|

Faaqidaada Amuuraha Islaam ka

Assalaamu calaykum,

Walaal majeceshahay inaad Nabigaaga kudayatid, soo-mafiicna inaad arrimahaaga ilaahay utalasaaratid?…haddaba isku day inaad kuducaysatid Ducooyinkii Rasuulka(SAW):

~ Cali bin Abii Daalib – Ilaahay haka raalli noqdee wuxuu yiri: Rasuulkii Ilaahay(SAW) ayaa wuxuu igu yiri waxaad tiraahdaa [Allaahumma inii as’aluka Al-hudaa wassadaad].. oo micnaheedu yahay(Ilaahayoow waxaan kuweeydiistay hanuun iyo toosnaan… Waxaa wariyey Imaam Muslim

~ Caa’isha Allaha ka raalli noqdee waxay tiri: Nabiga naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee wuxuu ku ducaysan jiray: [Allaahumma inii acuudu bika min sharri maa camiltu, wamin sharri maa lam acmal]..(Ilaahayoow wxaan kaamagan-galay wixii aan sameeyey sharkooda iyo wixii aanan samaynin sharkoodaba]… waxaa wariyey Imaam Muslim.

~ Cabdullaahi ibnu Camar ibnul Caas Allaha ka-raalli noqdo isaga iyo aabihiisbee wuxuu yiri: Rasuulkii Ilaahay wuxuu yiri: [Allaahumma musarrifal quluubi, sarrif quluubanaa calaa dhaacatika]..(Ilaahayoow kii quluubta leexiyoow, uleexi quluubteenna inay adiga ku adeecdo)… Waxaa wariyey Imaam Muslim.

~ Dhaariq bin asheem Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri: haddii uu qof muslimo rasuulku(SAW) wax buu bari jirey, kaddibna wuxuu fari jiray inuu kuducaysto ducadaan: [Allaahumma ighfirlii, warxamnii, wahdinii, wacaafinii, warzuqnii]..(Ilaahayoow iidambi dhaaf, iina naxariiso, caafimaadna isii, risaaqadna isii)… Waxaa wariyey Imaam Muslim
XIGASHO-Somalitalk.com
diyarintii Abdirizak Kaneec

Fikrad Ka Dhiibo