Home » May, 2011 Entries posted on “May, 2011”

Wasiirka Warfaafinta Mamulka Somaliland oo ka hadlay Dagalkii shalay kadhacay Gobolka Sool

Wasiirka Warfaafinta  Mamulka Somaliland oo ka hadlay Dagalkii shalay kadhacay Gobolka Sool

waxaa manta saxafada kula hadlay magalada laascaanood ee xarunta gobolka sool warsiirka warfaafinta maamulka Isaaqiyada Axmed Cabdi xaabsade Mr xaabsade wuxuu sheegay in dagalkii shalay ka dhacay Tukaraq ay kusoo qadeen Maleeshiyadka SNM Kooxda SSC OO ay garab siinayan Ciidamada Puntland wasiduu hadalka u dhigaye, Xaabsade ayaa beeniyey hadal shalayto kasoo yeeray warsiirka warfaafinta maamulka [...]

May 31 2011 | Posted in Wararka Somalia | Sii Akhri »

Maamulka Puntland oo gudi u magacawday difaaca iyo dhaqaalaha Puntland

Maamulka Puntland oo gudi u magacawday difaaca iyo dhaqaalaha Puntland

Dowladda Puntland ayaa maanta sheegtay inay magacwaday gudi ka kooban difaaca iyo dhaqaalaha Puntland kuwaasi oo isugu jirta wasiiro iyo saraakiil katirsan maamulka Puntland. Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Puntland Xasan Faarax ( Geerash) oo maanta ka hadlay munaabsad ka dhacday magaalada Boosaaso,ayaa waxaa uu sheegay inay jiraan dhibaatooyin soo food saartay maamulka Puntland oo ay [...]

May 31 2011 | Posted in Wararka Somalia | Sii Akhri »

Dagaal culus oo dhexmaray Puntland oo isku dhinac ah SSC iyo Somaliland

Dagaal culus oo dhexmaray Puntland oo isku dhinac ah SSC iyo Somaliland

Sida la sheegaya dagaalkan ayaa ku bilooday qaab lama filaanan iyadoo maalamahana ay jirtay xiisad cusub oo laga dareemayey aaga hore ee u dhaxeeya Tukataq iyo Laascaanood waxaalagu soo waramayaa in ciidanka Puntland uu si kadis ah ku qabsaday dagaalku ka dib Ciidanka SSC iyo iyo Kan Somaliland ay is farasaareen markii in mudo ah [...]

May 30 2011 | Posted in Wararka Somalia | Sii Akhri »

Aminarts oo ah Farshaxan Soamaaliyeed ayaa ka sameeyey Sawir Dhab ahJacaylka Magaalada Muqdisho ay u hayso walaasheed Hargaysa oo in Mudo ay kala maqnaayeen oo markii hore iyadu kaga horaysay jacaylka

May 30 2011 | Posted in Videos, Wararka Somalia | Sii Akhri »

Sedexda kala Daran Mid dooro ama Ka wada tanaasul

Sedexda kala Daran Mid dooro ama Ka wada tanaasul

Qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida gaar ahaan Allidamaale, ayaa waxay soo daabacday maqaal ay ugu magacdartay Xil-Abukaataal,maqaalkaas oo ku wajahnaa xubno ka mid ah indheergarato dhawaan bayaan u gudbiyey Issimada Reer puntland bayaankaas oo nuxurkiisu ahaa in dadka Reer Puntland ay shir isugu yimaadaan si ay uga wada hadlaan dhibaatada taagan ee ka alloosan [...]

May 29 2011 | Posted in Wararka Somalia | Sii Akhri »

Koobka Caawa anagaa Qaadayna:Messi oo saadaaliyay inay 3-1 ku tumi doonaan Kooxda martida loo yahay ee Man-Uinted

Koobka Caawa anagaa Qaadayna:Messi oo saadaaliyay inay 3-1 ku tumi doonaan Kooxda martida loo yahay ee Man-Uinted

Ciyaarta Xiisaha Badan ee Finalka Koobka Champion-Legue ee ka dhaceysa Maalinta Sabtida ah Magalada London ayaa Waxaa ka Kala Hadlay Ciyaartoyda iyo Macalimiinta Labada Naadi ee Finalka iskugu Yimid ee Barcelona Iyo Man Utd. Ciyaaryahanka Kooxda barcelona iyo Xulka Dalka Argentina Lione Messi oo BBC Wareysi Siiyay ayaa sheegay in uu Rumeysan Yahay in Kooxda [...]

May 29 2011 | Posted in Sports | Sii Akhri »

waxay shirka fadhiisiyeen inan Darawal ah oo Reer hagar ah MR. Xuseen Cige oo ka soo quustey Ictiraafkii

waxay shirka fadhiisiyeen inan Darawal ah oo Reer hagar ah MR. Xuseen Cige oo ka soo quustey Ictiraafkii

Gudoomiyaha Arimaha Dibada ee Golaha Wakiilada Somaliland Xuseen Cige, oo dhowaan ka qayb galay shirkii golaha amaanka ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in kuwii ” Dhulbahante” oo kursigii Beesha Isaaq iyagu ku fadhiisteen Shirka ninka fadhiistay kursigii Somaliland waxa uu ahaa nin darawal ah oo Dhulbahante oo reer Hagar ah sidaa waxa yiri Xuseen Cige [...]

May 29 2011 | Posted in Wararka Somalia | Sii Akhri »

Suuqii ugu weynaa Dalka Somalia ee Bakaaraha oo isu badalay lama dagan

Suuqii ugu weynaa Dalka Somalia ee Bakaaraha oo isu badalay lama dagan

Suuqa ugu weyn dalka Soomaaliya ee Bakaaraha oo dhaqdhaqaaqiisa aanay hakin dagaaladii magaalada Muqdisho ka dhacayay mudada labaatanka sano ah ayaa waxaa haatan soo wajahday xaaladii ugu adkeyd oo ay ku hakadeen dhammaadeen dhammaanba dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee suuqaasi ka socday. Marka la eego suuqa Bakaaraha oo ahaa isha kaliya ee dhinaca dalka Soomaaliya uu ka [...]

May 28 2011 | Posted in Wararka Somalia | Sii Akhri »

Albaqaratu Zaxika oo tuugay Netenyahu Inu Dalka Ka Saaro Kadib Markii talo ku cadaatay

Albaqaratu Zaxika oo tuugay  Netenyahu Inu Dalka Ka Saaro Kadib Markii talo ku cadaatay

Wargeyska Rose Al-Yousef Ee ka soo baxa magaalada Qaahira iyo cariga Masar ayaa si xog-ogaal ah iyo ilo muhim ka ogaaday in madaxweynihi hore Masar Xusni Mubaarak dhamaadki bishi Feb.2011 ku beegan maalmihi la yiri guriga ha ka bixin amase lagu xayiray u si gurguurasho qarsoon xiriir khadka teleefon la sameeyey inta badan madaxda reer [...]

May 28 2011 | Posted in Wararka Somalia | Sii Akhri »

Dagaal xoogan ayaa xalay ka dhacay tuulada Gambadhe oo dhanka bari 35km ka kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dagaal xoogan ayaa xalay ka dhacay tuulada Gambadhe oo dhanka bari 35km ka kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Ciidamo uu hogaaminayey Hogaamiye ku xigeenka SSC Col.Cali Sabarey ayaa la sheegay inay la wareegeen gacan ku haynta deegaankaas kadib markii dagaal ku dhexmary maleeshiyada maamulka Somaliland ee ku sugnayd halkaas. Wararku waxay sheegayaan in hal dhimasho ah iyo labo dhaawac ah ay dhanka Maleeshiyada Somaliland soo gaadheen, halka ciidamada SSC aan la sheegin wax [...]

May 27 2011 | Posted in Wararka Somalia | Sii Akhri »

Baaq iyo Talo bixin Ku Socda Issimada Puntland

Baaq iyo Talo bixin Ku Socda Issimada Puntland

DOWLADDA PUNTLAND PUNTLAND STATE EE SOOMAALIYA OF SOMALIA Ku:Isimada Puntland Puntland Og: Golaha Wakiilada Puntland Garoowe Og: Golaha Xukuumadda Garoowe Og: Golaha Garsoorka Garoowe Taariikh:Arbaco,May,25,2011 Isimo sida aan wada ogsoon nahay Puntland waxaa ku bahoobay beeloh isku ISIR ah dabayaaqadii 1998, taasoo ay bud-dhige u ahaayeen ISIMADA beelahaas.Waxaa kaloo la ogsoon yahay in PL ay [...]

May 26 2011 | Posted in Wararka Somalia | Sii Akhri »

Madaxda dowladda oo loogu hanjabay shirkii Nairobi

Madaxda dowladda oo loogu hanjabay shirkii Nairobi

Madaxda sare ee dowladda KMG ayaa loogu hanjabay shir ay kula yeesheen magaalada Nairobi Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobbay. Shir jaraa`id ay si wadajir ah u qabteen eregeyga joogtada ah ee dowlada Ingiriiska u qaabilsan Golaha Ammaanka Mark Lyall Grant, kan dowladda Koofur Afrika u qaabilsan Golaha Ammaanka Baso Sangqu iyo ergeyga QM u qaabilsan [...]

May 26 2011 | Posted in Wararka Somalia | Sii Akhri »

War deg deg ah: Shirkii Nairobi uga socdaay soomaalida oo ay qodobo kasoo baxeen

War deg deg ah: Shirkii Nairobi uga socdaay soomaalida oo ay qodobo kasoo baxeen

Shirkaan jaraaid oo hadda aay qabteen wakiiladda qaramadda midoobay ee kusugan Nairobi ayaa waxaa lagu sheegay inaay kasoo baxeen shirkii maanta 3 qodob oo muhiim ah kuwaas oo kala ah. 1.In si dag dag loo joojiyo qilaafaadka u dhaxeeya madaxda dowladda. 2.in shirka bisha jun lagu qabanayo magaaladda muqdisho uu noqdo mid qaramadda midoobay qaybteeda [...]

May 26 2011 | Posted in Wararka Somalia | Sii Akhri »

DAYAX GACMEEDKII RUUSHKA OO DHULKA SI NABAD GALYO AH UGU SOO NOQDAY!

DAYAX GACMEEDKII RUUSHKA OO DHULKA SI NABAD GALYO AH UGU SOO NOQDAY!

25. May 2011-Maanta waxaa dhulka si nabad galyo ah ugu soo noqday dayar gacmeeka ruushka ee loo yaqaano (Sojosez-kapsule), kadib markii uu mudo 159 maalmood ah hawada sare ku jiray,Dayax gacmeedkaa waxa uu ku soo noday dhulka wadanka loo yaqaan Kazachstan oo uu ku yaalo salidhiga ugu wayn ee dayax gacmeedka laga tuuro ama laga [...]

May 25 2011 | Posted in Wararka Somalia | Sii Akhri »

Man-United oo qaaday koobkii 19-aad ee Pr. League

Man-United oo qaaday koobkii 19-aad ee Pr. League

Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa ku guuleysatay koobkii 19-aad ee horyaalka dalka Ingiriiska,kadib markii ciyaarteedi u danbeysay ay 4-2 uga adgaatay kooxda heerka labaad aaday sanadkan ee Blackpool oo ay ku marti gelisay garoonka Old Trafford. Man. United koobkan ay iminka qaaday ayaa waxa uu u noqonayaa rigoor cusub oo ay ka jebisay [...]

May 25 2011 | Posted in Sports | Sii Akhri »

Booliska Kenya oo sheegay inay xaduuda ka qabteen dagaalyahano ajanabi ah oo Soomaaliya u soo socotay

Booliska Kenya oo sheegay inay xaduuda ka qabteen dagaalyahano ajanabi ah oo Soomaaliya u soo socotay

Ciidamada booliska dalka Kenya aya sheegay inay gacanta ku dhigeen 3 ruux oo aan Soomaali aheyn haseahaatee lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Xarakadda Al-Shabab ee Soomaaliya ka dagaalanta xilli ay isku dayayeen inay gudaha u soo galaan Soomaaliya. Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska gobolka waqooyi bari Kenya Philip Ndolo aya u shegay wargeyska [...]

May 24 2011 | Posted in Wararka Somalia | Sii Akhri »

Mujaahidiinta waxaa leeyahay, dagaal hadii la galo qolaa adkaata maalina adiga adkaanaya, maalina waa laga adkaanayaa Xasan Daahir Aways

Mujaahidiinta waxaa leeyahay, dagaal hadii la galo qolaa adkaata maalina adiga adkaanaya, maalina waa laga adkaanayaa Xasan Daahir Aways

Hogaamiyihii hore ee Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa ku baaqay in dagaalada ay ka qeyb galeen Ganacsatada iyo Odayaasha qabaailka, kadib markii uu sheegay in la soo weeraray Suuqa Bakaaraha, isagoo qiray in dagaaladii looga qabsaday fariisimo. Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ka hadlayay gudaha Suuqa Bakaaraha, xilli ay xabado dhacayeen ayaa sheegay [...]

May 24 2011 | Posted in Wararka Somalia | Sii Akhri »

Su’aal: Ma Idinku Jirta Qorshaha Inaad Mustaqbalka Dhaw La Midawdaan Soomaaliya DR. Maxamed C/laahi Cumar wasiirka Khaarajka ee Somaalilaand

Su’aal: Ma Idinku Jirta Qorshaha Inaad Mustaqbalka Dhaw La Midawdaan Soomaaliya DR. Maxamed C/laahi Cumar wasiirka Khaarajka ee Somaalilaand

Su’aal Gulfnews: Waa Maxay Ujeedada Socdaalkiina aad Ku Joogtaan Emirateka Carabtu? Jawaab: Marka ugu horaysa waxaanu martiqaad ka hellay Madaxda dalkani (Emirateka carabta) gaar ahaana Abu-Dhabi, ujeedada socdaalkayaguna waxaa weeyi inaanu kor u qaadno Somaliland dal ahaan iyo dawlad ahaanba gudaha dalalka carabta, Emirateka Carabtu wuxuu ka mid yahay dalalka go’aanada waaweyn ku leh dalalka [...]

May 23 2011 | Posted in Wararka Somalia | Sii Akhri »

Shirkii u socday jaliyada dhulbahante ee loga arinsanayay Degaanka Waamo oo gul ku soo dhamaaday

Shirkii u socday  jaliyada dhulbahante  ee loga arinsanayay Degaanka Waamo oo gul ku soo dhamaaday

GUDIGA HORUMARINTA DEGAANKA WAAMO Waxa la ogaysiinaya dhamaan jaliyada dhulbahante ee ku dhaqan daafaha dunida inuu in mudo ahba shirka socday magalada Nairobi ee wadanka keenya shirkaas oo ku saabsan sidii wax loogu qaban lahaa degaanka WAAMO oo ah degaan muhiim ah oo bay beeshu degto, Shrikii ugu horeyey oo qabsoomay 2/4/2011 waxaa in dibu [...]

May 22 2011 | Posted in Wararka Somalia | Sii Akhri »

Ciidamada Dowladda oo gudaha u galay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dowladda oo gudaha u galay Suuqa Bakaaraha

Dagaalo xoogan ayaa maanta ka holcanaya qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho. Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya oo ay kaabayaan ciidamada Midoowga Afrika ee Amisom ayaa saaka galay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ka dib dagaal saf baraalan ah oo Shabaabka lagu qaaday. [...]

May 22 2011 | Posted in Wararka Somalia | Sii Akhri »