|

Kooxo Looga Shakisan Yahay Dilalka Qorshaysan Ee Laascaanood Oo La Qabtay

Ciidamadda Police-ka ee magaaladda Laascaanood ayaa gacanta ku dhigay koox looga shakisan yahay in ay ka danbeeyeen dilalkii qorshaysnaa ee baryahanba lagu ugaadhsanayey masuuliyiinta u shaqaysa maamulka Siilaanyo ee ka soo jeeda SSC ,Kooxahan ayaa laga soo qabtay Xaafadda Saamaley oo ay ku dhuumanayey ka dib markii shacabka Xaafadaasi uu Police-ka ku soo wargaliyey sidoo kalena ay isweer ka qabtay kooxahan

Kooxdan oo ka koobnayd afar nin iyo Haweenay ayaa waxa ay ciidanka Police-ku gacanta ku soo dhigeen nin iyo haweenay halka labadii nin ee kale ay galeen xero ay malayshiyaadka SNM-tu dagan yihiin oo ka ragon buurta Sayidka waxana la sheegay in labadaas nin ee cararay ay la tageen hubkii ay wateen oo ahaa Baaskoolado iyo waxyaaabo kale

Ina Cali Mirre oo dhaawac uu soo gaadhay xili la doonayey in la khaarajiyo Mid ka mid ah Horgaladda ayaa qiray in Ninkii Xabadda ku dhuftay uu ahaa kan xidhan uuna hubo

Malayshiyaadka SNM-ta ayaa doonaya in ay xoog kula baxaan ninkan iyo naagta xidhan kuwaas oo tiroba ka labo jeer tagay saldhiga dhexe balse Ciidamadda Saldhigaas ayaa is hortaagay, waxana la sheegay in Saraakiisha SNM-tu ay u tageen Horgaladda ku sugan Hotel Xamdi kuwas oo ugu hanjabeen hadii ay qoraxdu ugu dhacdo saldhigan Ninkan iyo Naagta in magaaladda ay dhulka la simayaan

ma ahan markii ugu horaysay ee Malayshiyaadka SNM-ta laga soo qabto dad looga shakiyey in ay ku luglahaayeen khaarajinta Masuuliyiinta Laascaanood kuwaas oo ay qori caaradii kula baxeen lama oga wax ay ku danbayn doonaan kuwan xidhan iminka

www.buhodlepost.com
eamil buhodlenews@hotmail.com

Fikrad Ka Dhiibo