Sadexdan kala daran mid dooro ama Sadexdaba ka tanaasol
Qar kamida warbaahinta Soomaalida gaar ahaan Allidamaale, ayaa waxay soo daabacday maqaal ay ugu magacdartay Xil-Abukaataal,maqaalkaas oo ku wajahnaa xubno ka mid ah indheergarato dhawaan bayaan u gudbiyey Issimada Reer puntland bayaankaas oo nuxurkiisu ahaa in dadka Reer Puntland ay shir isugu yimaadaan si ay uga wada hadlaan dhibaatada taagan ee ka alloosan deegaanka Puntland,iyadoo maqaalku sheegay in Reer Gaalkacayo ay iska qabtaan Mr.Gaagaab,Shacabka Bari ay iska Qabtaan Gen. SIciid Samatar iyo Dooxajoog kan Reer Nugaalna ay iska qabtaan Maxamed Xaaji Aaden.
Inkasta oo aan rabin inaan ku sii dheeraado maqaalka Allidamaale,hadana waxaan aaminsanahay in aysan dhibaatada haysata Puntland ku Eekayn Mas’uuliyiintaa la xusay si kastaba ha noqoto ee waxaa is waydiinleh hadii shacabka sedexdaa Gobal ee aan soo sheegay ay wax iska waydiiyeen in ay xaliyaan dhibaatooyinka ka jira deegaamadooda,oo dad lagu tuhmayo dhibaatada farta lagu fiiqayo islamarkaana sedexdaa gobal ay noqdeen kuwa hanta jiritaanka Maamulkii Puntland, miyaanay haboonayn in Deegaanada SSC oo ka mid ah Puntland ay dib isugu noqdaan,oo waliba farta ku fiiqaan cida lagu tuhmayo in ka dambayso qaska iyadoo aan qof jeclaysi jirin.
Wakhtiyo badan iyo meelo badan ayaa lagaga hadlay arinta Beesha SSC,warbaahinta kala duwan ee SSC ayaa iyaguna kala taageersan kooxaha dilaala Shacabka Reer SSC,kooxdii Nairobi lagu soo dhisay oo ilaa hada aan la ogayn lugooyo mooyaane waxtarkooda ayaad moodaa dad badan oo u durbaanka u tumaa in aysan wali taaban xaqiiqda dhabta ah, waxaa xasuus mudan talaabooyinkii ay kooxdaasi qaaday iyo hantida kaga luntay shacabka SSC oo aan la garanayn waxa ay ku iibsadeen iyo waxa loogu qabtay,dhinaca kale waxaa jira kooxo kale oo isku xidhan oo ilaa qurbaha ilaa Hargaysa taxan kuwaas ay ugu sareeyaan MR.Xaabsade Iyo C/risaaq Axmed oo ah Trible Agent,waxaan uga jeedaa waa Wasiir Hargaysa waa xubin ka tirsan kooxda SSC,waa xubin ka tirsan Xisbiga Al-Itaxaad Al-Islami gaar ahaan Garabka Salaful-fuluus, waxay kooxhaasi wadaan dedaal balaadhan oo ay ku deminayaan Iftiinka u soo baxaya shacabka SSC.
Kooxda sedexaad oo uu hogaamiyo C/samed Cali Shire oo ah Madaxweyne ku xigeen Puntland ayaa ah koox aan la fahmin waxa ay u taaganyihiin iyo damiirkooda wuxuu rabo islamarkaana doonaya in dhamaan shacabka SSC uu taageero oo la fogeeyo kooxda Nairobi mana hayaan fikirkii lagu taageero iyo qaabkii lagu badbaadin lahaa SSC, sedexdan kooxood waxay la midyihiin Sedex Nin oo la odhanjiray sedexda Dawdar, sedexdaa dawdar waxay ahaayeen Nin boqol Hallaad oo geel ah lahaa iyo Nin Inan quruxd badan dhalay oo Caydh ahaa iyo Nin Madhibaan ahaa oo deegaanka isagu xoolo ku haystay,Ninkii boqolka hallaad ayaa boqolkiisi hallaad siiyey Ninkii Inanta dhalay oo aan habayaraateen neefna kala hadhin,gabadhii oo kaliya ayuu kaxaystay, wuxuuna la dersay Ninkii dabatada ahaa oo xoogaa adhi ah haystay,sidaa ayuu mudo ku noolaa odaygii geela badan ee yaradka ah qaatay ayaa geeli abaari kaga dhacday oo dib buu u caydhoobay markaas ayuu soo aaday dhinicii uu ku ogaa Ninkii gabadhiisii goor habeen ah ayuu ka soo dul dhacay Reerkii oo aan waxba islahayn,gabadhii oo aad u yaaban ayaa isu siidhaysay dhinici Ninkii Madhibaan oo adhi haystay waxay ku tiri caawa I caawi oo isii Neef aan Aabahay u qalo, wuxuu “yidhi waa yahaye adna Isii waxaan ku waydiisto oo ah inaan hal mar kuu galmoodo waayahay bay tiri ee markaan neefka qalo ee la casheeyo qori igu soo tuur si aan u soo dhuunto.
Markii wakhtigii dhacay oo Inantii iyo Ninkeedii iyo Aabaheed is agfadhiyaan ayuu Ninkii madhibaan soo bilaabay tuuryadii,Gabadhiibaa u yeedhay waxay tiri war hebelow tuuryada iga joojiyo noo kaalay markii ay isu yimaadeen sedexdii Nin ayey ku tidhi I dhegaysta sedexdiinan Dawdar waxaa tihiin noqonadii qarniga midba mid buu ka daranyahay waxaase igu daran ninka Boqolka hallaad lahaa ee Caawa Cidlada ka fadhiya,waxaa ka sii daran ka intuu boqolkii hallaad ee Ninku haystay aan Midna uga soo celin hadana xoolaha ka doonaya waxaa labada ka sii daran Ninka midgaanka ah ee Naagta Ninkeedii iyo Aabaheed agfadhiyaan qoryaha ku soo tuurturaya ee doonaya inuu ka xaysto waxaa tihiin sedex kala daran ee kala taga ayey ku soo gababaysay inantii.
Waxaan filayaa sedexdaa kooxood waxay la mid yihiin sedexdaa Nin,waxaa ugu daran ku wa haystay 100% taageerada shacabka SSC ee loo igmaday in ay dadka wax u qabtaan ee aan garan waxa ay u taaganyihiin waa kooxda C/samed, waxaa ka sii daran kuwa soo boodey ee yidhi waxaanu ka shaqaynaynaa Xorayn iyo midayn hadana dadkiina baadhay iskana horkeenay oo intii is haysatay sii kala furfuray waa kooxda Nayroobi,waxaa ka sii daran Xaabsade iyo Kooxdiisa oo doonaya in ay Somaliland ka dhigaan Maamul xalaal ah oo shacabka SSC ee xinjirtoodii qoyantahay u sheegaan waxaan soconayn waa sedex kala daran mid dooro ama ka wada tanaasul.
Sedexdan sawir oo kala ah Madaxweyne ku xigeen puntland Xaabsade iyo Hogaanka SSC waxaan usoo qaatay islamarkaana 100 ka doolar u saaray inaan muujiyo in aysan jirin ujeeda kale o ay leeyihiin laakiin midkasta wuxuu u halgamayaa sidii uu u xaraashi umada SSC waxaa lays waydiin karaa Xaglotoosiye oo ahaa Nin qurbaha ka soo shaqaystay Guryo waaweyn iyo goobweyn oo loo habeeyey xarun caafimaad leh side loo odhan karaa ama loogu aanayn karaa, lacagdoon taas jawaabteedu meel dheer ma taalo oo qofkastaa wuxuu ku hamiyaa sidii uu u haabsanlahaa waxa u sii muuqda waxaana taas daliil u ah hadii uu ahaa hantiile USA uga yimid inuu bulshada SSC badbaadiyo wuxuu ku qancilahaa jagadii laga helay wuxuuna isku dayi lahaa inuu la shaqeeyo isla maraana mideeyo shacab meel isugu keeno isaga oo aan kicin wax xaasaasiyad ah.
C/samed Cali shire oo ahaa Ninkii soodhisay ciidamdii SNM xiligii 1990 maad kii hadana isaga oo ah taliyaha ciidan Daraawiishta ee Puntland la qabsaday magaalada Laascaanood ayaa hadana ah madaxweynaha Puntland waxaana hada muuqata inuu hadana rabin inuu waxka qabto xaalada deegaanka hadii ay ahaan lahayd dhinaca Amaanka iyo arimaha horumarinta iyo siyaasada guud ee Beesha hadana wuxuu doonayaa inuu sheekeeyo oo yidhaahdo anaa Beesha metala oo ka mas’uul ah ma wxuu kaga masuul yahay inuu xaraasho OO Auctionka dhigo?.
Xaabsade isagu maaha ka qiimaha jaban ku iibinaya magaca SSC laakiin waa dilaal doonaya inuu waxyar siisyo bulshada, dadka kala taageera kooxahaas waxaa fiican in dood hufan loo furo oo shir balaadhan ka qabto oo cidii dadka dan u wada la raaco lagana fogaado beenta iyo isku dirka lagula dhex jiro beesha oo la leeyahay waxaa is haya Beelo.
Hadii ay jiraan beelo shaki ku kala dhex jiro waxaa abuuray shakigaa dad aan soo sheegnay,dhawaan ayaa shir lagu qabtay London shirkaas waxaa la filayey inuu noqdo shir wax ku ool ah hadana waxaa markiiba soo Ifbaxay inuu shirkaasi ahaa shir aan Amaankiisu sugnayn oo hoosta uga daloola kooxaha dib u socodka ah( reactionaries ka) waxaan jeclaa inaanu mahadceliyo Ururka NSUM oo hormuudk ahaa in ay is bartaan SSC iyo Caalamku in badana ka shaqaynayey in ay Beeshu cagaheeda isku taagto oo laga baxo qalalaasaha, waxaane uga digi lahaa in aysan ku dhex milmin kooxahaas aan nadiifta ahayn.
Afar su’aalood ayaan waydiin lahaa hadii ay I maqlayaa Madaxweyne C/samed iyo Hogaamiye Sulaymaan Iyo MR. Xaabsade iyo Shacabka SSC
1 Mudane C/samed Cali shire adigo taliye ah baa Laascaanood lagaa qabsaday ma kula tahay adigoo madaxweyne ah in Beeshu ka baxayso Maamulka Puntland?
2 Dr.Sulayman Ciise ma waxaad u soo baxday dadka inaad wax yeesho mise inaad wax tarto ?
3 Xaabsade ma kula tahay inaad gaadhay xiligii aad ka fadhiisan shaqada aad hayso ?
4 Shacabka SSC ma idin la tahay in aynu garano danteena oo go’aanka gaadhno dadka suuqa inoogu jira ee aynu miiska u saaranahay?
by Abdirahman Ahmed Aden
_____________________________________________
Buhodlepost.com kama mas’uul aha aragtida maqaalkan

Waxaan layaabay ninkastah oo maqaal qora oo sheeganaya beesha ssc wuxuu dhinac ku hayaa sadexda aad soo sheegtay adaana kamid ah waayo ssc waxqabad kee dii waad xaqirtay taa gee radii ssc waxaad sii say ina cali shire iyo urur isaga hoostagi jiray oo hada soo hanuunay tankale shacabka ssc waad ka been sheegtay oo taageerada aad tiri waxay taa geeraan ina cali shire waa inaad raaligalin kasiisaa sidakale waa sax oo ina xaabsade iyo ina cali shire waa isku mid labadasi laa kiin madaxwaynaha ssc ahna halyeeyga sanadka gilgilay boodh kana kajafay samcada yar ee maanta aan ku noolnahay madaxwayne saleebaan xaglatoosiye iyo taageerayasha ssc hanoolaadan