|

Gudoomiyaha Ahlu Sunna Waljameeca ee Gobolada Koonfureed oo u geeriyooday dhaawac ka soo Dagaalkii…

Gudoomiyaha kooxda la magaca baxday Ahlu Sunna Waljameeca ee Gobolada Koonfureed oo u geeriyooday dhaawac ka soo Dagaalkii ka dhacay Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo.

Shiikh Xassan Shiikh Cabdi Maxamed (Shiikh Xassan Qoryoley) ayaa ku dhintay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya waxaana la sheegay inuu ku dhaawacmay dagaalkii Garbahaareey, iyadoo sheikha lagu wado in lagu aaso magaalada Mombasa. Ee Dalka Kenya.

Shiikha Xasan Qoryooley ayaa waxa uu ka mid ahaa madaxda ugu sareysa ee kooxda Ahlusunnah Waljameeca waxa uuna la socday Kolonyo baabuur oo labo maalin ka hor ciidamada Alshabaabul mujaahidiin ay u galeen meel ku dhow deegaanka Garbahaarey kadib markii uu Shiikha ka soo ruqaansaday magaalada Luuq.

Shiikha ayaa sida la sheegayo waxa uu ku dhaawacmay qarax Miino oo la la eegtay baabuurka uu saarnaa waxaana durbadiiba dhawaciisa la geeyey magaalada Beledxaabo halkaas oo looga sii duuliyey magaalada Nayrobi ee dalka Kenya.

Shiikh Xasan Qoryoley ayaa ahaa Hogaanka sare ee kooxda Ahlusunah ee Koonfurta Soomaaliya isla markaana waxa uu Shiikha hormuud ka ahaa abuubulada looga soo horjeedo ciidamada shabaabul mujaahidiin.

www.buhodlepost.com
email buhodlenews@hotmail.com

Fikrad Ka Dhiibo