|

Sh, Mohamed Ismaiil oo dib Xornimadiisii u helay kadib ciqaab badan iyo 7 sanadood oo xardhig iyo jidhdil ah Hargaysa

waxaa maalinimadii shalay xabsiga Hargaysa laga sii dayey Shikkh Maxamed oo loo yaqaan (Sh .Maxamed Ismaciil Akishe) oo mudo 7 sanadoood ah si xaq daro ah ugu xidhnaa Jamhada SNM Hargaysa hadaba Shiikh oo Saxafada kula hadlayey meel an ka fogayn Xabsiga dhexe ee Hargaysa ayaa xooga ka taabtey wixii uu kusoo maray XabsigA wuxuuna ku bilabay sidan

“Alle ayaa mahada iska leh oo iga soo furtay xabsigii aan ku jiray, xabsigu waa dhibaato badan yihiin. Waxaan sidoo kale umahadcelinayaa intii uu ciriiriga ku hayey xarigeyga” ayuu yiri Sheekh Maxamed Ismaaciil oo intaa ku daray inuu joogi doono gurigiisa.

Wuxuu sheegay in dhibaato fara badan uu kala kulmay mudadii uu ku jirey xasiga, wax walbana ay iska bedeleen sidii uu ahaa.

“Waxaan la mid ahay sida ilme sebi ah oo hadda dhashay, waxaan rajeynayaa inaan nolol cusub bilaabo”, ayuu sii raaciyey Sheekha oo intaa ku daray in uu aaminsan yahay in waxa loo xiray ay ahayd oo kaliya diinta Islaamka sheegideeda.

Sheekh Maxamed ayaa inkastoo uusan ka hadlin hadda, wuxuu hore u xaqiijiyey in jirdil, koronto jirkiisa lagu gubay iyo garaac loo geystey mudadii uu xidhnaa oo hadh iyo habeenba la garaaci jirey si uu u qirto dembi.

Wuxuu hadda Sheekh Maxamed Ismaaciil la midoobay ehelkiisa oo degan Hargeysa, waxaana siideyntiisa soo dhaweeyey culimaa’udiinka Hargeysa iyo dadweynaha yaqaana Sheekh oo qaarkood shalay iyo maanta booqasho ugu tagay gurigiisa.

Bilawgii 2005 ayaa Sheekh Maxamed Ismaaciil ay xireen ciidanka SNM ee maamulka Hargaysa kadib markii ay ku eedeeyeen inuu cambareeyey falalka ciidanka Ethiopia ka wadeen gudaha Soomaaliya, waxaana xilligaasi Sheekha laga qabtay xarun dadka lagu Quraansaaro oo ku taalla gudaha Hargeysa.

Tags: Sheekh Maxamed Ismaaciil oo Ka Hadlay Dareenkiisa

Fikrad Ka Dhiibo