Suldaanka Samaroonka oo Siilaanyo eed u soo jeediyay iyo Maamulka Somaliland
Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo ka mid ah salaadiinta waawayn ee gobolka Awdal ayaa shir jaraa’id oo shalay ku qabtay Boorama, wuxuu ka hadlay Arimo badan oo ay ka mid yihiin mawqifkiisa ku aadan furashada ururada Siyaasadeed iyo Dhaliilo Xukuumada ah iyo in M/weynihii hore ul Lagaga Saaray iyo In Heshiiskii Beelaha Waqooyiga somalia ee Burco ay Beesha Isaaq ka baxday dagaalana ka wado Bari iyo Galbeed.
Suldaanku ugu horayn isaga oo ka waramayay waxa ay gudida ka soo talo bixinta furashada ururada siyaasada oo kulan uu la yeeshay ayaa waxa uu yidhi “ Waxa aan idhi shalay hala furo Ururada Siyaasada, waxana ay ahayd sababtu iyada oo ay muuqato in ay ummad dhani xakamaysan tahay oo aanay helin fursad ay ku muujiyaan damacooda siyaasadeed, isla markaana waxa hubaal ah in sedexda xisbi ee jiraa ay yihiin kuwo ay hogaanka sare u hayaan beelaha Isaaq, taladoodana looma dhana waxaana loo baahan yahay in garbaduubka laga baxo oo cid waliba ay ururkeeda furato si dalku uu u furfurmo, waa sababtaas sababta aan anigu u taageeray in la furo ururada siyaasada.
Suldaanka oo ka jawaabayay inay jiraan in kulankii doraad ay la yeesheen gudida katalo bixinta furashada ururada siyaasada in masuuliyiintaasi ay ka cadhoodeed hadalo kulul oo uu suldaanka laf ahaantiisu ku yidhi, ayaa waxa uu yidhi “Ama ha cadhoodaan ama yaanay cadhoon anigu waxa aan sheegay waxii igu jiray iyo mawqifkayga waxa aan ka biyo diiday anigu in saxaafada laga saaro kulankii shalay waxaana aan idhi waxa haboon in waxwalba ay cadaadaan waa maxay waxa ad qarsanaysaan ee jira, waxa kale oo aan sheegay oo aan idhi waxa aad jabiseen xeerkii beelaha ee ku salaysnaa heshiiskii Burco oo aan xusay in waxyari ka noolyihiin wixii lagu balamay, waxaan idhi nabad baalagu balamay oo waxa aan ku heshiinay in nabad aan la isku tacadiyin lagu wada noolaado, taasina way jabtay oo waataasi maanta muuqata in dalka ay labada cidhifba xabadi ka socoyo bari iyo galbeed, waxa kale oo jabay oo lagu balamay in dawladd la yidhaahdo Somaliland oo la wada leeyahay la dhiso taasina way jabtay oo waxa ka soo baxday dawlad Qolo ah, oo aan la wada lahayn beelaha Isaaq oo kaliya ayaa iska leh dawlada, beelaha Harti iyo Samaroona waxa la yidhi waxbaan idin siinay waxaasina ma aha wax laga wada tashaday, cida sidaas wax loogu dhiibaana ma aha cid xor ah, oo waa cid hareeraha laga fadhiyo, waana hubaal in ninka beelaha Harti iyo Samaroon ka soo jeeda ee sareeyaa uu ka awood badan yahay ninka beelaha Isaaq ka soo jeeda ee ka hooseeyaa, markaa anigu waxaas oo dhan ayaan cadeeyay ninkii ka cadhoonayaana ha ka cadhoodo.
Suldaanku mar uu ka waramayay waxa uu isagu ra’yi ahaan ku taageerayo in ururada siyaasadeed la furo ayaa waxa uu yidhi “Waxa loo baahan yahay horta in dib loo soo nooleeyo heshiiskii Burco ee beelaha u dhexeeyay ee aan shalayna sheegay in la jabiyay, waana markaas marka la furi karaa ururada siyaasadeed ee la sheegay.
Suldaanka oo ka Jawaabayay in xisbiga UDUB-ba gudoomiye ka yahay Daahir Rayaale oo ka soo jeeda Awdal, oo aanay sadexda xisbi wada haysan beesha Isaaq wuxuu yidhi“Maya Maya Daahir Rayaale Kaahin kama aha hogaan, magacii ayuunbaa halkii wali iska yaala, waana hubaal in masuuliyiin beelaha dhexe ka soo jeeda ay hogaanka u hayaan, mida kale Daahir Rayaale Kaahin waad ka warla’dihiin sida uu xilka kaga tagay, waxaad u haysataan in xilka laga helay, maya maya sidaas ma aha ee waxa la yidhi ul kaga dhaadhac idinkuna war uma haysaan.
Dhinaca kale mar suldaanka dib loogu celiyay su’aal khusaysa wada lahaashaha dawlada isla markaana la tusaaleeyay in beesha Samaroon. ay ledahay M/Ku Xigeen halka ay Beelaha Isaaq ka leeyihiin Madaxwaynaha ayaa suldaanku waxa uu ku soo koobay jawaabtiisa “ Dhadhaarada Hareeraha ka yaal ee dabku ka shidmayo ayaydaan war u hayn”.
Mar suldaanka wax laga waydiiyay sida uu u arko aragtida qurbojooga ee Awdal State ayaa waxa uu yidhi “Walaahi iyaga ayay ku gaar tahay nin qurbo jooga oo rayigiisa cabiray waxa uu ka hadlay, anigu dalka ayaan jooga waxba igama khuseeyaan waxaas, waxbana igama soo gaadhaan runtii”.
Suldaan Saleebaan oo sharaxaya Heshiiskii beelaha Waqooyiga Somalia ee Burco wuxuu yidhi “Heshiisku Burco waxa uu dhigayay in la goosto, in nabad waarta lagu wada noolaado, in dawlada la wadaago la dhiso iyo in madaxwayne la doorto, iyada oo ay sidaas ahayd ayaa afartii qodob laba ka mid ahi ay jabeen, kuwaasi oo kala ahaa in nabad lagu wada noolaado iyo in dawlad wadaag ah la dhisto, wayjabeen labadaas qodob, maanta waxa dalka ka jira dawlad beelaha dhexe oo kaliya ah.
Suldaanka ayaa ku soo gabagabeeyay hadalkiisa talo uu u soo gudbinayay Maamulka Somaliland wuxuuna yihi “Talada aan soo jeedinayaa waxay ila tahay, dawlada aan ku talin lahaa in la dhiso waa mid wadaag ah oo tallo lagu qaybiyo, hadii la leeyahay reer hebel intaasaan siinay ma aha wax ay talo ka muuqato, waxana aan leeyahay talo wadaag haka muuqato dawlada, maaha cidbaa loo yareeyay iyo cidbaa loo badiyay
www.buhodlepost.com
email buhodlenews@hotmail.com