Waa Sidee Xaalada Laascaanod (Warbixin
Laascaanood(buhodlepost.com);- Magalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa maalmihii udanbeeyay gashay mugdi iyo handaad ay shacabka ku hayaan maleeshiyaadka mamulka Somaliland.
Magalada ayaa lagu soo rogay bandaw aan waqti lahayn waxaa xabsiga loo taxaabay dad aan danbilahayn magalada ayaa lagaliyay khalqal waxaa laxidhay oo madaaris iyo masaajid lagalabaxay macalimiin iyo culimo caan ka ahaa Gobolka Sool waxana magalada gudaheeda gaaf wareegaya gadiidka dagalka iyo ciidamo aad u tiro badan oo an la garanayn kuwasoo cabsi galinaya Shacabka marmarka qarna ridaya rasas tiro badan oo an loo miidan dayeyn,
Dadka ayaa ah kuwa afkii juuqda gabay markii ay arkeen talaabooyinka ay qaadayaan ciidamada Maamulka Somaliland oo si arxan daro ah ula dhaqmaya shacabka magalada Lascaanood waxaana ay sheegeen shacabka in haatan ay marayaan marxaladii iyo jaahwarar iyo cabsi ay daris la noqdeen shacabka G/Sool mana muuqato wax dhaqdhaq ah oo ku wajahan soo furashada Shacabkasii dulman,
Waxaa ay ciidamada galeen guryo dad rayida daganyihiin waxaa ay si fuulxun ubaarayaan Guryaha iyo malcaamadaha magalada iyagoo oo aan waxtixgalin ah siinayn culimada iyo cuqaasha Gobolka.
Ciidamada hawlagalkan fulinaya ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa cusub oo ku socda amar awladeed si gaarana loogu soo diray Laascaanood.
Wariye Madaxbanaan oo ku sugan Laascaanood ayaa buhodleposti.com u sheegay in ciidamada maalmihii la soo dhaafay xabsiga u taxaabeen ilaa 70ruux oo dhamaantood dad rayida ah
Waxaa uu sheegay in warfidiyeenada ay san soo warin karin xaqiiqda dhabtaa ee kajirta magalada hadii ay tabiyaana ay lakulmayaan xadhig iyo handaad.
ciise ahmed soofe
malaysia kualalumpur
asc buhodlepost….waad mahadstahin for your updates…..but walalyaal stop saying somaliland iyo ciidamada………waayo dawlaad ayaad ka dhiigtan ba…..waana Somalidiid, or bakhtisocood, ama ciidaankii shiishiyee, anythang is better, but somaliland ciidaan. shacabkana khalqal maa qaalin karan….waayo qabilna qabil ka xoogweyna wallahi….Dhulbahante waa inu united gaarysimo.. and Darood xita………..what would rer Isxaak or the isxaak ciidaan do if we occupied burco for 3 years…….wake up Dhulbahante iyo dhamaan Darood ohdaan waa inuu toosa . waa mahadsaanthiin dhaamantin.