|

laba dhalinyaro ah oo latoogtay, oo maydkooda,lasoo dhigey,Dharkenleey ee Magaalada Muqdisho

Meydadka labo ruux oo dhalinyaro ah ayaa saakay lasoo dhigay Xaafada Ajabka Degmada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho iyadoo aan wali la aqoonsan Meydadkaasi.

Wararka ka imaanaya Degmada Dharkeenleey ayaa sheegaya in aroortii hore ee saaka halkaasi lagu arkay dhalinyaro lasoo toogtay oo ay jirkoodu ka muuqdaan rasaas fara badan.

Dadka Degmada ayaa soo buux dhaafiyay goobta ay yaalaan meydadka iyadoo aysan jirin ilaa iyo hadda cid aqoonsatay Dhallinyaradaasi iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in Mid kamid ah dhalinyaradaasi xalay ay toogteen Ciidamo katirsan Dowladda oo ku sugnaa agagaarka Saldhiga Galbeed ee Degmadaasi.

Si kastaba ha ahaatee Xaalada Degmada ayaa saakay kacsan iyadoo aysan aheyn markii ugu horeysay ee Meydadka dhallinyaro latoogtay aan lagu arko gudaha degmooyinka ay Dowladdu ka Maamusho Caasimada Muqdisho
www.buhodepost.com

Fikrad Ka Dhiibo