Afhayeenka Xarakada Shabaab oo Maanta Digniin u Diray Dawlada Jabuuti
Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamud Raage (Cali Dheere) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa digniin u jeediyey dawlada Jabuuti oo dhowaan shaacisay inay ciidamo u soo direyso gudaha Soomaaliya.
Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Shabaab ay diyaar u tahay inay la dagaalanto wax uu ugu yeeray ‘kuwa gaalada xulufada lah’ cid kasta oo ay yihiin, isagoo sheegay in dagaalka uusan dhamaan doonin.
“Runtii waxaa beryahan wararku sheegayeen in Jabuuti ay tiri ciidamo ayaan soo direynaa waxaanleenahay horta lama yaabanin in dawlad gaalada isbahaysigeeda ay yiraahdaan hadalkaas”, ayuu yiri afhayeenka oo intaaky daray inaysan culeys ku noqon doonin sii wadista dagaalka ka dhanka ah Amisom iyo DKMG ah.
“Hadey xitaa malaayiin keenaan anaga nama culeyn doonto, waxna kama bedeli doonto dagaalkii aan wadnay”, ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka.
Afhayeenka Shabaab wuxuu dawlada Jabuuti uga digay inaysan hadda faraha la so gelin arimaha Soomaaluda sida uu yiri , haddii kale ay ka dheefi doonto oo kaliya geeri badan oo ciidamadeeda kala kulmaan Muqdisho.
Hadalkan maanta ka soo baxay afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa soo baxay xilli dawlada Jabuuti ay si rasmi ah toddobaadkan u shaacisay in keeneyso magaalada Muqdisho hal bataliyan [illaa kun askari] oo ka mid ah ciidamadeeda sida gaarka ah u tababaran.
Ciidanka Jabuuti ayaa qeyb ka noqonaya hawlgalka midowga Afrika Amisom ee hadda ay ka joogaan wadamada Uganda iyo Burundi oo dagaal kula jira Al-Shabaab.
www.buhodlepost.com