Guux Dhaq Dhaqaaq Siyaasaded oo ay kawadan Nairobi Xubno ka tirsan Kooxdii Nairobi
Waxaa guux iyo shirar is daba joog ah ka soconayaan Magalada Nairobi ee Casimada Dalka Kenya dhaqdhaqan Siyaasaded oo ku wajahan qabsoomida shirka Khaatumo (2) ee lagu wado inuu ka dhaco gudaha Gobolada SSC hada shabakada Buhodlepost ayaa u kuur gashay dhaqdhaqan oo si xoogle uga socda Nairobi waxaa Dalka kenya soo garay horaantii bishan Hogaamiyaha midayta iyo xoraynta SSC,
Dr Saleebaan Ciise Axmed Hogaamiayaha ayaa kasoo labtay shirkii Khaatumo (1) ee kusoo gabagaboobay London hadaba markii uu soo garay Nairobi waxaa halkaa ku sugnaa xubnihii ugu firfircoonaa Garabkii SSC ee lagu asaasay Nairobi sanadkii 2009 waxana kamida xubnahan.
Garad jamac Garad Cali oo ahaa Hogaamiayah dhabta ah ee Garabkii Nairobi Garad Jamac Garad Cali Xubnahan Garadku hogaamiyanyo ayaa warar hoose oo shabakada Buhodlepost heshay tibaxayan inay aad uga soo horjeedaan Midowga Ururka Northern Somali Unionist Movement (NSUM ) iyo Hogaanka oo ku midoobay shirkii Khaatumo isla markana Dr Saleeban Ciise lagu qanciyey inuu yahay Hogaamiayaha Midaynta iyo Xoraynta SSC waxana waxba kama jiran laga soo qaday Wasiiro iyo jagooyin hore oo lo magacabay Dhalin yarada Tageerayasha (Xaglatoosiye) waxana goobta shirka lagu magacabay 3 Hayadood oo ka kooban dad Aqoonyahano ah sadexdan Hayadood oo kala ah Hayada arimaha Dibada iyo Hayada arimaha Gudaha iyo Hayada Dhaqaalaha Hayadahan oo inta badan anay ka dhex muuqan Tageerashii Xaglatoosiye hadaba waxaa guux iyo kala shaki soo kala dhex galay SSC garabkii uu Hogaamin jiray Saleeban Ciise Arintaa oo keentay in Hogaamiyu si dagdag ah kusoo galo magalada Nairobi oo hada ay ku sugan yahiin inta badan Xubnihii Tageeri jiray Hogaanka oo qarkoodna sheegan jireen Wasiiro iyo Aya tulaahigii Ruuxaaniga ahaa ee Garabka Xaglatoosiye Garad Jamac Garad Cali hadaba ilaa iyo markii uu Hogaanku soo garay Nairobi waxaa ka socda Caasimada Dalka Kenya ee Nairobi shirar albabadu u xidhan yahiin oo dhex maraya,
Saleeban Xaglatoosiye iyo Tageerashisii ku sugnaa halkaa.
Sikastaba ha ahaatee warar hor dhac ah oo kasoo baxaya kulamada Hogaanka iyo Xunahan waxay tibaxayan in Xubnahan uu Garadku Hogaaminayo si weyn uga hor yimadeen heshiiskii lagu soo kala saxeexday London isla markaa Hogaanka cadaadi ku sarayan inuu ka noqdo heshiiskii lagu soo qatay London isla markaa aad uga biyo diidan yahiin Shirka lagu wado inuu ka dhaco gudaha Dalka Xubnahan ayaa waxay ku an dacoonayan inay yahiin Maamul isla markana an loo bahnayn in shir lagu qabto Gudaha Dalka wararka qaar ayaa sheegaya in Saleeban Ciise Ahmed iyo Xubnahan isku af garteen wax badan, ma cada meesha ay ku danbayn doonto wada hadaldan u socda Xubnahan,
dhanka kale waxaa dhaqdhaqaaq yadan si feejigan ula socda dadweynaha SSC oo iyagu aad u tageersanaa shirka Khaatumo. Dhanka kale waxaa arimahan aad uga biyo diidan Ururka Northern Somali Unionist Movement ama (NSUM) ee isagu heshiskan mug wayn ku lahaa,
www.buhodlepost.com
email buhodlenews@hotmail.com .