|

Wararkii ugu danbeeyey ee Dagmada WidhWidh

Wararkii ugu danbeeyey ee Caawa shabakada Wararka Buhodlepost ka helayso Magaalada Widh Widh ayaa ku soo Waramaya inay Degmadaasi soo gaadheen Wasiiro ka socda Maamulka Siilaanyo oo ka soo kicitimay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolkaasi Togdheer.

Wasiiradaasi ayaana Waxa hogaaminaya Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Maamulka Siilaanyo Waxana kaloo Wasiiradaasi la socda Maxamed Kaahin oo kamid ahaa Xisbiga SMNta oo isagu Markii ugu horaysa soo cago dhigtay Deegaano kamid ah SSC, Waxana kaloo Waftigaasi kamid ah Horgal Mahad Canbaashe taliyaha Ciidamada SMNTa ee aaga Bariga dhancade iyo saraakiil kale oo katirsan Maamulka Siilaanyo.

Warku Waxa uu intaasi ku darayaa in Guud ahaanba Magaalada Widh Widh lagu Wareejiyey Ciidamo farabadan oo ka soo Guuray Dhinaca Magaalada Laascaanood iyo Deegaanka oog, Qaarkamid ah shacabka Magaalada Widh Widh ayaana Warbaahinta Caawa u sheegay inay Wasiiradaasi Degeen Guriga Horgal Kayse Abdi yuusuf oo ah Horgal dhawaan u Wareegay Maamulka Siilaanyo Mana jiraan ilaa iminka Odayaasha Deegaanka oo ay la Kulmeen.

www.buhodlepost.com

Fikrad Ka Dhiibo