Al-Qaacida: Dhiiga Sheekh Osama Ma Lumi Doono, Waana loo Aargudi Doonaa (Bayaan)
Ururka Al-Qaacida ayaa maanta soo saaray bayaan rasmi ah oo ay uga hadlayaan geerida Sheekh Osama Bin Ladin oo maalintii sniintii ciidamada Mareykanka ku dileen magaalada Abotabad ee wadanka Pakistan.
Bayaanka ayaa xaqiijiyey geerida Osama waxaana ururku uu ku goodiyey in ay u aargudi doonaan Osama ayna qaadi doonaan duulaan ku wajahan gudaha iyo dibada wadamada reer Galbeedka.
“Waxaad noolayd adigoo xamiid ah waxaadna dhimatay adigoo shahiid ah”, ayaa cinwaan looga dhigay bayaanka Al-Qaacida.
“Dhiiga Osama Bin Ladin wuxuu ahaan doonaa baaqi, Allaha weyn agtii. Allahaasoo duliyeeyey Amerika iyo kuwa raacsan. Dhiiga Osama ma noqon doono mid luma waana loo aargudi doonaa Alle idankii”, ayey bayanka ku sheegtey Qaacida.
Qeyb ka mid ah Bayaanka Al-Qaacida
Bayaanka ayaa sidoo kale ku hanjabay in weeraro dheeraad ah oo lagu qaadi doono wadamada reer Galbeedka isla markaana Osama fikirkiisa uu weli taagan yahay.
“Farxadooda waxay isu bedeli doontaa murug, waxaana isku darsami doona dhiigooda iyo oohintooda” ayaa bayaanka sii raaciyey.
Waxay Al-Qaacida baaq u jeedisay dadka reer Pakistan oo ah meeshii lagu dilay Osama inay kacaan oo ay kacdoon sameeyaan kana dhiidhiyaan dilka Osama.
Bayaanka ka soo baxay Al-Qaacida ayaa ku soo beegmay iyadoo maanta mudahaaradyo ka dheceen qaar ka mid ah magaalooyinka dalka Pakistan sida Rwalpindi iyo Abotabad kuwaasoo ay dhigeen dad ka careysan geerida Osama ayna soo abaabuleen Jameecada Islaamiyah ee wadanka Pakistan.
Waxaana hadalkan uu noqonayaa midkii ugu horeeyey oo si cad Qaacida ugu qirto geerida Osama Bin Ladin oo Mareykanku geeridiisu shaaciyeen 2-dii bishan May 2011 [Akhri taariikhdii Osama Bin Ladin].
Waxaase sidoo kale jirtay in Xarakada Daalibaan oo taageero ka heli jirtey afhayeen u hadlay uu ka hadlay geerida Bin Ladin [Akhri warbixinadii geerida Bin Ladin].
Dhanka kale Al-Qaacida waxay bayaankeeda ku sheegtay inay dhawaan faafin doonto cajalad laga duubay Bin Ladin hal usbuuc ka hor intii uusan geeriyoonin.
www.buhodlepost.com
email buhodlenews@hotmail.com