Obama oo sheegay inay dileen Osama Bin Ladin
Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa daqiiqado ka hor shaaca ka qaaday in ay Ciidamada Maraykanka ay ku guuleysteen inay dilaan Hogaamiyihi Dhaq dhaqaaqa islaamka Al Qaida ee Osama Bin Ladin.
Weli wax faah faahin ah lagama bixin sida ay Maraykanka ku ogaadeen halka uu ku sugan yahay Osama oo ahayd magaalo yar oo ku taal dalka Pakistaan, halkaasi oo ku qarsoodi ah u galeen koox kooban oo ka tirsan ciidamada Maraykanka, waxaana magaalada lagu dilay Osama Bin Ladin lagu magacaabaa Abbottabad oo 150km u jirta magaalada caasimada Pakistan ee Islamabad.
Hawlgalkan ay sameeyeen ciidamada Maraykanka ayaa la sheegay inay gacan kusiiyeen ciidamada dowlada Pakistaan.
Maraykanka ayaa la sheegay inuu helay xogta meesha uu ku sugan yahay Osama Bin Ladin bishii September ee sanadkii hore 2010, ayadoo illaa mudadaasi Maraykanka uu waday baadhitaan iyo qorshaha weerarkan.
Obama oo telefishinka kala hadlay caalamka ayaa subaxnimadii Isniinta caalamka u sheegay in Maraykanka ay ku guuleysteen inay dilaan Osama bin Ladin oo uu sheegay inuu ku sugnaa guri ku yaal gudaha dalka Pakistaan.
Weerarkaasi ayaa la sheegay in Maraykanka ay u adeegsaden diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo koox yar oo ah ciidamada Maraykanka, halkaasi ayaa waxaa ka dhacay dagaal dhexmaray illaalada Osama iyo ciidamada Maraykanka, waxaana iska horimaadkaasi ku dhintay hogaamiyaha Al qaida, meydka Osama Bin Ladin ayey Maraykanka gacanta ku dhigeen, sida uu sheegay Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.
Iska horimaadkaasi oo socday muddo 40 daqiiqo ah, ayaa sidoo kale lagu soo riday mid kamid ah Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee Maraykanka oo ka qeyb qaatay hawlgalka, weerarkan ayey ku dhinteen qaar kamid ah caruurta Osama iyo dhamaan dadkii ku sugnaa guriga oo ay ku jirto hal haween ah.
Dilka Hogaamiyaha Al Qaida ayaa ah mid ay si weyn ugu farxeen shacabka Maraykanka oo isla markiiba isugu soo baxay wadooyinka waaweyn iyo Aqalka Cad ee Washington DC.
Ururka Al Qaida ee uu aasaasay Osama Bin Ladin, ayaa ahaa kii lagu eedeeyey weeraradii 11kii September 2001 ka dhacay dalkaasi muddo ku dhow 10 sano kahor, waxaana sidoo kale ururkan uu fuliyey weeraradii lagu qarxiyey safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tanzaaniya sanadkii 1998dii, iyo waliba Markabkii dagaal ee Maraykanka lahaa ee USS COLE oo lagu qarxiyey dekkada magaalada Cadan ee dalka Yemen sanadkii 2000.
Obama ayaa khudbada uu telefishinka kasoo jeediyey ku sheegay in Maraykanka uusan dagaal kula jirin Islaamka balse asagoo yiri;
“…waa inaan markale ku celinaa in Maraykanka uusan marnaba dagaal kula jirin Islaamka, Osama Bin Ladin maaheyn hogaamiye muslim, balse wuxuu ahaa nin xasuuqay dad badan oo xataa Muslim ah…”
Dilka Osama ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyey dowlada Afghaanistaan iyo waliba Madaxweynihii hore ee Maraykanka George W.Bush oo ku tilmaamay guul taariikhi ah, walow uu sheegay inuusan dhamaan dagaalka lagula jiro waxa uu ugu yeeray Argagaxisada Caalamiga ah.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowlada Pakistan ay horey ulla socotay meesha u ku sugan yahay Osama Bin Ladin, ayadoo la sheegay sanadkii lasoo dhaafay 2010 ay Pakistaaniyiinta ay xog si hoose u siiyeen Maraykanka meesha u ku sugan yahay Osama, si loo hagaajiyo xidhiirka ka dhaxeeya Maraykanka iyo Pakistan oo waayadan sii xumaanayey.
www.buhodlepost.com
ciise ahmed soofe Kaulalumpur