|

Diyaarado kor heehaabanayo oo saaka lagu arkay xaafado kamid ah magaalada Muqdisho

Diyaarado Helicopter ah oo saaka kor heehaabanayay xaafado kamid ah magaalada Muqdisho iyadoo dhinaca kalana iska hor imaad uu ka dhacay degmooyinka Hodan iyo Wardhiigley.
Diyaaradahan oo tiradoodu ahaayeen 3 ayaa waxaa la sheegay in ay kasoo dul kaceen markab taagnaa Badda, waxaana iyagoo kor heehaabaya saaka xaafado kamid ah degmooyinka wadajir iyo waabari ee Gobolka Banaadir iyadoo diyaaradahaasi aysan wax khasaaro ah geysan iyadoo ay dadka ku abuureen cabsi iyadoo aan lagaranaynin ujeedadooda ay usocdeen iyo dalalka laga leeyahay.

Saaka ayaa xaafado kamid ah degmooyinka Hodan iyo wardhiigley ee Gobolka banaadir waxa kadhacay iska hor imaad Goos goosa oo geystay dhimasho iyo dhaawacba, xaafadaha uu iska hor imaadku kadhacay ayaa waxa kamid ah siigaale iyo geed,jaceel waxaana inta la ogyahay ku dhaawacmatay sedex ruux oo rayid ah oo ay rasaastu guryahooda ugu tagtay.

www.buhodlepost.com
email buhodlenews@hotmail.com

Fikrad Ka Dhiibo