Osama Mareykan Ma Dilin ee iskiis ayuu u dhintay:Sirdoonka Iran oo sheegay inay hayaan cadeymo muunjnaya goortii uu geeriyooday Sheekh Osama
Wasiirka mukhaabaraatka dalka IRAN Xaydar Muslixi oo shalay shir jara’id ku qabtay caasimada Tahraan ayaa waxa uu si kulul u beeniyay sheegashada Maraykanku uu ku sheegay inuu dilay Sheekh Usama
Wasiirka Mukhaabaratka dalka Iraan waxa uu sheegay in ay hayaan dukumintiyo cadaynaya in Sheekh Usama uu horay u geeriyooday xanuun haleelay awgiis balse aysan ciidamada Maraykanku.
Waxaa wasiirku sheegay in faafinta dilka Sheekha uu Maraykanku ula jeedo inuu daboolo baraaruga Islaamiga ah ee mandiqada ka jira,waxana uu tilmaamay in ay hayaan cadaymo cad cad oo cadaynaya in Sheekh Usaam u geeriyooday xanuun haleelay ,uusana noolayn waqtiga Maraykanku uu sheegay inuu dilay
Dawlada Maraykanka ayaa waxa ay sheegtay in ay dishay Sheekh Usama kadib markii ay ciidamadeedu gaarka ah ay weerar ku qaadeen aqal ku yaal dalka Pakistan ,waxana laga dhawrayay in ay soo bandhigto cadaymo muujinaya in ay dishay Sheekha ,balse waxa ay soo bandhigtay cajlado lagu tilmamay kuwo horay loo duubay
Maraykanka ayaa waxa uu sheegay in madaxweyne Obama uu diiday in la soo bandhigo sawirka Meydka Sheekha iyada oo la ilaalinayo dareenka dadka iyo amniga qaranka dalka Maraykanka ,arrintas oo dad badan shaki sii gelisay ,iyaga oo sheegay in Maraykanku horay u soo bandhigay meydadkii wiilashii Madaxweyne Sadam iyo dilkii foosha xumaa ee lagula kacay madaxweyne Saddam
Waxana warkan wasiirka Mukhaabaratka dalka Iraan uu sii xoojinayaa shakiga dad badani ka qabaan sheegashada Maraykanka in ay dileen Sheekh Usaama
buhodlepost.com