Mooshin ka dhan ah Shariif-Sakiin oo Muqdisho laga bilaabay iyo Dood Culus oo arintan ka taagan
Iyadoo xildhibaano gaaraya 100 mudane oo ka tirsan barlamaanka ay wadaan mooshin xilka looga qaadayo gudoomiyaha barlamaanka KMG Soomaaliya Shariif Sakiin. ayaa haddana waxaa soo baxday dood ku saabsan sharcinimada gudoonka shirarka barlamaanka ee Shariif Sakiin. mar haddiiba isaga eedo loo haysto.
Xildhibaano gaaraya 150 mudane oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka soo horjeestay in Shariif Sakiin uu gudoomiyo kulamada barlamaanka ee lagu wado inay ka furmaan Muqdisho maalmaha soo socda, xilli uu tagan yahay mooshin isaga xilka looga qaadayo.
Xildhibaan Ismaaciil Axmed Nuur oo ka mid ah mudanayaasha wada mooshinka ayaa kulanka ka sheegay in mooshinkooda kaliya aanu ku ekeyn xil ka qaadista gudoonka balse sidoo kale marka xilka laga dhigo Shariif Sakiin lagu soo eedeyn doono arimo kale oo ay ku jiraan khiyaamooyin iyo ku xadgudub awoodeed siduu hadalka u dhigay.
“Anaga mooshinka aan keenay ma ahan kaliya xil ka qaadis ee sidoo kale waa in marka uu shakhsi caadi ah noqdo kadib lala xisaabtamo Shariif Sakiin”, ayuu yiri xildhibaanka.
Mooshinka ka dhanka ah gudoonka barlamaanka oo ay arkeen wariyaasha RBC Radio ayaa muujinaya eedeymo fara badan oo loo hesto Shariif sakiin, waxaana illaa hadda siixay boqolka iyo konton mudane.
Warar hoose oo aanu heleyno ayaa sheegaya in xildhibaanada iyo rag ku jira xukuumada ay u ololeynayaan sidii tirada mudanayaasha saxiixaya mooshinka loo badin lahaa si loo helo kooram barlamaanka oo xilka looga qaadi karo gudoomiyaha.
Tirada xilka qaadista sameyn karta
Tirada xildhibaanada barlamaanka oo gaaraya 550 ayaa sida xeer hoosaadka barlamaanku qabo, waxay tahay in la helo cod hal dheeri ah kala bar tirada barlamaanka taasoo noqoneysa 276- mudane.
Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah xubnaha ugu cadcad dadka mooshinka keenay ayaa sheegtay in deg deg loo buuxin doono tirada midanayaasha diidan gudoomiyaha iyadoo intaa ku dartay in waqti dhow kulankii barlamaanka uu furmi doono.
“Ma dheceyso inuu gudoomiyo shirka barlamaanka oo uu kursiga ku fariisto shir gudoonka”, ayey tiri Khadiijo.
Labo kala bariday kala war la’
Arinta xiisaha leh ayaa ah in gudoomiyaha barlamaanka iyo xulufadiisa oo u badan xildhibaano horey wasiiro uga soo noqday xukuumadii Cumar C/rashiid ay doonayaan in kulanka barlamaanka la qabto loogana doodo qodobadii heshiiskii Nairobi ee ay DKMG diiday xubnahan la socda Shariif Sakiin aya lagu eedeynayaa inay yahiin koox Mafia ah oo u badan kuwii dilaali jiray sunta hadhaga nugliyeerka ee lagu qubo badaha iyo bariga somaliya.
Taageerayaasha Shariif Sakiin waxay beryahan ku jiraan kulamo gaar gaar ah oo ka dhacaya gurigiisa halkaasoo shaxda lagu soo dejinayo. Waxayna sidoo kale ku dadaalayaan sidii aysan suurtagal u noqon tiro kooram ku filan oo iyaga jebisa.
Waxaase dhinaca kale taageerayaasha madaxweyne Sheekh Shariif oo isugu jira xukuumada Raysul wasaare Farmaajo iyo xildhibaanada barlamaanka iyaguna wadaan sidii ay u xoojin lahaayeen mooshinkooda ka dhanka ah gudoomiyaha barlamaanka, iyadoo marka loo eego ciyaarta hadda socota ay u qaab eg tahay qaabkii xilka looga tuuray gudoomiyihii hore Sheekh Aadan Madoobe sanadkii hore 2010 markii uu sii xoogeystay murankii kala dhexeeyey xukuumadii Cumar C/rashiid.
Maxkamada sare ee dalka
Kooxda madaxweyne Shariif ku siyaasada ah ayaa toddobaadyo ka hor gool muhim ah dhaliyey kadib markii gudoomiyaha maxkamada sare ay u dhiibeen xildhibaan Ceydiid Ilka Xanaf oo ah nin si weyn ugu dhow madaxweynaha, Waxayna magacaabistiisa sii adkeysay doodii jirtey iyadoo dhanka Shariif Sakiin ay ka boodeen magacaabista Avv. Ilka Xanaf.
Waxaa la filan karaa in maxkamada sare ay ku aragti noqoto dhanka madaxweynaha si loogu kala baxo ciyaarta siyaasadeed ee u dhexeysa labada Shariif. maadaama maxkamada sare ay tahay mida fasirta xeerarka iyo shuruucda la isku qabsado markan oo kale.
Haddaba marka loo eego khilaafaadka noocan ee kale ee u dhexeeya dawlada TFG ma ahan mid cusub, waxaana horey u dhacay khilaafyo dhexmaray madaxda TFG laga soo bilaabo dawladii Carta ee madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan, tii C/laahi Yuusuf iyo mida hadda jirta ee Sheekh Shariif.
Waxaa dhinaca kale sii xoogeysaya weerarada afka ah ee dhanka warbaahinta isu marinayaan labada dhinac waxaana maalin kasta hotelada Muqdisho lagu qabtaa shirar jaraa’id, kulamo gaar gaar ah iyo xaflado qado ah oo la isku arkayo taasoo dabcan qeyb ka ah hab ciyaareedka siyaasadda kulul ee ka dhex aloosan saaxiibada hore ee hadda isdagaalsan.
Dadka siyaasada yaqaan waxay sheegayaan in ciyaartan aakhirka ay ku dhamaan doonto oo kaliya in labada nin [waa gudoomiyaha barlamaanka
Rbc
www.buhodlepost.com eamail buhodlenews@hotmail.com