|

Damaca Shariif Sakiin ee ah Mar uun Madaxweyne i dhaha, daneysiga Xildhibaanada iyo danta dadka ma is diidan yihiin mise…?

Layaab ma leh in qofku uu yeesho damac siyaasadeed, hase yeeshee waxaa ayaan darro ah in damacaagu uu kugu hoggaamiyo meel aan haba yaraatee waxba ka keeni kareynin, waxaana naxdin leh iyadoo la ogyahay dhibaatooyinka heysta shacbiga Soomaaliyeed in damac dartiis oo ah “Mar uun Madaxweyne i dhaha” loo iloobi sidii looga samatabixi lahaa mushkiladahaasi.

Bilowga wanaagsan iyo guulaha is daba jooga ah oo ay Dowladdu ka gaartay hannaankii dalka looga xoreyn lahaa kooxda Al-Shabaab oo si xowli leh uga socota gudaha Soomaaliya ayaa misana damaca Shariif Sakiin ee ah “Mar uun Madaxweyne i dhaha” waxa ay dhabar wareen ku tahay sidii Al-Shabaab dalka looga saari lahaa, maxaa yeelay haddii ay dhacdo in doorasho la qabto waxaa hubanti ah in lagu wada mashquulayo doorashadaasi, iyadoo arrintaasina ciid ay ka faa’iideysan karaan ay u noqoneyso kooxda Al-Shabaab oo haatan u muuqata in laga jebiyay lafta dhabarka celisa oo kale isla markaana u baahan oo kaliya in la is raaciyo ilaa laga geliyo NAXASH dabadeedna laga aaso.

Rabitaanka waallida ku dhisan ee ku jira Afhayeenka Baarlamaanka ee ku aadan “Mar uun Madaxweyne i dhaha” ayaa haddii aan si degdeg ah gaashaanka loogu dhufan waxaa xaqiiqo ah inay Soomaaliya u hoseedeyso taariikh xumo iyo kala daadasho ay adkaan doonto in si sahal ah dib loogu yagleelo Qaran Soomaaliyeed, maxa ayeelay haddii uu odaygu xil-doon yahay waxaa wanaagsan inuu raaco dariiqa haboon balse waxaa ayaan darro ah in damaciisa sida sharci darrada ku dhisan uu u horseedo inuu dalka ku qaribo si ay maslaxadiisa ugu meel marto.

Dadka sida gaarka ah u yaqaana Guddoomiye Sakiin waxa ay ku macneeyeen inuu yahay oday mar walba khilaaf u joog ah, waxaana lagu bartay laga soo bilaabo Dowladdii Carte kaddib hoggaan xumo iyo kala jebinta Baarlamaanka uu afhayeenka u yahay, bal dib u milicso xilligii la joogay Mbghati waxa uu horseed ka ahaa in kuraas iyo ulo ay isla dhacaan Xildhibaanadii wakhtigaasi qaarkood, sidoo kale waxa uu ahaa geed fadhigii u kala qeybiyay Dowladdii C/llaahi Yuusuf inay u kala qeybsanto Xamar iyo Jowhar, iyadoo intaasina ay u dheer tahay sidii uu u kala qeybiyay Xildhibaanadii Baydhaba kaddib kolkii Xasan Daahir Aweys la galay heshiis ka dhacay Degmada Afgooye, kaasi oo keenay inuu xilkiisii Guddoomiyenimo ku waayo.

Waa u dhaqan Speaker-ka Baarlamaanka inaanu ka xishoonin kala qeybinta arrin walba oo uu lug ku yeesho, balse dad badani waxa ay xumaantiisa ku baraarugeen markii uu magaalada Nairobi kaga qeyb galay shir lagu kala googoynayay Dowladda KMG ah, kaasi oo ka qeyb galkiisa ay diiday Xukuumadda Farmaajo, waxaana la xaqiijiyay inuu shirkaasi u aaday nacaybka uu u qabo horumarka ay Dowladdu ka sameysay goobaha dagaalka aawgeed.

Inkastoo weli wakhtigan uu is adkeynayo oday Sakiin ayaa misana waxaa iska cad in maalmo kooban dabadeed uu dhulka ku soo dhici doono isagoo aan wax sharaf ah lahayn, waxaana haatan bilowday inay xagiisa ka yaacaan Xildhibaano badan marka laga reebo in kooban oo isugu jirta qaar qabiil ahaan kula jooga iyo kuwo daneysi kula jira mooyee.

Dibir kama daalahaan ayaa waxaa suuragal ah in wakhti dhow uu isu soo dhiibo Xukuumadda Federaalka, waxaana dhici karta in la arko isagoo taageeraya talo soo jeedinta Dowladda KMG ah ee ku aadan qaabka looga gudbayo xilliga kala guurka ah, laakiin tani layaab ma noqoneyso maxaa yeelay Guddoomiye Shariif wuxuu horay ula saftay Ra’iisal Wasaarihii saaxibka la ahaa Xalwo cunista ee ku guul darreystay horumarinta xukuumadii uu madaxda ka ahaa, balse markii waagu ku dillaacay ka leexday, waxaase taa ka sii daran markii uu isku dayay inuu hor istaago ansixintii Farmaajo, hase ahaatee maalmo yar dabadeed la arkay isagoo horseed ka noqday sidii codka kalsoonida loo siin lahaa Ra’iisal Wasaare Farmaajo iyo xukuumadiisa.

Waa yaab!!! dabeecadahaan aan wanaagsaneyn ee uu ku caan baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxay odaygu ka dhigayaan nin aan la’aamini karin oo ay shacbiga Soomaaliyeed naceen, kuwaasi oo soo jeedinaya in xilka laga qaado iyadoo talo soo jeedintaasina ay qeyb ka yihiin Xildhibaanada, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Culumaa’udiinka, Ganacsatada, Haweenka, Dhallinyarada iyo madax dhaqameedyadii Xildhibaanka ka dhigay ee ku abtirsada beelaha Digil iyo Mirifle.

Iyadoo ay cadahay talo xumada Shariif Sakiin ayaa waxaa wax laga xumaado ah in qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ay niyadda ugu qaboojinayaan inay la safan yihiin ilaa laga yiraahdo “Madaxweyne” kuwaasi oo inay daneystaan mooyee aan dan Qaran ka shaqeyneynin, waxaase la tilmaamayaa kooxdaani ka kooban damaca Shariif Sakiin ee ah “Mar uun Madaxweyne i dhaha” iyo Mudanayaasha daneysanaya haddii aanay ka soo noqonin dhalanteedka ay ku jiraan inuu qaadi doono daadka dowladnimo.

Qoraal far waaweyn ay kula qoran tahay MAYA…MAYA oo ah diidmo ayay shacbiga Soomaaliyeed kala soo horjeedaan damaca waallida ku dhisan ee Oday Sakiin iyo daneysiga Xildhibaanada dhuunta wax ka arkaya, waxaana wakhtigaan soconaya shirar, qeyla-dhaan iyo bannaanbaxyo ay bulshada ku muujinayaan sida ay u diidan yihiin qiyaanada Guddoomiye Shariif ee uu ku doonayo burburinta Dowladda KMG ah, isagoo ku andacoonaya inuu horseed ka yahay qabashada doorasho aan xilligeeda la joogin marka loo eego xaaladda lagu jiro iyo dagaalada soconaya aawgood.

Haddii aan is barbar dhigno isbed bedelka iyo damaca Shariif Sakiin ee aan ka soo sheekeynay oo ah “Mar uun madaxweyne i dhaha” iyo daneysiga Xildhibaanada Qaran Dumiska ah iyo danta dadka oo u muuqda inay is diidan yihiin ayaa xaqiiqdii waxa ay tahay inay guuleysan doonto Alle idankii baahida ay ummaddu u qabto in laga adkaado kooxda Al-Shabaab iyo kooxdaan kale ee ku howlan inay lugaha qabtaan Dowladda KMG ah si ay tooda gaarka ah ugu meel marto, Oday Sakiinna mar uun loo yiraahdo “Madaxweyne”.
Waxaa Diyaariyay:
C/raxmaan Xuseen
keydka1@gmail.com

Fikrad Ka Dhiibo