Dowlada Xarakada Raskambooniyiinta oo Al-Shabaab kala wareegay degaano ka tirsan degmada Afmadow ee gobolka J/hoose
Wararka naga soo gaaraya Degmada Afmadow oo ka tirsan gobolka J/hoose ayaa sheegaya in saakay halkaasi uu ka bilowday dagaallo faraha looga gubtay oo gacmaha la isula tegay, kaasi oo u dhaxeeya ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah iyo xarakada Raaskambooni oo dhinac ah iyo xarakada Al-Shabaab, iyadoo dhinacyada dagaalamaya ay isu adeegsadeen hub wixii ay heli kareen.
Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay dagaalada ayaa bilowday saaka waaberigii tuulooyin ka tirsan degmada Dhoobley, iyadoo ciidamada dowlada KMG ah Xarakada Raaskambooni markii dambe ku awood roonaadeen isla markaana la wareegay gebi ahaanba degmada Dhoobley kaddib dagaallo socday muddo dhowr saacadood ah.
Wararku waxay intaasi raacinayaan, in ciidamada huwanta ka kooban Dowladda iyo Raaskambooni ay iminka fariisimo ka sameysteen hareeraha iyo gudaha degmada Afmadow, iyagoona bilaabay howlgalo lagu xoojinayo amniga degmada oo maalmihii la soo dhaafay ay gacanta ku hayeen xarakada Al-Shabaab, waxaana haatan degmada Afmadow ka socda damaashaad ay sameynayaan dadka degmadaasi oo iyagu si aad ah u soo dhoweynaya ciidamada Dowladda.
Saraakiil ka tirsan ciidamada huwanta Dowladda KMG ah iyo Raaskambooniyiinta ayaa la sheegay inay kulamo kala duwan la yeesheen odayaasha, waxgaradka iyo bulshada ku dhaqan degmada Afmadow, iyadoo kulankaasi looga hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen sugidda amniga, bacdamaa ay gacanta dowladda iyo ciidamada degaanka oo iskaashanaya ay haatan la sareegeen guud ahaanba degmada Dhoobley ee gobolka J/hoose.
Dhinaca kale waxaa la sheegayaa in ciidamada Xarakada Al-Shabaab ay u baxeen dhinaca degmada Afmadow degaanno ku dhow dhow, iyadoo dagaalada halkaas ka dhacayna Dowladda KMG ah ay sheegatay inay guulo ka gaartay, inkasta oo weli meel aan sidaasi uga fogeyn ay ka dhacayaan rasaas goos goos ah oo ciidamada huwanta iyo xarakada Al-Shabaab ay isku weydaarsanayaan.
www.buhodlepost.com