|

Aragtidda Dadka ee Ardaayadda Siyaasadeed EE SSC

 

Aragtidda Dadka ee  Ardaayadda Siyaasadeed

Bulshadda  SSC, qaarkood ,ayaa waxay dib u eegayaan ,ardaayadda siyaasaddeed ee ka dhismay degaankooda  1960-2011, iyo saamaynta ay ku yeesheen noloshoodda. Ardaayadda a oo qaarkood  u dhismeen   qaab aan ku  salaysnayn degaan iyo dhalasho toona, balse ay isu keentay danaysi gaar ah iyo taageero ka baxsan diilimaha xadeeya degaamadda. Ilaa manta waxaa jira qaar waxyeeladoodii weli danaqoodii hafeefanayo,  lana liqi la’yahay sidii ay ku unkameen iyo iskaashigii dhexmary oo isaga gudbey soohdimihii doorashooyinka.

 

1960kii saddex ardaa, kuna slaysan degaan, oo kala ahaa Buuhoodleh, Laasaanood iyo Ceerigaabo ayaa si xurmo leh loogu doortay lix xubnood, kana tirsan beesha, oo aan la marin tartan culus. 1964tii, markii la isugu soo noqday doorashadii labaad, waxaa yimid aragtiyo siyaasadeed oo cusub oo khalkhal galiyey bulshadii medaysnayd una kala qaybiyey ardaayadda cusub oo kala ah:

  Buuhoodle (Cayn), Qorulugud,   Xidhxidh,  Saaxdheer; Nugal Bari;  Xargaga; Yagoori;  Hadaaftimo(Jiidali).

      Ardaa kastaa waxuu la yimid dhib iyo siyaasadeed murugsan oo qaarkood loo adeegsaday cudud dhaxalsiisay dadka geeri iyo colaad. Waxaa mahadho taariikheed reebay, welina maanka xusuustoodii ku jirtaa, ardaayada Qorilugud iyo Yagoori oo isu kaashaday inay kursi Buuhoodle leedahay u bixiyaan dhibaad iyagoo  iyo sacab gelbis ahna ka helay degaankii xilkaa lahaa ee laga xayuubiyey.  Sidoo kale Ardaaga Hadaaftimo oo gacan ka helay Jiidali ayaa iyana kursi labaad maalin cad ka goostay Ceerigaabo oo xildhibaan cusub oo gabadh qaba kusoo biiriyey saaxadda siyaasadeed.  Tartan la’aan waxaa sidaa ku xalaaloobey laba kursi, kana baxay xuduuda beesha SSC iyagoo ay sababeen Ardaayada cusub ee isu kaashaday sidii awooda beesha loo dhantaali lahaa.  Ka buuhoodle, waxaa dhaciisa xalaaleeyey beesha degaanka oo looga gacan haadiyey iskaashiga dhex maray ardaayada ka aloosmay Yagoori iyo Qorilugud.i joogta ay ula wareegaan degaanka Togdheer-bari. ah loo siiyay nin aan degaanka u dhalan. Waxaa kale oo dhibaato siyaasadeed abuuray abuuriddi ardaayadda siyaasadeed  ee xidhxidh iyo Hadaaftimo. Oo ku dhashay laba ujeedo oo kala duwan-Xidhxidh waxaa abuuray madaxdii ku loo lamaysay Laacaanood qaar kamid ah, oo sababay in dad  u dhashay degaanka Buuhodle gawaadhi lagaga oo guro si ay doorashadda Laascaanood codad dheeraad ku siiyaan Tartamayaashii ka soo jeeday ardaaga siyaasadda ee saaxdheer. Arintaa oo keentay saddex dhibaato oo kala ah:

Ø  Dhiig sokeeye oo isku daatay;

Ø  Dareen  kalsooni la’aan ah oo kala dhex galay beesha Nugaal Bari iyo Buhodle;

Ø  Kuraasiddi Baarlamanka Buhodle oo mid ay joogta ah loo siiyey qorulugud.

Ardaaga kale ee mahadhada siyaadeed keenay waa markii reer jiidali dhibaad u bixiyeen  kursigii jiidali   oo ay siiyeen reer Hadaaftimo.l

Waxaa isbedelkii sadexaad dhacay markii dhashay kacaankii October 1969, taas oo ku          keentay in madax ka tirsan ardaaga Nugal Bari madax aan la loodin ka noqdiin, taas oo kaliftay in shakhsiyaad ka tiran ardaayadda kale a siyaasaddeed u turjunteen in awood kacaanka lagu kasbaddo xididnimo taas oo akliftay in aqoonyahano loo hanwaynaa la xididaa ardaaaga hogaanka. Haseyeeshee, ay dhabowday inaan la loodin Karin hormuudnimadda siyaasadeed  ee ardaaga nugal Bari. Taasi waxay kaliftay in shakhsiyaad ka soo jeeda Ardaaayadda kale ku biireen Jabhaddi SNM. Waxaase fajaciso ku noqotay markii beelahii SNM ku midobay ee ka soo jeeday goboladda Togdheer iyo waqooyi galabeed cadeeyeen siyaasaddooda dhabta ah ee oo ah qaybi oo xukun. Markaas ayaa xubnihii horboodayeey inaynan kaga awood badneen ardaaga Nugaal Bari, Boocame IWM. Markaas ayey kaliftay inay ku hadaaqaan tolaay yaa Hartiya kana qayb galeen dhismihii Dawladda Puntland. Waxaase nasiib dara ah, in kooxdaas mar labaad dib ugu noqotay dawladda Somalidiidka. Ayadda oo xuuraanku sheegay in sababta ay dib ugu carareen aynan ahay Majeeteen nacayb hase yeeshee ay ka dhalatay ayaga oo lasiman ardaayadda siyaasadeed ee beesha SSC. Taas oo kaliftay in dhowr ardaasiyaasadeed ay sameeyaan ardaa cusub oo la magic baxay Nacay-sokeeye. Ardaagaa oo usoo hooyey gunimo dhulbahante markii ay Lasanod gacanta ugaliyeen Somalidiidka.

 Hadaba waxaad ila eegtaan Aragtidayda  G6 iyo dadka ay xusheen sida ay ugu  kala baxaan wadar ahaan ka firso shaxda hoose iyo weliba qof kasta shaxda ku xigta:

     
  Magaca Aragtida  
                                     Tiro                       T
  Nugaal Bari 4
  Yagoori 4
  Xargaga 9
  Cayn 1
  Xidhxidh 9
  Saaxdheer 5
  Nacayb Sokeeye 28

                                Sanaag                                                                             0

      
     
   

 
 
     
     
     
     
     
     
     
     

Magacyada Dadka Loo Xulay  

             
Qabanqaabada Shirka Dhulkii              
  Aragtiyada  Siyaasaded          
    Nugaal Bari Yagoori Xargaga Cayn Xidhxidh Saaxdheere Nacayb Sokeeye
Danjire Maxamuud Xaaji Nuur 1            
Axmed Shukri M. Abdi         ?    
Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir   1          
Cusmaan Xassan Cumar       1      
Nuur Maxamuud Gaas   1          
Cali Cige       ?      
Cabdirasaaq Cumar Godane 1            
Maxamed Cali Mire       ? ?    
Cumar Cali Koore     1        
Fowsiya M. Xaashi 1            
Ismaaciil D. Gamadiid         ?    
Maxamed I. Bullaale         ?    
Aadan C. Shuuriye   1          
Maxamed Mahdi Aadan         ?    
Aasiya Xassan Faarax         ?    
Cabdirasaaq Axmed Nuur, Neyjeeri         ?    
Faadumo Cismaan Axmed           1  
Farduus Maxamuud Maxamed     1        
Faarah Aadan Dhalac           1  
Axmed Diiriye, Kaafi     1        
Baasha Cali Jaamac     1        
Maxamed Yuusuf, Indhasheel         ?    
Cabdikariim Faarah Dhaaye     1        
Suleman Maxamed Samatar(Wejixaad)           1  
Maxamed Xassan  Xaaji   1          
Siyaad Maxamuud Cabdiraxmaan 1            
Seynab Xassan     1        
Cali Ciise Cabdi     1        
Suleymaan Cabdi Madoobe     1        
Maxamed Siciid Cumar     1        
Jaamac Abshir Xassan         1    
Maxamed Buraale Faarax           1  
Cali Khaliif Galaydh           1  
TOTAL 4 4 9 1 9 5 28
                 

Raggan G6 oo ka mid ah dhibta SSC inay ku danaysanayey mooyaane, aan haba yaraate dan kala lahayn burburka iyo dulinimada ku habsatey dadkeena, oo gaalada kula heshiiyey wax aanay af soo marin karin oo iyagu isdooratay,o  inta kalena ay iyaku xusheen oo u badan dad aan DANAHA dadka iyo degaanka  EHEL U AHAYN. Ayaga u badan shakhsiyaad hore xilal ka soo qabtay dawladda Somalidiidka. Waxaase nasiib daro ah, dadwaynaha SSC  sidii la doono laga yeelo, oo marna la yiraahdo Somaliland ayaad ka mid tihiin, mar kalana loo sheegoo inay Puntland yihiin. Maanta ay ka sii dareen oo  waxay adeegsanayaa dugsiga la magic baxay Nacayb –Sokeeye, ee Las Anod lagu qabsaday. Haddana ayaga oo ilmadda yaxaaska daadinaya ayey leeyihii waan ku xoraynayaa dalka nacabkii aanu udhiibnay. Waxaa is waydiin leh yaad iga xorayn haddaaba,ileen  adigaa ayaa I qabsaday adiga oo kashanaya dad garaad gaabin oo ka fogaaday deris wadaaga iyo dhaqanka Somaliyeed. ma filayo in ay wadaan dan SSC ama shir dan SSC la doonayo in lagu lafaguro.  

 

Wabilaahi Towfiiq, Hassan Mahdi H. Farah

email  Gogalmadoon@yahoo.com

  

WWw.Buhodlepost.com  by Abdirahman Ahmed Aden

 

 

 

  

                                           

3 Responses for “Aragtidda Dadka ee Ardaayadda Siyaasadeed EE SSC”

  1. ahmed deeq says:

    hadaan ka cabiro arag tidayda ku aadan qor madan la yaab kale sida run tiiye dadka shaxdan dhigay way guulaays teen oo waa ay u suur ta gashay waxay doonayeen hadaba maxa dana mar ka hore bulshada ssc waxan kula talin la haa (ninkaas kabaha ka tolanayso ka bi hiisaa la eegaa ) mar ka ha iska jireen dadka mar ka ay dan ta lee yihiin isaga dhigaya kuwo dan tooda wada mar kay dan tooda ka gaadhaana maana arkayba hadal ka ku gaabinaya markaa waxan odhan la haa war cadow badan baad lee dihiine hadana sheekadu meel xun babayba maraysaaye marka hore bal aan isku dayno inaan is xorayno xorayn tana aan ka bilowno hal kii sayid maxadmed ka bilaabay iyo adeeraden sa uun baan ku gaadhi karaa xoriyadaan la haan jiray ok

  2. Sahra Muse says:

    Qoraal dhab oo ka tarjumaya xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta gobolladda SSC. Wa ogahay oo runta dad badan ayaa dhibsada.

    Mahadsanid,

  3. Abdulla ISSE says:

    Waar kan baase qolyihii nala shaqaynayey laydhka ku ifiyey waa maxay? Somaliland waa inay si badheedha ay uaaminaan.

Fikrad Ka Dhiibo