|

Madaxweyne Siilaanyo iyo Wariye Mashqac geliye oo todobaadkaan wareeysiga meel xun la gaaray

Weriye Mashqac-geliye ayaa wareysi kooban la yeeshay Shariif Axmed (Ex-Siilaanyo) ka dib markii uu dalka ku soo guryo noqday. Wareysiguna waxa uu u dhacay sida tan.

Su’aal: Shariif Axmed, waxa aad sameysay khaladkii ugu weynaa ee uu abid sameeyo hogaamiye dal, taas oo ahayd markii aad dalka ku soo laabatay ee aad ku sugnayd madaarka Berbera in aad si kas iyo maag ah ugu dul is-taagtay calankii qaranka JSL ee towxiidka lahaa. Eedaasi yaabka leh maxaad ka odhaneysaa?

Jawaab: Adeer horta aan idin saxo ee waxa idin haya ama idin heystaa waa jahli aydaan ogeyn. Calanku waxa uu calan yahay marka uu maro yahay oo uu bir ama qori sudhan yahay ee uu dhex babanaayo hawada . Runtiina, annigu calan iskuma dul taagin ee saxaarad lagu xardhay rinji leh seddexda midab ee uu calankeenu ka kooban yahay ayaan isku dul taagay. Xitaa hadii aan tiina idiin raaco oo aynu ka soo qaadno in aan calankii isku dul taagay uma arko sabab loo qeyliyaa oo loo buun-buuniyaa waayo nin xun oo aan daahir ahayn ma ahi, kabihii aan xidhnaana waxa ay ahaayeen kaba ‘Clarks’ oo cusub oo qaali.

S: Axmed-Daahir, qaladka kale ee aad gashay isla soo laabashadaadan, waxa ka mid ahaa in aad dhinac socotay roogii casaa (Red Carpet) oo ay ahayd in aad dul marto, waxa aanad la mid noqotay gaadhi raacay waddo dhuxule qaldan oo kale. Taas miyaanad iyada u arag in adiga iyo kooxda kula shaqeysaaba aad ka aradan tihiin hab-maamuuska dowladnimo?

J: Waar illaahay saanacsanaa oo sancadii badanaa muxuu dad abuuray. Qoladiinan saxaafadu waxa aad keentaanba wixii kale ka daran. Adeer roogga cas ee maxaliga ahi marka aad dalkaaga joogta waa la dhinac socon karaa hadii la doono. Ka ay khasabka tahay in aad dul socotaa waa ka marka aad debedda tagto laguu dhigo ee ha khaldamina adeerayaal. Mashqacow miyaanad arag marka aan debeddaha tago sida xariifnimadda leh ee aan ugu dul socdo bahaladda cascas annigu oo weliba ku socda socodka bisada oo kale ‘Cat Walk’. Waana arrin gef ah in aad i barbar-dhigtaan aniga oo 40 sanno iyo ka badan ahaa dowlad maal ninman magacyo sheydaan leh oo aan shaqooyinkan ku keenay garab iyo afaaro qabiilnimo. Midisbiyaaje waan ka xumahay in maqaamkaasi la i dhigo.

S: Axmed Socod Bisadle, ka rog oo laba saar. Wax ma nooga sheegi kartaa guulihii aad ka soo hoysay booqashadii aad ku tagtay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kuweyt?

J: Haa..haa..haa. Adeer horta bal qabso oo waa markii ugu horeysay ee wefti Somaliland ka socda loo dhigo roog cas, la geeyo hotel five star ah, 140 mooto lagu soo dhaweeyo..Cukusow adiga ayaa adeer tiriyay eh sow tiradda mootooyinku la inagu galbiyey intaas ma ahayn? ..Cukuse..adigu 40 iska dheh.. afartankaasba u daa..runtiina safarakayagu waxa uu ahaa mid taariikhi ah..wixii noo soo qabsoomay waxaa ka mid ahaa in naloo soo ballan qaaday in la noo qodo harooyin ama dhaamam.. hadyad yar oo aanu Ceerigaabo u soo helnay…si fiican ayaa nala soo dhaweeyay runtii, sooryadooduna ma xumayn..inkasta oo qaarkiyo isku dilay..waxa kale oo guul noo ahayd in dalalkaasi aanu tagnay soo kale fahamsiinay Shariifyadda..matalan Sheekh Shariif, Shariif Sikiin, iyo anniga oo ah Shariif Axmed-ka Somaliland..waxa aanu ku badh guuleysanay in Somaliland lagu daro Jaamacadda Carabta mustaqbalka fog..waxa kale oo la yaab ahayd in aanu si dadban u soo daawanay Burju Khaliifa, Atlants, Dubai Aquarium…..noocyada cuntooyinka aanu meesha ku cuni jirnay lagama sheekeyn karo, balse sida aanu u soo nafaqeysanay waxa aad ka garan kartaa dhogorta cusub ee ka soo baxday Xirsi iyo Cukuse muddii yareyd ee aanu meesha joogney.

S: Axmed Nafaqo, waxa jirtay in hey’adda dalka Mareykanka u qaabilsan kaalmadda ee la yidhaadhdo ‘US Aid’ ay rabtay in ay shir ku qabato dalka Somaliland, balse ay markii denbe u rartay shirkii dalka Jabuuti iyaga oo sabab ka dhigay in xukuumaddaada Faqashta Cusub (New Faqash) ka adkeyn hawlaha nabad-gelyadda ee dalka. Halkaasi waxa ku baaqday dhaqaale dalka soo geli lahaa, sumcad xumo dalka u soo hoyatay, iyo cadibaada ah in 72 xubnood oo dalka uga qeyb galaayey shirkaasi loo qaaday magaalada Jabuuti. Sidee ayaad u aragtaa arrinkaasi?

J: Adeer, anniga ha ii sheegin niman u jeeda ama raba Muftaalado kale. Adiguba markhaati ayaad ka tahay ee waa maxay nabad-gelyo xumadda dalka ka jirtaa? Suuqyadda dollarkii iyo dahabkiiba waa daadsan yihiin cid boobeysaana ma jirto..annigu habeenkii daaradda qasriga madaxtooyadda ayaan lugeeyaa..mana arko wax amni xumo ah..hadii aanan ciidanka amniga ee dalka ku kalsooneyn ma aniga ayaaba isku doonan lahaa Alqaacida oo soo dhaweyn lahaa dilkii hogaamiyahooda..walee waa faan..halkaas waxa ay ka garan kartaa in aan leeyahay kalsooni aanay qabin hogaamiyayaasha dalalka Islaamka. Magaca Faqashta Cusub ee aad noogu yeedhayna waa runtaa oo cidii gasha Gurigii Morgan waa Faqash..laakiin annagu waxa aanu nahay Faqashta Fiican.

S: Axmed Kalsooni, waxa jirtay in madaxweynaha dalka Jabuuti kugu soo mati-qaaday in aad kala qeyb gasho dabaal-degga iyo fantasiyaha loo sameynaayo guushii uu ka soo hooyay doorashadii madaxtooyadda ee u denbeysay. Maxaa keenay in aad diido casuumadaasi uu madaxweynuhu kuu fidiyay?

J: Mashqacow, Ismaaciil Buur kama soo qeyb gelin xafladii xil-wareejintayda ee waxa uu ii soo diray wefti uu wasiir hogaaminaayo, anna weftigii oo kale ayaan u diray ee maxaa ku jaban? Deeda kale, annigu waxa aan ku soo baxay doorasho Xaaraan-Xalaal-Xor ah, isaguna doorashada la yidhaahdo “Nin Dooran Doorta Maxaad u Dhahdeen Dadka Maxaad u Denbaajiseen”? Markaas max waxa aan denbi ka galaa damiirkeyga iyo dadka reer Jabuuti oo waxa aan ka qeyb galaa madaxweyne ku soo baxay doorasho lahayd magacaasi. Hahaaaaaaaaaha..Carabtii aan islahaa Ismaaciil Buur ha kaa wasteeyana, sownigii isa soo fahamnay maxaan uga baahanahay iminka isaga iyo Sow Dhaweyntiisii Lahayd Hab-maamuuska Sawaaban, inkasta oo aan ku tijaabiyay dalkiisa sida loogu socdo rooga cas. Waxa iyana soo dhow Xuskii 18-May oo aan in badan ku taamaayay in aan ka qeyb galo anniga oo dalkan maamula..hadii aan safar u baxo ka hor maalintaasi yaa og waxa igu dhici kara?

S: Shariif Axmed May, hadaa maxaa keenay in maalinta sidan kuugu weyn sida la sheegaayo loo qaadhaamo kharashkii ku bixi lahaa qabashada xafladda ee lacagta loo weydiinayaa hey’adaha aan dowliga ahayn (NGO-yada) iyada oo aanay 19 xus ee hore aanay hore u dhicin?

J: Adeer miyaad waalan tahay sowkan Keligii Saxane Xaashi xanuunsaday ee Sucuudiga tagey ee kharashkiiba sii xidhay..Al-xamdu-lilaah mar hadii xanuunkiisiba noqday wax basiid ah oo laga helay uun XANUUN GAAJO..Dahab-shiilna waxba lama weydiin karo ilaa iyo inta ay dhinac u dhaceyso Warshadiisii Ka-daba Tuurka ahayd..Baroofadan ama dabaal degan waxa laga yaabaa in uu la mid noqon doono mid sida kuwii kacaanka ay ciidamo maraan..Tolow Ismaaciilka Jabuuti, iyo Shariifyadda ma ku soo casuumaa?..Adeer Mashqacow miyaad maqashay in safaaradii Ingriisku siisay Fiisihii Mujaahid Ibrahim Dhego-weyne? Muxuuse ka doonayaa London ma ka war heysaa?…iska daa anniga ayaa u diri doona Maxamed Kaah Qardhaaska sirdoonka eh!!!!!

Fikrad Ka Dhiibo