|

Shiikh Atam oo si buuxda ula-wareegey tuulada Gal-gala, iyo ciidanka Puntland oo saakey laga eryey gobtaas

Galgala, Somalia (BPN) – Koox-ciidameedkii uu hoggaaminayey Sh. Maxamed Siciid Atam ayaa maanta duhurkii la wareegay tuulada Galgala ee gobolka Bari kaddib markii ciidamada dawladda Puntland ay halkaasi ka guureen subaxnimadii hore ee Saaka.

Ciidanka Sh. Atam ayey gacantooda dib ugu soo laabatay tuulada Galgala muddo dhawr bilood kaddib oo ay gacanta ku hayeen ciidamada daraawhiishta Puntland oo halkaasi dhammaadkii sannadkii tagay dagaal xooggan kooxdaasi kula galay Galgalana ku qabsaday.

Dadka deegaanka ayaa AOL u sheegay in ciidanka Sh. Atam in ay si nabad-galyo ah ku soo galeen Galgala kulana wareegeen saacado kaddib markii ciidamada dawladda Puntland ay ka baxeen.

Dawladda Puntland wali ma sheegin sababta rasmiga ah ee dhalisay in ciidamadeedu ay ka soo guuraan tuulada Galgala oo galaafatay nolosha askar badan oo ah kuweeda ah tan iyo intii ay bilawdeen iska-hor-imaadadii u dhaxeeyey Puntland iyo kooxda Sh. Atam.

Guuritaanka ciidamada Puntland ee Galgala iyo la-wareegidda Sh. Atam ayaa timid maalmo kaddib markii halkaasi uu ka dhacay weerer gaadmo ah oo lagu ekeeyey ciidamada Puntland kaasoo uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac intaba iyo sidoo kale burbur iyo gubasho gaadiid dagaal
www.buhodplpost.om

Fikrad Ka Dhiibo