|

Ma maqashay Tolkay States,Maxaan cunaa

wargayska lagu magacaabo Patriotic Vision Ee ka soo baxa magaalo Madaxda Muqdisho ee wadankan Soomaaliya ayaa soo daabacay maqaal uu ka soo xigtay muwadin Soomaaliyeed (Mamamed Shiikh Cilmi) maqaalkaas oo ku saabsanaa ku dayashada xun ee la deristay umada Soomaalida,maqaalkan ayaa si gaar ah diirada u saaray waxa loogu yeedhay maamul gobaleedyada soo batay oo ah magac kaliya ama cudurka cusub ee ka dilaacay Soomaaliya,maamuladaas oo hada noqday ama lagu sheegi karo Tolkay State ama maxaan cunaa State.

Wargayska Aragtida wadaniga waxaa hirgaliyey Xisbiga Hiilqaran oo ah xisbi ay Aasaaseen Aqoonyahano iyo ruugcadaayo Siyaasadeed oo magacweyn ku leh bulshada Soomaalida.
Maqaalkan ayaa u qornaa sidan.

Sidaan wada qirsanahay nolosha Soomaalida waxay inta badan ka timid kuna xiran tahay Reer guuraanimada ama baadiyaha, iyadaasna dhaqan iyo nolol gooni ah ayey wadataa oo tan magaalada si weyn uga duwan, dhaqankaas labada dhinacba leh waa nabadda yar iyo colaadda joogtada ah oo ay
iska dhaxlaan jiilba jiilka ka dambeeyo. Waana tan na dhaxalsiisay murugo iyo ciil joogto ah oo aan marna la hilmaami
karin. Nasiib wanaag intii magaalo soo gashay ee xilliyadii hore,isticmaarkii dalkeena ku soo duulay la kowsatay ayaa ilbax u
noqday reer baadiyaha kale ee baadiyaha inoo jira; waxana jira dhacdooyin badan oo taariikh qorayaasha Somaaliya ay ka
qoreen, dhabtiina ilbaxnimada iyo magaalo imaanshaha waa loo soo kala horeeyey sidaas oo kale colaada iyo nabada waa
ku kala baahsaneyd degmooyinka Soomaalida.Bulshooyinka dhaqan qaadashada magaalada iyo tan
baadiyaha ayaa ku faanto in isku dayashadu ay fiican tahay laakiin waxa ka sii fiican inaad fahamto waxa facaa sameeyey
waxa ay yihiin.Dulucda maqaalkaan ayaan ka wadaa in Soomaalidu ay u badan
tahay dad ku dayasho badan oo aysan wax cusub soo curin karin, waxay wax eegtaan waxa muuqada laakiin ma soo kordhiyaan wax cusub. Tusaale fudud oo ayaamahaan ku batay saaxada Soomaalida ayaa waxa lagu daatay si aan ka fiirsasho
lahayn in loo sameeysto maamul goboleed madax banaa, goor
dambana la dhihi doono cidda hogaamineysa waa inkaar qabihii!!!!.
Maamul goboleedyadu: waxaan filaa inuu noqday facaa waxa uu sameeyo samee; haddii ay u hirgashana ku qabso haddii ay
ka xumaatana adna waay. In maamul lagu dhawaaqo waa fududahay laakiin inaad hergelisid ayaa adag.
Maamul furasho waa: koox dad ah oo aad isku heyb tihiin oo ka kooban ugasyada, suldaanada, nabadoonyada, xildhibaanada beeshaada iyo asxaabtiisa iyo bulsho rayad lagu sheego isugu keen hoteel hebel, maalinkaas qado fiican bixi iyo jeebka wax ugu tuur, wariyaal yar oo “sharuur” qaatana keen kadib ha laguu caleemo saaro “Madaxweyna maamul goboleedka BALLI ABAAR AMA DHIIG” ha laguu sacbiyo,
waxaad rabto sheeg (Run ha sheegin, Beena ha sheegin, waxaad sheegtana ha waayin) oo kale, ha lagu wareysto
maalintaasna wax qabadka ugu dambeeyo sheeg.Maalintaasna warkaagu ha ugu dambeeyo; meelaha ku sheegsheego madaxweynaha gobol hebel ayaan ahay.
Waxase nasiib daro sii ah in kuwa marba waxbaa la kala dhaxlaa, magac, maamuus iyo qadarin laakiin adiga maxaa lagaa dhaxlaa magacxumo, sharaf la’aan iyo KII. Wixii been ku bilowdo been ayey ku dhamaadaan. Waxaan laga fiirsan oo dhib loo marin ma noqonayaan wax dhaxal gal ah. Maamulada
goboladooda wax u qabtay dadkooda iyo gobolkooda dulucda sheekada ulama jeedo laakiin waxaan tusaalaha u soo qaatay
tobanaan maamul goboleed ee looga dhawaaqayo gudaha iyo dalka dibaddiisa, dadkana aan waxba loo qaban karin!!!!
Soomaalidu waxay taqaan KU DAYO waxa facaa sameeyey laakiin KA FIIRSO kuma jirto waxa ka soo bixi doono. Anigu
waxaan qabaa qofku inuu magac fiican uu ka haro oo taariikhda u galo ayaa ka fiican intii uu kuu gali lahaa madaxweynihii
maamul goboleedka berigii CAGABARARKA gobolkeena ka jiray ku dhawaaqay dagaalka ee aan ummada waxba u qaban;
yaan lagu dhihin!!!! Waxaan jeclahay in midnimo iyo nabad aad raadiso intaad
raadin laheyd colaad iyo dhib abuur, waxa mudan inaad dadkaaga wax u qabato ama qoyskaaga aad ku ekaato oo aadan dhib dadka u siyaadin.Waxaan fariintaan u dirayaa qof kasto Soomaalinimo ku jirto oo
ka damqanaya in Soomaaliya la sii kala googooyo, ama heyb heyb loo kala sooco ama cadow gacanta loo geliyo.

www.buhodlepost.com By Abdirahman Ahmed Aden

Fikrad Ka Dhiibo