|

Hogaamiye Xasan Daahir Aweys oo wacad ku maray inay u aar gudi doonaan Amiirkii Musliimiinta calamka Osama Bin Laden

Shiikh Xasan Daahir Aweeys oo ka mida ah Saraakiisha Mujaahidiinta wadanka Somalia oo wareeysi siiyay Tv-ga Al jazeera ayaa waxa uu sheegay inay u aar gudi doonaan Sidii ay ugu aar gudi lahaayeen hogaamiyihii Hogaamiyhii Musliimiinta Osama Bin Ladin oo dhawaan ay sheegtay dowladda Ameericaanku in ay ku dishay weerar ay ku qaaday guri uu kaga sugnaa wadanka Pakistaan

Sidoo kale Sh Xasan Dahir waxa uu sheegay in jihaadku ruuxii guta uu helayo shahaado sharaf waxa uu tusaalle u soo qaatay Xamza Bin Cabdi Mudalib iyo Osama Bin Laadin.

Mar wax laga weeydiiyay arinta ah sii socoshada arimaha Jhaadka ay wadan Muslimiintu ayaa waxa uu yiri “Waa ay soconeeysa hoowsha iyo jihaadka ilaa laga gaadho Qiyaamaha waana u aar gudi doona Shiikh Osama Bin Laadin” ayuu yidhi.

Xasan Dahir ayaa sheegay in ujeedka ugu weyn ee Obama ka lahaa dilka osama ay aheyd inuu ku guuleysto doorashooyinka madaxtinimo ee lagu wado inay dalkaasi ka dhacdo.

Sarkaalkan ka tirsan muslimiinta Halganka ka wada Dalka Somalia waxa uu ku baaqay in dagaalyahanada Musliimiintu inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah reer galbeedka iyo dalalka cadowga ah.

Warka Mujaahid Xasan Daahir ayaa yimid waqti DKG Soomaaliya ay sheegtay in ay si aad ah u soo dhaweeyneeyso dilka hogaankii Islaamka iyadoona doowladaha Soomaaliya dariska la ahna ay sheegeen in arinta Osama ay Soomaaliya ay fursad nabadeed u tahay.

Xarakadda Al-Shabab ayaa la sheegaa inay taageero buuxda ka helaan ururka Al-Qacida iyadoona sidoo kale la sheego inay Soomaaliya joogaan dagaalyahano aan Soomaali aheyn kuwaasoo kasoo jeeda muslimiinta aduunka shiikh Xasan Daahir Aweyn oo lagu tilmaamo Amiirka ama Tiirka diinta Islaamka ee Dalka Somalia ayaa wacad ku maray inay u aar gudu doonaan Amiirkii Musliinmiinta Shiikh Osaama

by
www.buhodlepost.com

Fikrad Ka Dhiibo