Raysul Wasaare Farmaajo Muxuu ka Yiri Maamul Goboleedyada Cusub iyo Hogaamiye Kooxeedyada Soomaalida ee ku Haminaya inay Siyaasada ku soo Laabtaan?
www.buhodlepost.com Raysul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo hadda booqasho ku jooga wadanka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday aragtida xukuumadiisa eek u aadan qaar badan oo ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya oo ku haminaya inay dib siyaasada ugu soo laabtan.
Raysul wasaare Farmaajo oo khudbad u jeediyey jaaliyada Soomaalida ee degan nawaaxiga magaalada Washington ayaa cadeeyey in xukuumadiisu ka tuhun ka qabto dhaqdhaqaaqyo ay wadaan qaar ka mid ah hogaamioye kooxeedyada iyo kuwo uu sheegay inay dhaadhac ka doonayaan maamul goboleedyo cusub oo la dhiso.
“Waan og nahay in qaar ay rabaan inay madaxa la soo baxaan balse anagu marka hore waxaan leenahay ‘WALAALOW’ hadey diidaan gacan bir ah baan ku qabaneynaa”, ayuu yiri Raysul waasaare Farmaajo oo xaqiijiyey in hogaamiye kooxeedyada ay ahaayeen kuwii dalka sida uu hadda yahay ka dhigay.
Raysul wasaaraha ayaa sheegay in calankii hgaamiye kooxeedyada uu dhamaaday, lagana soo gudbay waqtigii ay wax kasta ku gorgortami jireen. Wuxuuna sheegay in hadda loo baahan yahay siyaasad wax dhiseysa oo wadajir ahaan u qaataan Soomaalida gudaha iyo kuwa dibada.
“Dadka qurbaha jooga waxay qeyb weyn ku lahaayeen burburka dalka kii lacag u dira, kii af ku taageera iyo kii kalaba, marka aan hadda u weecano wax dhisid”, ayuu yiri raysul wasaaraha oo la hadlayey qurbe joogta Mareykanka isagoo intaa sii raaciyey in dadka Soomaaliyeed ay intooda badan wax duminta u fududahay balse dhisida ay ku adag tahay.
“Waxaa la idinka rabaa maxaa uga qeyb qaadan kartaan dhismaha wadanka, nin walbow kaalintaada geyso”, ayuu sii raaciyey Maxamed C/laahi Farmaajo oo deeq taageero ah ka dalbadey Soomaalida qurbe joogta ah.
Maamul goboleedyada isdaba yaaca noqday
Raysul wasaaraha Soomaaliya ayaa khudbadiisii dheereyd ee uu u jeediyey Soomaalida ku nool agagaarka gobolka Washington ee wadanka Mareykanka wuxuu kaloo kaga hadlay arin dhowaanahan soo shaac baxday oo ah maamul goboleedyada cusub ee sida isdaba jooga ah loogu dhawaaqayo.
“Waxaa kaloo beryahan soo baxay wax la yiraahdo maamul goboleed oo maalinba meel looga dhawaaqayo, waayo halkaasaa laga arkay DHAADHAC inuu ku jiro”, ayuu yiri raysul wasaaraha oo ku tilmaamay in dadka fikradaasi wata ay yihiin siyaasiyiin hami qaab daran uu galay oo doonaya inay sidaas xil iyo dhaqaale ku raadiyaan.
“Markuu dhowr maalin meelahaas tago oo UN iyo madax uu la kulmo oo loo yeero dhowr shir,.. bes wuxuuba leyahay sidaanaaba ka fiican”, ayuu sii raaciyey mar uu raysul wasaaruhu sharaxayey ujeedka maamulada qaarkood.
Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xusay in guud ahaan maamul goboleedyada Soomaaliya ka jira ay ku saleysan yihiin qabiileysi, taasina aysan wax qiime ah aana lagu gaari Karin dawladnimo.
Khilaafka labada Shariif iyo magacaabista gudoomiyaha maxkamada sare
Intii ay socotey khudbada raysul wasaaraha uu u jeediyey jaaliyada Soomaalida ee degan agagaarka Washington waxaa la weydiiyey su’aalo kala duwan kuwaasoo uu ka jawaabay, waxaana mar la weydiiyey khilaafka labada Shariif [Madaxweyne Shariif iyo Afhayeenka barlamaanka Shariif Xasan] iyo kaalinta ay sharci ahaan DKMG ugu taagan tahay maxkamada sare ayaa wuxuu yiri.
“Mudo dheer maxkamada sare ma shaqeyn bacdamaa ninkii hore gudoomiyaha u ahaa uuxanuusanayey, laakiin hadda nin cusub baa loo magacaabay, waxaana rajeyneynaa inuu hawlgalo weli laakiin arintu ma kululaanin balse markay kululaato waxaan filaynaa inuu hawshiisa gudan doono”.
Hadalka raysul wasaaraha ayaa muujiyey sida maxkamada sare looga fili karo inay mar dhow seefteeda bannaanka keento waxna ka qabato xildhibaanada carqalada ku noqday DKMG iyo habka siyaasada ee dalka.
Wuxuu sidoo kale sheegay in barlamaanka hadda jira iyo xukuumada waqtigooda ku wada eg yahay bisha August, isagoo sheegay inaysan suuragal ahayn in xukuumada doorasho gasho barlamaankana uusan galin.
“Barlamaanka hadda jira sharciyad uma heysto uu wax ku doorto xukuumadana waqtigeeda waa dhamaaday, marka dhamaanteen ama aan wada joogno ama doorasho wada aadno”, ayuu yiri raysul wasaaruhu oo sidoo kale dhaliilay 550 xildhibaan in markale ay soo laabtaan.