|

Journaalka Bishiiba marka soo baxa Magaalo madaxda Soomaaliya EE muqdisho (Aragtida Wadaniga) ayaa maqaalka qoray Hardanka labada Shiriif

 Journaalka Bishiiba marka soo baxa Magaalo madaxda Soomaaliya EE muqdisho (Aragtida Wadaniga) ayaa maqaalka qoray Hardanka labada Shiriif

SAMIRKA WAA NAGA DHAMAADAY

Sidaasi waxaa  lagu yiri  madaxda Dowladda FDKMG waxaana u soo jeediyey ereyadan xanuunka badan leh  ee xambaarsan ceebta  Guddigii Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey ee la shiray Hogaamiyaasha soomaaliyeed  shirkii  loogu qabtay  bishan 25-keedii ay ku yeesheen  magaalada Nariroobi ee dalka Kenya, shirkan oo ka danbeeyey markii ay heshiin waayeen madaxda dalka oo caadaystay isqabqasi iskuna haysta maslaxadooda gaarka ah ,qolo walbana ay rabto in ay mariso qolada kale rabitaankeeda .ayadoo la ogyahay in dadka soomaaliya ay haysato dhibaato badan iyo dagaalo xoog leh , dalkana ay joogaan ciidamo ajnabi ah oo ka garab dagaalamaya qeybaha isku haaya dalka soomaaliya, iyadoo wali ay jirto abaaro, cuduro iyo nafaqo daro ku habsatay ummadda soomaaliyeed , waxaa loo baahnaa in ay heshiiyaan ayna hoos u eegaan dhibaatooyinka umadda haysta iskuna dayaan inta karaankooda ah in ay la yimaadaan barnaamij ay isla ogolyihiin  maslaxadna u ah dadka iyo dowladnimadaba laakiin waxaa muuqata in uusan jirin bisayl siyaasadeed iyo niyad wadaninimo iyo aragti gaabni (lack of mission )  sidaas daraadeed, waxaa dhacday in sida ardayda dugsiyada loo meeriyo waxa ay qabanayaan isla markaana canaan iyo cay dusha loo soo saaro .taas waxay usoo jiiday umadda soomaaliyeed ceeb taariikhda  aanan la iloobi doonin . Dowlad  hoos tagta amarna ka qaadata dowladaha dariska  iyo bulshada caalamka waxaa laga arkaa Dowladihii lagu soo dhisay dibadda soomaaliya laguna magacaabayey KMG laga soo bilaabo 2004  taas oo lagu soo dhisay Empagati (xeredii lagu magacaabi jiray Doofaaray ) oo doofaarta iyo wufuuda soomaalida meel la iskula xareeyey ayadoo halkaasi ay kala kulmeen dhibaato taas oo ahayd in marar badan raashiinka laga joojiyey ayadoo la ciqaabaya marka ay isku dayaan in ay diidaan awaamiirta is dabajooga ah ee dusha laga soo saari jiray .Haddaba , maxaa nala gudboon umadda soomaaliyeed hadaan nahay si looga baxa  wax dowlad lagu sheegayo oo aanan ahayn  dowlad isla markaasna aanan gudanayn waajibaadka iyo adeegyadii la rabay in ay u qabato umaddeeda .halkaa waxaa ka muuqda in loo baahanyahay in soomaalida markale isku noqoto lana keeno siyaasado cusub iyo madax cusub oo wadata barnaamij soomaaliyeed  oo samatabixin kara umaddan aad u daalan  oo ay diloodeen dowladnimo xumo, hogaan xumo, dad aan damiir lahayn oo dibadaha lagu soo dhisayo mid walibana keeneyso dagaalo  nooc cusub ah iyo ciidamo ajnabi ah  marba  dal laga keensado, si masiirka umadda gacanta soomaalida loogu soo celiyo waxaa lagama maarmaan ah  in  la helo hogaan wanaagsan , cadaalad ah ,karti leh oo wadato barnaamij wadani ah oo aan laga soo miinguurin ama laga soo meerin dowlado shisheeye.

  

 

Fikrad Ka Dhiibo