cusbitaalka marqaamweyne oo si wanaagsan oo loo dayactirey
Marqaan-Weyne(pp):-Intiinii akhrisatey isbuucii hore warbixin dheer oo aan kaga hadlayney dhinaca waxbarshada ee magaalada Marqaan-wayne ee ismaamulka soomalida Ethiopia, Waxaan idiin balanqaadney inaan warbixinta xigta aan ku dhugan doono dhinaca caafimaadka isla magaalada marqaan-wayne, Hadaba anakoo ka dhabaynayna balanqaadkaa ayaa wiriyaheena noo jooga magaalada marqaan-wayne noo soo diyaariney warbixin kooban runtiise ku dheeraan doonta maskaxdiina markaad akhristaan.
Sidaad la wada socotaan magaalada marqaan-wayne waxay ahaan jirtey meelaha ugu liidata xaga caafimaadka, Hadii ay dhacdo in loo baahdo gargaar degdega oo xaga caafimaadka ah sida waxyaabaha aasaasiga ah haba ugu yarooto dhiig joojin, malahayn magaaladu, waxaana loola carari jirey magaalooyin ugu yaraan 60km ujira sida buuhoodle ama wardheer, Taasina waxay sababi jirtey in bukaanka inta la sii wado uu badiba dhiman jireen.
Ilaahaay mahadi ha gaadhee ilaa iyo intii uu deegaanka ismaamulka soomalida itoobiya uu madax waynaha ka noqdey Cabdi Mahamed Cumar waxaa deegaanka soomalida Ethiopia maalinba maalinta ka dambaysa laga hirgelinayey mashruucyo kala duduwan oo deegaanka ahmiyad wayn uleh. Hadaad is barbardhigto sanad iyo barkii ugu dambeeyey iyo bqoqolkii sanee ka horeeyey waxaa hubaal ah in sanad iyo barkaasi ku sadex jibaarmo horumarka laga fuliyey deegaanada soomaalida Ethiopia degto.
Waxaa dowlada ismaamulka soomalida itoobiya ka hirgelisay magaalada marqaan-wayne cusbataal aad uwayn kaasoo weli qaybo kamidi socdaan dhismihiisu halka la isticmaalo qaybaha dhamaystiran, runtiina dabooli doona baahida magaalada Marqaan-wayne iyo deegaanka ku dhowdhowba hadii ilaahey ka dhigo.
Cusbitaalka Marqaan- weyne ayaa waxuu ka kooban yahay 34 Qol, Waxaa ka hawl galidoona 7 dhakhtar, Adeegyada uu cusbitaalka marqaan-weyne qabandoono waxaa ka mida, Daawaynta cudurada guud, Qayb umuliso, Qaybta lafaha iyo kabista,Qayb bukaan Jiif, & Qaybta Qaliinka fudud, Cusbitaalka hada waxaa u diyaarsan Qalabkii Shaybaarka oo mudo dhaw hawl gali doona hadii ilaaheey ka dhigo.
Dadweynaha Magalaada Marqaan-weyne ayaa u mahadnaqay dawlada Ethiopia, gaar ahaan madaxda ismaamulka Soomalida sida ay horumar balaadhan uga qabteen Magaalada.
xigasho jidbaale