|

Fashil ku yimid dabaal deg-degii Somaliland ka wadey Borama.

Sidii caadada u ahaydba Waqooyi Somalia ayaa sanad walba bishiisa 5-18-keeda ay xusaan maalinkaas oo a ay u aqoonsadeen ama ugu yeedhaan “Xornima lasoo noqodkii”
Maalinkaas ayaa ah maalin ay wayneeyaan oo ay dabaal degyo kala duwan ka sameeyaan dhamaan goobaha maamulkoodu gaadhay.
Magaalada Borama ayaa illaa shalay (manta) waxaa laga sameenayey xuska maalinkaas iyadoo qurxun dhinackasta ah loola dhaqaaqay meel fagaare ah oo ku taal badhtamaha magaalada. Abaaro 10:00am ayaa waxaa mar uun magaalada oo dhan laga maqlay xabada dhacaysa oo magaalada ku fiday iyadoo dhawaaqa dhagaha ku soo duulayana uusan ka maqlayn codka baabuurka qaada dhaawaca UMBALACE-ta. Dadka ayaa ahaa dhamaantood kuwo lugahooda maalaya dadkana aad wajiyadooda ka dheheenaysay naxdin saa’ida qofkuna uusan garanayn meesha uu ku cararayo maadaaba meelwalba xabadda uu ka ordayaa ay uga horayso, Markaad dadka indhaha la sii raacraacdo ayaa waxaad arkaysaa dad dhaawaca kuwaas oo sida lay sheegay ku dhaawacmay markay ka soo daateen meeshii xafaladu ka socotay gidaarkii ku hareersanaa.
Sida lay sheegay dadka dhaacaa ayaa lagu qiyaasay bulshaduna u badinaysay illaa 5 ruun iyadoo hal qofna inta lahubo uu ku nafwaayey, rabshadan ayaa waxay ka bilaamatay kadib markii dadka indhahoodu uusoo jiitay labo calan oo goobta lagu wada hayey.
Dhalinyaro naftood hurayaala ayaa waxay lasoo baxeen calan la iisheegay inuu leeyahay Awdal State, Maamulkaas oo dhawaan ay ku dhawaaqeen Jaalliyada u dhalatay gobolka ee ku dhaqan Daafaha duniga gaar ahaa Jaalliyada Minnesota,USA.
Markaad dhexqaado magaalada gudaheeda ayaa waxaad arkaysaa Calanka Awdal oo dadbadan oo kamida shacabku ay ruxayaan girdaarkastana aad ku arkayso hal kudhigyo ay ka mid ahaayeen ‘Awdal State” “Reer Awdal xoroobe iwm.” Calanka Somaliland iyo meelaha lagu qoray 18-may-na la saaray Calaamadax cas ee X…
Taasna waata keentay manta in dadna ku dhaawacmaan qaarkalana ku dhintaan.
Dadka ayaa u muuqanayey kuwo la khasbayey rabitaankoodana aan wax tixgalina la siinayn iyadoo taas lawadaagaan gobolo badan oo kamida Somalia sida Sool Sanaag iwm.. waxaa xusid mudan inay halkaas marka rabshadu ka dhacaysay ay ku sugnaayeen Ninka Somaliland ugu magacaaban Wasiirka beeraha, Saylici xaaskiisa iyo kuwo xilil kala duwan ka haya maamulkaas

3 Responses for “Fashil ku yimid dabaal deg-degii Somaliland ka wadey Borama.”

  1. Fakar kayga waa mida cunsuriyada isku haybestan idoorka talana kugaren ila dhigyacab silanyo iskuna haystan inay kaligod leyihin waqoyiga somalia waxana dalil u ah dulanki kalshale wan oga tacsiyadaynaya walalaha rer awdal hadanu nahay rer s.s.c iam very sory katashada dhagarta silanyo iyo beshisa wana ti kalberdale hil iyo hoba wa idin diyar xagayaga

  2. ahmad deeq says:

    anigu hadaan ka hadlo figradayda ku aadan dhibaatada ka soo cus boonaatay dhamaan g/waqooyiga soomalia gaar ahaan sool sanaag and cayn waxan odhan la haa waa mid la filayay maxa yeelay dirta waqoooyi dhibka ay ku hayso dadka ladagan w/qooyiga soomaaliya kagana magaca iyo maamuuska wayn hadii taariikh da dib loo eego hada may bilaamin lkn waxay wadeen oo qor shaynayeen ilaa 1982kii mar kay bilaa been jamhad qabiileedka ay ku ma gacaaben snm magacaa ba ay hadaba dhibka lagu hayo sool sanaag and cayn wax uu bilam may mar kiiba 1991kii markii ay burburtay d umada soomaaliyeed hadaba soomaalidu waxay ku maahmaah daa[ nin khayr kii loo xiirayoow soo qoyso} rer awdal waxan le yahay walal la yaal waxad tihiin dad sharaf le ilaashada sharaf tiina anana hadaanu na hay daraawiish ta wax wal ba oo ka raan kayaga ah waanu idin la garab taganahay wadana hana ka daalina inaad ilaa shataan cirdigiina iyo karaamadiina iskana dul qaada qabiilka anana na dhowra waanu soo wadnaaye waxa lagu wada hadla ya sanadka soo socda hadii aale yidhaahdo buro berbera and meesha ay ugu yee dhaam maroodi jee dadka soomaali yeedna u ya qoono waqooyi galbeed ok thanks

  3. ahmad deeq says:

    anigu hadaan ka hadlo figradayda ku aadan dhibaatada ka soo cus boonaatay dhamaan g/waqooyiga soomalia gaar ahaan sool sanaag cayn state and awdal state waxan odhan la haa waa mid la filayay maxa yeelay dirta waqoooyi dhibka ay ku hayso dadka ladagan w/qooyiga soomaaliya kagana magaca iyo maamuuska wayn hadii taariikh da dib loo eego hada may bilaamin lkn waxay wadeen oo qor shaynayeen ilaa 1982kii mar kay bilaa been jamhad qabiileedka ay ku ma gacaaben snm magacaa ba ay hadaba dhibka lagu hayo sool sanaag and cayn wax uu bilam may mar kiiba 1991kii markii ay burburtay d umada soomaaliyeed hadaba soomaalidu waxay ku maahmaah daa[ nin khayr kii loo xiirayoow soo qoyso} rer awdal waxan le yahay walal la yaal waxad tihiin dad sharaf le ilaashada sharaf tiina anana hadaanu na hay daraawiish ta wax wal ba oo ka raan kayaga ah waanu idin la garab taganahay wadana hana ka daalina inaad ilaa shataan cirdigiina iyo karaamadiina iskana dul qaada qabiilka anana na dhowra waanu soo wadnaaye waxa lagu wada hadla ya sanadka soo socda hadii aale yidhaahdo buro berbera and meesha ay ugu yee dhaam maroodi jee dadka soomaali yeedna u ya qoono waqooyi galbeed ok thanks

Fikrad Ka Dhiibo