|

Warbixin Ay Soo Saareen Ururka SUDO Ee USA

Ohio(BPN)Hadaanu nahay dhalinyarada SSC ee USA Ohio kadib Xidhiidh uu nala soo sameeyay Madaxa Xidhiidhka Caalamiga ee Ururka dhalinyarada SSC SUDO Mudane Fardoole oo aanu uga mahadcelinano xidhiidhkaa. Wadahadal qoto dheerna yeelanay kaasoo kusalaynaa sidii laysugu xidhi lahaa dhalinyarada SSC meelkasta oo ay joogaan taa soo runtii ah arin loo baahanyahay xiligan umadeenu kujirto marxalada adag.

Arintan oo ay runtii aad naga caawisay Farduus Mahamuud Dhagadheere oo kamid ahayd wufuudii kaqayb gashay shirkii khaatumo shir gaar ahna lasoo qaadatay Madaxda SUDO ee UK. Anagoo taana runtii uga mahadcelinana farduus ayaa waxay tahay arintani mid aanu u aragnay inay tahay arin fiican oo wanaag iyo walaaltinimo kujirto.

Hadaba kadib markaanu warbixinahaa helnay lana xidhiidhnay Madaxa xidhiidhka caalamiga oo isna faah faahin nagasiiyay ururka iyo waxyaabaha uu u taaganyanay. Eegnayna danta guud ee dhalinyarada SSC meelkasta oo ay joogaan waxaanu go aansanay inaan kamid noqono ururka SUDO oo aanu samayno qaybtii ururka ee OHIO.

Sidan baanuna usoo magacawnay gudigii matali lahaa ururka ee hawsha gali lahaa

Gudoomiye: Mubaarak Mahamud Cali Gudoomiyaha SUDO Columbus, ohio

Asha Yasin Ibrahim Gudoomiyahe ku xigeenka SUDO Columbus, ohio

Mohamed Arab Xidhiidhiyaha Guud ee SUDO Columbus, ohio 614-592-8034

Wixii faahfaahin dheeraad ah waxaad lasoo xidhiidhi kartaan mahamed arab 614-592-8034

Email: sudoohio@yahoo.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Anagoo kafaa ii daysanayna fursadan waxaanu usoo jeedin lahayn dhalinyarada SSC meelkasta oo ay joogaan inaynu midawno oo daladan kalada SUDO kaqayb qaadano siaynu inana wax u wada qabsano umadeenana wax ugu qabano

Mahadsanidin

Salaama Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuh

Fikrad Ka Dhiibo