|

Hargeysa,(buhodlepost)-Maxkamadda ciidamadda Darajada koowaad ee Maamulka Somali-land ayaa xukuno kala gedisan ku riday 14 askari oo galay dembiyo lagu sheegay amardiido

iyo isku day la baxshaso hub ay leeyihiin ciidamadda Somali-land kuwaa oo ilsla shalay loo gudbiyay Xabsiga mandheera.

Ciidamadan ayaa lagu kala xukumay sanado u dhaxeeya 1sano ilaa 15 sano sida uu sheegay Faarx Jaamac ileeye oo ah guddoomiyaha maxkamada ayaa sheegay in ciidamadaasi ay gadood iyo amar diido sameeyeen islamarkaana ay ka soo baxsadeen xeryahoodii ciidan oo ku yaalla duleedka laascaanood

Horay ayaa xukuno kala gedisan ay maxkamadda somaliland ugu riday qaar ka tirsan ciidamaaada somliland gaar ahaan kuwa booliiska oo iskaga cararay gudaha magaaladda laascaanood

Fikrad Ka Dhiibo