War Saxaafadeed Gudoomiyaha Guddiga Isfahanstinta SSC Baasha Cali Jaamac
Gudoomiyaha Guddiga Isfahanstinta SSC ayaa war saxaafadka soo saaray shirkii Aqoonyahanada ee London mudane Baashe Cali Jaamac oo ka mid ah dadka u olaleeya kooxda Nairobi horeyna uga mid ahaan jiray Maamulka hargaysa ayaa ka hadlay arinmaha shirkii Aqoonyahanada dhulbahante ugu dhamaadaay magaalada London ee wadanka Uk , Mr. Baashe wuxuu si qarsoon u muujiyey inuu jiro khilaaf u dhexeeya aqoonyahanada SSC kaas oo aan lagu dhamayn shirkii London,hadalka Baashe Cali jaamac oo ay ka muuqatay inuu u hadlayo awood qaybsiga beelaha SSC oo uu sheegay in lagu xadgudbay beelo ka mid ah SSC,isagoo si toos ah u weeraray Sulaymaan Ciise “ayaa yidhi waa in madaxweyne loo magacaabaa Cali Sabaray,Baashe Cali Jaamaac ayaa u durbaan tumaya Inuu soo nooleeyo arimo la mid ah kuwii Laascaanood lagu qabsaday isagoo sheegaya in Beeshiisa la qadiyey oo Xaglotoosiye oo ah gudoomiyaha SSC iyo Cismaan Xasan Xaaji Cumar oo lagu magacaabay ha’yada debada iyo wasiirka Warfaafinta ee TFG ay isku beel yihiin oo lagu xadgudbay qaabkii Soomaalida ee 4.5 ta.
Maxamuud Cali Jaamac oo ugu magacownaa Kooxda Nairoobi Wasiirka debada ayaa sida muuqata hada noqday ku xigeenka gudida xidhiidhka debada ee SSC taas oo la odhan karo waxay qaybka tahay waxa kaga qaylisiiyey Baashe Cali Jaamac inkasta oo ay dadka qaar leeyihiin waxaa jira arimo siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu burburiyo shirka la filayo inuu dhaco gudaha SSC waxaana la saadaalinayaa inuu Baashe ka mid yahay dadka wakiilada ka mashaariicda burburinta Shirka dhulbahante.
Si kastaba ha noqoto ee waxaa meesha ka muuqata in uu jiro hanaanwanaagsan oo beeshu ku wada hadli karto waxaana la filayaa inu dhawaan bilaabmi doono shirweyne caam ah oo beeshu qabsato oo aayo ka talineed,waxaa xusid mudan in uu jiro xoogaa jaahwereer ah oo soo baxay ka dib hadalkii xaglotoosiye iyo magacaabistii xubno ka bedalin qaabdhismeedkii kooxda Nairobi taas oo markii hore loo fasirtay in kooxdaasi dib ugu laabatay axdigii shirkii Narobi oo ahaa in ururku noqdo mid ka shaqeeya midaynta SSC iyo nadiifinta Gobalka Sool iyadoo ururku markii dambe isu rogay dawlad Goballeed layidhaahdo SSC State.
Siyaasiyiinta Reer Laascaanood gaar ahaan Beelaha Bahararsame iyo Ugaadhyahan ayaa markii ay meesha ka waayaan danahooda gaarka Isticmaala Erayga Faraax Iyo maxamuud oo ay sheegayaan in ay is hayaan taas oo aha rin waxba kama jiraan oo hada noqday Caucus ay labadaa jifiyood kuraas ku raadsadaan.
www.buhodlepost.com