Samaroon iyo Harti marna kama mid ahayn SNM :Gudoomiyaha G/Awdal oo ka careysiiyay Maamulka Somaliland kadib markii uu hadalo la yaab-leh ku-hadlay
Gudoomiyaha Gobolka Awdal oo ay degto Beesha Soomaaliyeed ee Samaroon ayaa sheegay in SNM ahayd Beesha Isaaq,halka Magaalooyinka qarkood ay qaban qaabinayaan kuwo ka soo jeeda Warsangeli
Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxmed Daahir Cabdale ayaa sheegay in Beelaha dega Cirifyada Gobolada waqooyi ee Soomaaliya sida Hartiga iyo Samaroon ayna waligoodba ahayn SNM sidaas awgeed ay xaaraan tahay in loo dabaaldego 18 May oo ah Maalin Beeleed.
Magaalada Tog wajaale ayaa sidoo kale Imaamkii Masaajidka maalintii shalay ka sheegay in ay xaaraan tahay dabaal dega maalintaas isga oo isla markiiba Masaajidka laga taxaabay lana xiray khudbadiina uu sii dhamaystiray jabhad SNM ah
Sidoo kale Imaamka Masaajida Xawaadle Aadan Siiro ayaa khudbadiisii Jimcaha ee maalintii shalay ku sheegay in ay muqadis tahay in maalintay 18 may la xuso lana weyneeyo oo ah sida uu sheegay in ay tahay maalin dad dhowr Milyan ah oo isku af ah isku diin ah isku dhaqan ah ay isku afgarteen in ay maamul samaysteen isaga oo soo qaatay xadiis sheegaya in hadaad sadex tihiin mid idinka idin ka mid ah ha idin hogaamiyo hadaba su’aahu waxay tahay Bulshada ku nool Groowe, Gaalkacayo,Baledweyn iyo soomaalida kale Diintee,dhaqankee iyo afkee haystaan oo looga go’ayaa hadii sida uu sheegay Adan Siiro soomaali inteeda kale uga go’aeen in ay yihiin kuwo isku af ah,isku dhaqan ah iyo isku diina
Sheekhan Isaaqu aadka ugu jecel yihiin cunsurinimada Beel Soomaaliyeed iyo Madaxdoodii dhintay ayaa wuxuu wuxuu sheegay oo kale in ay Soomaali la midoobayaan marka Dhowr iyo Kotanka dal oo Islaamka ah ay midoobaan inta ka horaysa ayna Faqashtu waqti isaga lumin radinta Somaliweyn.
Abwaan Cabdulaahi Lakjar oo ka soo jeeda Beesha Maakhir oo dhowaan u qaaday hees amaana Magaalda Hargaysa oo ah xarunta SNM ayaa lagu daray maamulka Maaliinta 18 May ee dalka Canada oo ay ku kala qaybsan yihiin Beesha Isaaqu sidii ay u qabsan lahaayeen iyaga oo midaysan ayna dhoola tus ku samayn lahaateen cadowgooda Daaroodka.Laakiinse waxayna ogayn in Lakjar yahay hal qof mana metelo Beelshada reer Maakhir ee waqooyiga Amerika iyo Soomaaliyaba
Ugu danbayntii Harti iyo Samaroon oo ah Bulshada ugu badan gobolada waqooyi ee Soomaaliya ayaa aha kuwo aan ka qayb geleen horayna uga qayb gelin Maalintan SNM sheegtay in ay tahay Maalin xoriyada laga qaatay Beel Soomaaliyeed hase ahaatee ay aaminsan yihiin in ay xornimadooda ka qaateen gumaysigii reer Yurub 26 June 1960 sidoo kalena ay la midoobeen Walaalahooda Soomaaliyeed ee Koonfureed bishii todobaad kowdeedii 1960 hadan ay ka mid yihiin Somaliweyn ayna sugayaan Qaran soomaaliyeed oo xaruntiisu tahay Muqdisho
www.buhodlepost.com