Sarkaal Mareykan ah oo sheegay in habka kaliya ee burcad-badeedda loo cidhiib-tiri karaa tahay Somaliya oo dowlad hesha
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in habka kaliya ee loo ciribtiri karo burcad-badeeda ka dilaacday gacanka cadmeed ay tahay Soomaaliya oo dowlad heshaa.
Adm. Robert Willard oo ah sarkaalka ugu sareeya ciidanka badda Mareykanka ayaa sheegay in maraakiibta shisheeye kaligood aysan waxba ka qaban karin amaba joojin karin burcad-badeeda soomaalida.
Waxa uu ugu baaqay beesha caalamka in gacan laga siiyo Soomaaliya sidii ay u heli laheyd dowlad burcad-badeeda kala dagaalanta berriga.
“Hadii aan xalka laga raadin xididka, waligeed lama xalinayo dhibaatada burcad-badeedda”, ayuu yiri Adm. Robert Willard oo wareysi siiyay wargeys kasoo baxa Maleysia.
Sanadkii aynu soo dhaafnay oo kaliya burcad-badeeda ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen 53 markab iyo 1,181 shaqaale, waxaana soo deynta maraakiibtan iyo shaqaalohooda lagu bixiyaa malaayiin dollar ah.
Sidoo kale shirkadaha maraakiibta iyo ciidamada shisheeye ayaa iyana lacag malaayiin dollar calaa yoom ku qarash gareeya ilaaliya maraakiibta.
Isse Ahmed Soofe
Malaysia