Ururka Midawga Africa oo ka codsaday Marayakanka iyo Yurub inay kordhiyaan taageerada AMISOM
Kulan ay magaalada Dara Salam ee caasimada wadanka Tanzania ku yeesheen madax ka tirsan ururka Midawga Africa ayaa waxay ugu baaqeen wadamada beesha caalamka gaar ahaan Maraykanka iyo ururka Midawga Yurub inay taageero dheeeraad ah siiyaan ciidamada Midawga Africa ka jooga Soomaaliya ee AMISOM.
Kulan madaxeedkaan oo ay yeesheen wadamada ku midaysan ururka bulshada bariga ee magaciisa loo soo gaabsho EAC ayaa waxay ugu baaqeen wadamada taageera dawlada KMG gaar midawga Yurub iyo Maraykanka inay xoojiyaan taageerada ay siiyaan ciidamada AMISOM ee hawlaha nabad illaalinta Soomaaliya u jooga.
War qoraal ah oo kulankaan markuu soo gabo gaboobay kadib la soo saaray ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada AMISOMn ay hawl adag ka hayaan Soomaaliya si gaar ahna ula dagaalamaan dagaalyahanada Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab isla markaana ay muhiim tahay in la taageero.
Ururkaan oo ay ku jiraan wadamada Tanzania, Rwanda, Burundi, Uganda, iyo Kenya ayaa sheegay in dagaalada dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ay door muhiim ah ku leeyihiin ciidamada AMISOM oo ay sheegeen inay haatan gacanta ku hayaan inta badan magaalada Muqdisho.
Madaxdii kulankaas ka qeyb galay ayaa sheegay inay lama huraan tahay in la taageero ciidamada AMISOM taasoo keeni karta bay yiraahdeen in xal laga gaaro arrimaha Soomaaliya.
Ciidamada midawga Africa ka jooga Soomaaliya oo tiradoodu gaarayso in ka badan 9,000 oo askari ayaa si qeyn u taageera xukuumadda KMG waxayna dagaalo kula jiraan dagaalyahanada Al-Shabab.