|

Yaa diidan Dawladnimo? waxaa diidan Daneysta madaxa duubtay iyo damiir laawe.

Soomaaliya waxa ay hogaanka u haysaa dowladaha calamka dhanka qubuuraha meeshii ay dowlada Burundi ka ahayd sanadihii tagay dhulka ugu qubuuraha badan qarada Africa ahayd
Somaaliya ayaa waxa ay la wareegtay sanadahaan danbe hoggaanka aaska meydadka la dayacay iyo kuwa fursadaha loo waayay mana ahan mid ay keentay dabeecada oo kaliya, ee waxay ahayd mid ay gacmahooda ku sameysteen , gaar ahaan kuwa u ooman helitaanka awoodeed oo aan marnaba qabin shucuur wadaniyadeed, somaaliyana ka dhigtay goobtii ugu weyneyd qubuuraha qarnigaan in kastoo ay tahay dhibaatada somaaliya mid ku hadheysa quluubta dadka somaaliyeed gaar ahaan kuwa seef la boodka ah iyo kuwa wehelka u ah.
Haduu dalka Daadka qaaday dadkiina ku afuraayaan guuxa madaafiicda kuna suxuuranaayan hoobiye alle ayaa u maqan. Hadii dhulka somaaliyeed laga waayay meel lagu aaso meydadka muwaadiniinta somaaliyeed alle ayaa weyn

Waxaa mahad mudan alihii aduunka ku uumay dad ugu adeego umada somaaliyeed saxaafada uguna hadla mar waliba dhibka lagu haayo shacabka in kastoo dalalka adduunka gaar ahaan qeybahooda telefishinnada sida kan Qadar, ingiriiska, mareykanka kuwaas oo si ficil ah oo isugu jira maqal iyo muuqaal qoraalkana u dheryahay kuna tusay umada ku dhaqan addunka musiibada kuhabsatay shacuubta somaaliya ahna mid ay ku kensadeen gacmahooda .

In kastoo ay jiraan dad caadeystay in ay xasuuqaan umada gaar ahaan dumarka, caruurta, iyo waliba kuwa gaboobay ama barimageytada oo lala beegsado gumaad oo aan dhamaan geeriduna ay u baaqitahay taasina caalamka wu is hilmaansiiyay dadkiina way ku hoobteen in lagu qiyaasay 50,000kun kabadan una geeriyooday sababo farabadan oo ay koow katahay Risaas, gaajo, macluul, iyo cuduro ay baahida keentay intiisa badneydna dadkii wuxuu u qaxay tuulooyinka banaanka uga baxsan caasimadda, ayaga oo ku noolaayeen nolol iyo xaalad aad u adag oo kuwo badan ay ku waayeen naftooda gaajo cuduro wadata awgeed, inta kabad baaday gaajada waxa ay buux dhafiyeen xerooyinka Kenya, itoobiya, ayaga oo aad u tabaaleysan

.
Inta badan qoloyinka is maagan oo ay koow katahay islaami seef labood oo an ilaa hada la garanayn waxay doonayan cadana ka dhigtay gumadka dadka shacabka iyo biri ma geydada ah hadana doonayay in ay afka u dhigtaan raashiinka uga imaanaayo umada lagu tuntay xuquuqdooda dhanka hay’adaha gar’gaarka kawada gudaha somaaliya gaar ahaan caasimada muqdisho taasoo ay Isfahan la’aan dhex martay ka dibna gooyay cunadii ay heli jireen shacabka ka dib ay meydkoodii ka tilabsadeen inkastoo lagu tilmaamikaro in ay yihiin maleeshiyo camaamado qaatay maadaama aysan jirin meel laga maamullo .
Waxaa intaas dheer in dalka oo dhan ay ka jiraan moor yaan hubeysan oo intay gadhka dheereysteen madaxsoo duubtay oo aan cidna ka amar qaadan, una tafa xeytay dhac, bililiqeysi iyo in ay ka hor imaadan xasiloonida iyo nabada oo ay umada somaaliyeed haleeleen kuna hami weynaayeen dowlada cusub ee sheikh shariif .
Hadii ay inta badan dowladaha caalamka ay ka jeesteen xaalada cakiran ee somaaliya kataagan gaar ahaan magaala madaxda (muqdisho). Ayaga oo ka daawan jiray telefishinnada oo marka ay ka arkaan kumanyaalka u geeriyoonaya gaajada, macluusha iyo dagaalada oo wehliyay .
Hadii sida dhabta ah loo eego kuma aysan khaldaneyn caalamka gurmd la aanta ay dhigeen waqtigaan oo ay xaalada somaaliya faraha ka baxday ee waa wax ay umada soomaaliyeed gacmahooda ku samey

Qore Abdi hakiin ALI Geelle (Jaayo)
email cabdixakiin66@hotmail.com

Fiiro gara Buhodlepost
masuul kama aha maqalkan
waxay u gartahay qoraaga

Fikrad Ka Dhiibo