RAAD RAACA: Taariikh Nololeedkii Sheekh Usama Bin Laden!
Magaciisa oo buuxa waa: Osama bin Maxammed bin Cawad bin Laden.
Wuxuu dhashay; March 10, 1957
Wuxuu ku dhashay: Riyadh, Sacudi Carabiya
Osama wuxuu ku dhashay wadanka Sacudi Carabiya sanadkii 1957, wuxuuna ku dhashay magaalada Riyadh. Wuxuuna ka dhashay reer lagu magacaabo ‘Reer bin Laden’ oo ahaa qoys qani ah oo lahaa shirkad ka shaqeysa dhismaha oo degan wadanka Sacudi Carabiya.
Aaabihii Maxamed Bin Cawad Bin Laden wuxuu ka ahaa muhaajir ka yimid dhulka Yemen oo faqiir ahaa, wuxuuna ka shaqo bilaabay Jeddah isagoo noqday nin hodan ah, wuxuuna xiriir aad u dhow uu la lahaa qoyska reer boqor ee wadanka Sacuudiga oo ay saaxiibo dhow ahaayeen. Hooyadii waxaa la oran jirey Xamiida al-Cattas.
Xamiida [Osama Hooyadii] waxaa la sheegaa inay ka soo jeedo wadanka Syria, waxayna isku guursadeen Maxamed Binu Cawad sanadkii 1956 magaalada Latakia ee wadanka Syria. waxayna markaa ahayd xaaskii 10aad ee Maxamed Binu Cawad.
Wuxuu Osama ahaa ilmaha kaliya ee hooyadii u dhashay Maxamed Cawad, waxaana la sheegaa in hootyadii iyo aabihii ay kala tageen isagoo yar. Laakiin carruurta uu aabihii dhalay waxay gaaraan 54 wax nool iyo wax dhintayba.
Intu yaraa Osama, isaga iyo hooyadii waxay safaro ku tegi jireen magaaladii hooyadii iyo Aaabihii isku guursadeen Latakia, halkaasoo abtiyashii ay deganaayeen.
Noloshii Osama
Markii uu Osama gaarey da’da 18-jir waxaa lo guuriyey gabar abtigii dhalay oo la dhihi jirey Najwa Qaanim oo markaasi 14-jir ahayd, waxayna noqotey xaaskii 1aad ee Sheekh Osama.
Waxbarashadii aas aasiga ka dib, Osama waxaa uu galay dugsiga Altaqer Model Schooloo u waxbarashadiisa sare ku qaatay 1968. Kadib wuxuu galay jaamcada King Abdulaziz University isagoo halkaa kaga qalin jabiyey cilmiga maamulka ganacsiga iyo dhaqaalaha sanadkii 1979.
Sida la sheegay Osama wuxuu bartey cilmiga dhaqaalaha iyo Injineeriyada oo labaduba uu ka qaatay shahaadooyin.
Intii uu Osama ku jirey waxbarashada wuxuu aad u xiiseynayey diinta iyo barashadeeda, wuxuuna si gaar ah u bartey Tafsiirka Quraanka iyo Axaadiisa Nabiga SCW.
Dadka yaqaana Osama waxay sheegeen inuu ahaa nin dheer oo caato ah, wuxuuna ahaa nin hadal debecsan oo markuu hadlayo si fudud u sheega wuxuu doonayo, aan qeylo badneyn.
Mar xaaskiisa hadda ka hor la wareystay waxay sheegtay in Osama uu yahay nin karti badan oo dulqaad leh, hurdo badan ma hurdi jirin. Cuntooyinka macmacaana ma uusan jecleyn. Dharka uu xiran jirey waxaa uu ahaa khamiis iyo cimaamad cad inta badan
Aabihii, Maxamed Bin Laden wuxuu geeriyooday 1976 kadib markii diyaaradii uu saarnaa oo ku duuleysay gudaha Sacuudi Carabiya ay cilad ku timid. waxaa la sheegay in diyaarada uu waday pilot u dhashay wadanka Mareykanka.
Aragtida Osama
Sida ku xudan bogaga caalamka iyo buugaagta ka hadasha taariikhaha, Osama wuxuu aaminsanaa in dunidan ay ku hagaagi karto oo kaliya in loo laabto Shareecada Islaamka laguna xukumo caalamka.
Sanadkii 1979, markii uu waxbarashada jaamicada ka baxay wuxuu Osama u safray wadanka Pakistan, gaar ahaan magaalada Peshwar oo xilligaasi ay ka socotay qabanqaabada dagaalkii jihaadka ahaa ee lala galay Midowgii Sofiyeeti 1989 loogana xoreeyey wadanka Afghanistan. Wuxuuna Osama qeyb ka noqday guutada Cabdall Cazaam oo jihaadkaasi ka qeybgashay.
Waxaa xusid mudan in dawlada Mareykanka ay taageero weyn siisay dagaalkaasi Afghanistan looga saaray Midowgii Soofiyeeti, waxayna dawlada Mareykanka ay dhaqaale fara badan siisay mujahidiintii ka dagaalantay Afghanistan.
Sanadkii 1984, Osama ayaa aas aasay Maktabka Adeegyada ee mujaahidiintii Afghanistan kaasoo mujaahidiinta ka saacidayey dhanka hubka, dhaqaalaha iyo in mujaahidiinta la keeno gudaha Afghanistan.
Waxyaabihii laga xusuusto xilligaasi waxaa ka mid ahaa Osama inuu garabka ku sidan jirey qori nooca RUUSHKU farsameeyo ah oo uu gacantiisa kaga furtey askari Ruush ah oo uu dilay.
Sanadkii 1990, Osama wuxuu dib ugu laabtay wadankiisa Sacuudi Carabiya kadib markii uu soo dhamaaday dagaalkii Afghanistan. Wuxuuna Osama sii waday xiriirki uu la lahaa saaxiibadii ay isku soo barteen Afghanistan.
Aas aaskii Al-Qaacida
Sida la isku raacsan yahay, ururka Al-Qaacida waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay 11 August 1988 inkastoo magaca ‘AL-QAACIDA’ aan loo adeegsan in la faafiyo sababtoo ah weli sheekada sir ayey ahayd. Bilawga kulankii ugu horeeyey ee ururka lagu dhisay waxaa ka qeybgalay Sheekh Osama, Sheekh Cabdalla Cazzaam oo ka soo jeeda Masar kana mid ahaa mujaahidiintii Afghanistan ka dagaalantay.
Isku dhicii Osama iyo Boqortooyada Sacuudiga
Bishii August 2-deeda Sanadkii 1990, markii madaxweynihii Ciraq Sadaam Xuseen uu weeraray Kuwait ayaa la dareemay in khatar weyn ku jirto boqortooyada Sacuudi Carabiya. Waxayna taasi keentay in boqor Fahadkii Sacuudiga uu u yeerto ciidamada Mareykanka si ay uga difaacaan Saddam.
Waxaa la sheegay in Osama markaasi uu kulan la yeeshay Boqor Fahad iyo wasiirkii difaaca xilligaasi Suldan wuxuuna u sheegay inay iska dayaan gaalada ay keenayaan dhulka Barakeysan isagoo Osama balan qaaday in mujaahidiintii Afghanistan ay diyaar u yihiin inay ka difaacaan weerarka Saddam wadanka Sacuudiga. Laakiin taladaasi waxaa diiday boqortooyada oo keensatay ciidamo Mareykan ah.
Wuxuu markaa Osama bilaabay inuu muxaadarooyin ka jeediyo masaajida waaweyn ee wadanka Sacuudiga isagoo dadka u sheegayey waxa ay faleen reer boqor iyo dhulkii barakeysnaa ‘Jaziiratul Carab’ in ay soo galiyeen Mushrikiin, arintaasoo qoyska reer Boqor k caroodeen. Waxayna boqortooyadu xayiraad dhanka khudbaha ah saartey Osama oo ahaa nin diinta aad u sheega.
Osama markii uu Sudan tegey wuxuu sidoo kale aad u xoojiyey eedah iyo khudbadaha uu ku weeraryo Boqor Fahad iyo dawlada Sacuudiga falalka ay galeen. Waxaana taa bedelkeeda Fahad uu baabi’iyey dhalashadii Osama ee Sacuudiga iyadoo hantidii uu ku lahaa qoyskii laga jaray.
Osama wuxuu markaasi u guurey wadanka Sudan 1992, isagoo halkaa ka bilaabay hawlihii ururka oo si rasmi ah uu u guda galay. Wuxuuna si toos ah u bilaabay dagaal ku wajahan reer galbeedka. Wuxuuna gudaha magaalada Khartum ka sameeyey xero mujaahidiinta lagu tababaro.
Dawlada Sacuudiga kuma ekaan ceyrintii Osama ee waxay sidoo kale ku dirtey dawlada Sudan si ay dalkeeda uga saarto. Sidoo kale sirdoonka Mareykanka ayaa dhowr jeer isku dayey inay qabtaan laakiin dawlada Sudan way diidan arinkaa.
Hase yeeshee dawlada Sudan waxay markii dambe sheegtay inay dalkeeda ka saartay Osama, wuxuuna u guuray wadanka Afghanistan oo hore uu uga soo dagaalamay.
Weeraradii September 2001
Markii ay dheceen weeraradii qaraxyada ahaa ee lagu qaaday daarihii Mareykanka ee New York iyo Washington dawlada Mareykanka ayaa ku eedeysay Al-Qaacida inay ka dambeysay qaraxyadaasi, ayna raadsaneyso.
Hase yeeshee bayaan maalmo ka dib soo baxay oo laga siidaayey telefishanka Al-Jazeera ayaa Sheekh Osama wuxuu ka sheegay in Al-Qaacida shaqo ku lahayn weeraradaasi inkastoo ay dagaal kula jiraan Mareykanka.
Waxaana mudo dheer socotay raadinta Osama, iyadoo dad badan loo xiray qaraxyadaasi iyo tuhun laga qabo ka mid ahaanshaha Al qaacida. Mudadaasi dheer waxaa la sheegay in Osama uu u dhexeeyey Afghanistan iyo Pakistan oo Mareykanka ka raadinayeen.
Dilkii Osama
Habeenimadii Axada abaare 3:00 habeenimo 2 May 2011 ayaa saraakiil Mareykan ah sheegeen in ciidan 40 nin oo ka tirsan sirdoonka ay weerareen guri ku yaalla magaalada Abotobad oo 150 KM u jirta caasimada Pakistan Islamabad, halkaana ay ku dileen Osama, xaaskiisa, wiilkiisa iyo labo nin oo waardiyaashiisa ahaa.
Dagaal goobta ka dhacay waxaa la sheegay in lagu gubay diyaarad Mareykanku leeyahay, waxaa sidoo kale jira khasaare gaarey askar Mareykan ah. Hawlgalkaasi waxaa uu ka dambeeyey xog basaasnimo ah oo ay heleen sirdoonka CIA ee Mareykanka.
Osama waxaa la sheegay in meydkiisa ay qaateen sirdoonka Mareykanka kadibna baareen ayna ogaadeen DNA -giisa inuu isaga yahay isagoo loo tixraacayey walaahii oo hadda ka hor geeriyootay oo maskaxdeeda ay hayeen Mareykanka. Waxaana meydka Osama sida la sheegayo lagu aasay badda North Arabian Sea.
Waqti xaadirkan ururka Al-Qaacida waxaa ugu sareeya Dr. Eyman Al-Dawahiri oo ah dhakhtar Masar u dhashay iyo Anwar Al-Awliqi oo ah Yemeni heysta dhalashada Mareykanka.
Osama wuxuu ku dhintey da’da 54-jir, wuxuuna dhalay carruur gaareysa 25 ama 26 sida la sheego, wuxuuna guursaday afar xaas intii uu noolaa.
Carruurtiisa badankood waxay hadda ku nool yihiin wadanka Iiraan oo ay u guureen wixii ka dambeeyey weeraradii Mareykanka, waxaana aad u kontoroosha dhaqdhaqaaqooda dawlada Iran.. .Alle ha u naxariisto Sheekh Osama Bin Laden.
