxaa ku dhacay xubnihii kale ee weftiga ee ay kulankan kaagala qeyb geli waayaan?

J: Adeer Kulankaasi waxa uu ahaa mid waxa qoladiina Saxaafadu u taqaan “Su’aasha Lixaad” ama wixii Ina fadh-fadhle u bixiyey “Qabacda” Shaxaadka. Markii denbena Xirsi Bowdyo gaab ayaan ku idhi bal Xirsow afkii carabiga ugu waran ninka. Adigu wax ka gabadh-gabadhsiinay “Yaa Ikhwaan..Saafirnaa minal wadani li ajli jowc wal cadash .. Fii mushkilaatu kasiir..mushkilato SSC..wa mushkilatu Ardul Awdal.. wa mushkilato meceeshad qaali walaahay..fii mushkilato kabiir xaqu miisaaniyad..kulli mushikilaad masuuliyatihii fii Maxamadeyn (Gaboose wa ibnu Xaashi).. hal anta caarif haadaa rijaaleyn..acdiinii fuluus kasiir wa musaacida kabiir yaa ikhwaanal carab..naxnu carabiyiin..cafwan yaakhii fii mushkilatu axsaab jadiid”

Mashqac..

Axmed Carab ilow waxa aad Xirsi ugu fuqi weyday waa nin dacfarey afka baryada iyo carabidaba..

Shariif Axmed..

Weliba sidaasaanu dugsi ku soo dhigan..hadii uu ahaan lahaa nin waxbartay..meeshaabu igu qabsan lahaa..inkasta oo uu jaamacadda waayaha iyo xeyraanka uu ka soo qalin jabiyay.

S: Shariif Axmed Imaaraati, maxaa keenay in nin Suldaan ah iyo oday dhal magaalo ah ay ka mid noqdaan xubnaha weftigaaga?

J: ilaahow nin aan waxba ogeyn ha cadaabin.ka u digana ha cadaabin isagana..adeer odayaashani waxa ay ahaayeen nimakii aad iila shaqeeyay ee kamaanka iyo obasyaduba kaga jajabeen doorashadaydii..sidaas darteed dhakhtar ayaan u keenay si loo obargareeyo..awal Xirsow dhakhtarka aan ku idhi ha la geeyo kumuu ahaa? Xirsi..Mustashfaa Ciraaqi mise Iiraani mid uun buu ahaa… waa been aan sal iyo raad toona lahayn wararka sheegayaa in aan odayaasha u kaxeystay in ay sooryo ii soo guraan…been cad weeye..waan ku celinayaaye waa been qaawan.

S: Sowta la leeyahay Suldaanka waxa aad u kaxeysatay waxa aad moodeysay in ay walaalo yihiin ninka Maxamed Cali Ducaale ee berrigii Ina Rayaale riiga u soo dhameeyay…markii aad meesha tagtayna waxa aad ogaatay in aad budlad qaldan qaadatay ee ninka ay suldaanka ay walaalaha yihiin yahay Suldaan Rashiid Cali Ducaale?Maxaa arrintaasi ka jira?

J: Adeer hagaag kuu maqli maayo ee annigu shirka budhcad badeedka kama qeyb galaayo..waxa laga yaabaa in wasiirkayga khaarajigu ka qeyb galo.. Waa laga yaabaa in aanu Kuweyt ka baaqano waayo sahaydii waa nagu gabaabsi wax meeshan sooryo ku siinayaana ma joogaan..ha iga hadho carabaa wax bixisa oo naqad iyo noodh dhiibta.. Ninkii Cumaaniga ahaa isna si buu indha soo leeyahay ee meesha waxba ka garan maayo..adeer roob ma idin helay?..Mashqac..maya..maya..balse roob urur furasho ayaa aan hadh iyo habeen toona naga kala qaadin.

S: Axmed Kalamaan, wasiir Gaboose waxa uu duray xisbigaagii iyo Muuse Biixi waxaanu leeyahay waa in loo ogolaadaa muwaadiniinta in ay urur siyaasadeed furtaan, xukuumaduna fulisaa heshiiskii ay Qaran la gashay iyo balanqaadkeedii xilligii ololaha doorashada. Miyaad isku ogeydeen wasiirka arrinkaasi, mise waxa uu ka faa’iideysanayaa maqnaanshahaaga?

J: Adeer waxba iskumaanaan ogeyn ee wixiisu waa Hinaase oo waxa uu ka hinaasay Cabdiraxmaan Cabdulqaadir (Baasto) oo aan Raajo ka soo saaraayo dhabarkii uu berrigii wax ka noqday oo i raacay..wanjal mudugeysan hore ayaynu u soo aragnay eh, bal reer Somaliland iminka ha ila arkeen Hinaasaha Mudugeysan..Seylici waxa aad ku tidhaadaa adiga iyo illaahay ayaan ku ogahay meeshii aynu isla garanayno…dee meesha iska giiji wagash-wagash ayaa kaa muuqate eh..joojina wufuuda kuu timaada ee aad kala hadlayso sidii ay kuugu maalgelin lahaayeen Shirkad Dhisme…calalaheed shanta sanno ka dib.

Wargyska YOOL

Fikrad Ka Dhiibo