|

Laascaanood,(buhodlepost.com)- Rag reer Miyi ahaa oo maalintii shalay galab laga soo qabtay duleedka magaaladda laascaanood..

ayaa saaka loo dhaadhiciyay dhanka magaaladda Burco. kadib markii maamulka Somaliland ay ku eedeyeen inay ku lug lahaayeen weerarkii lagu qaaday taliyaha nabad sugida wadooyinka gobolka Sool.

Ragan oo ka koobnaa lix nin ayaa iskugu jiray kuwa duleedka magaaladda laga soo qabqabtay iyo kuwa kale oo gudaha magaaladda laga soo qabtay, Waxaana maamulka gobolka Sool ku warbixiyay inay yihiin ragii fuliyay weeraradii qorshaysanaa ee lagu qaaday saraakiisha maamulka gobolka Sool ee Maamulka Somaliland

Eheladda qaar kamid ah Ragan la qabqabtay ayaa ku tilmaamay xadgudub weyn oo ka dhan ah bini’aadanimadda oo lagula kacay dad aan ka war ahayn waxa lagu soo eedeyay.

Nimankan oo saaka loo qaaday mandheera ayaa Silsilado lagaga xidhxidhay lugaha iyo gacmaha iyadoo loo diiday eheladdoodu inay arkaan

Fikrad Ka Dhiibo