Itoobiyaan lagu laayay Ceel Waaq iyo Shabaab oo guul gaadhay dhagta dhiigana u daray 14-Askari oo Itoobiyaan ah
Sida wararki ugu dambeeyay aynu ku helnay waxaa la laayay Ciidan badan oo Ethiopian ah xilli ay gurmad u ahaayeen askarta dowlada somalia oo dagaalka ku qabsaday Ceel waaq.
Warar soo gaadhay Xafiska warqabadka buhodlepost ee Nairobi ayaa sheegaya in Kooxda Alshabaab ay maanta laysay askar Ethiopian ah oo gurmad u ahaa ciidanka Dowlada,kuwaasoo badankood hadda wadhan yahiin meydadkooda dariiqyada Ceelwaaq,

Dagaalka maanta dhacay ayaa waxa uu soo afmeermay gabaldhicii caawa markii Kooxda Alshabaab oo weerarka qaaday dib loogu celiyay dhulka Miyiga ah ee Ceel Waaq.
Weerarka Shabaabka ayaa waxaa lagu dilay maanta ku dhawaad 14-Askari oo Ethiopian ah kuwaasi oo Mina loo dhigay xilli ay soo galayeen dhufaysyada dowlada laga saaray waxaana taasi ay sababtay in Taangiyo ay adeegsadaan Ciidanka la jabiyay ee Ethiopian.
Dhanka Shabaabka ayaa dhankooda qasaara isaguna uu gaadhay waxaan weli la helin wararka suagn ee qasaraha soo gaadhay Shabaabul All mujaahidiin oo iyagu soo qaaday weerarkan Ciidamada Shabab ayaa ku guulaystay inay baajiyaan imaanshada wasiir Dowlada ka Tirsan uu ku tagi lahaa Ceel Waaq.
Xaalada ayaa caawa dagan waxaana Deegaanka Ceel Waaq ku sugan Ciidanka Dowlada iyo Ethiopian cadhaysan oo maanta askar badan looga dilay dagaalka Ceel Waaq.
xafiiska war qabadka buhodlepost.com
Nairobi Kenya