|

Roob xoogan oo saaka subaxnimadii hore kada,ay magaalada buuhoodle

Buuhoodle:Roob wayn oo Mahiigaan ah ayaa xalay Abaaro 4:00 habeenimo ka da,ay magaalada Buuhood ee xarunta gobolka cayn roobkan oo lagu qaboobsaday dad iyo duunyaba. sidoo kale waxaa lasheegayaa in uu baraagaha Buuxiyey iyo meelihii Biyo Qabatimka ahaa dhamaantood mar aanu saaka booqosho ku marnay qaar kamida xaafadaha iyo suuqa weyn ee magaalada Buuhoodle.
Iyadoo abaaro xoogan ay ku habsadeen dadka reer guuraga ah oo ay kacabanayeen abaarahaas ayaa maantana waxa ay ku jiraan barwaaqo

Wararka naga soo gaadhaya tuulooyin hoostaga magaalada buuhoodle ayaa waxaa laga soo waramayaa in uu roobku sifiican u helay

Roobkan ayaa saaka mar aanu booqanay qaybo kamida ah baraagaha iyo wadooyinka ayaanu waxaa nooga muuqatay biyo aad uqul qulaya kadib maanta ayaa magaalada waxaa laga dareemayaa daganaasho iyo qabowsinimo.

Waa markii ugu horaysay ee roob noocan oo kalaa uu kada,o magaalada buuhoodle Ilaa iyo intii uu Curtay Gugan roobkan ayaa waxa uu u egyahay mid wax soosaar leh oo ay xooluhu manaafacsan karaan jawiga magaalada ayaa waxaa laga dareemayaa daganaasho.

Xiligan oo loo bartay xiligii uu gu,gu Curanjiray Kalshaalenews.com kala soco wararkii Caalamka kala soo Xidhiidh wixii talo bixin ah

Fikrad Ka Dhiibo