Gudoomiyaha SSC ee gobalka Cayn oo lagu dhaariyey inuu Ethiopia Daacad u noqondoono
Saleebaan barkhadle oo hore u ahaan jiray gudoomiyaha xaafada Sweeto ee kilil shanaad hoostagta xaafadaas oo ku taala xadka Buuhoodle uu kaga xidhanyahay dhulka Soomaalida ee Ethiopia aysato, mudo ka horna mar noqday mayorka Puntland ee Cayn ayaa dhawaan Col.Sabaray oo Buuhoodle yimid u magacaabay gudoomiyaha gobalka Cayn ee Maamulka SSC,iyadoo garoonka Kubada cagta lagu qabtay xaflad loogu talo galay in lagu dhaariyo maamulka cusub.
sikastaba ha noqatee waxaa goobtii ka dhacay arin aan la fahmin oo gudoomiyihii lagu dhaariyey inuu daacad u noqon doono Dawlada Ethiopia,isagoo markii horena ahaan jiray nin la shaqeeya maamulka Ethiopia ayaa hadana loo dhaariyey inuu si daacad ah ula shaqeendoono Ethiopia, arinataas u muuqan karta in kooxda Nayrobi ay si rasmi ah isugu dhiibtay kililka 5 aad lagana yaabo in ay u sharaxanyihiin in ay noqdaan Ehlusunada waqooyiga Somalia maadaama ay ku adkaatay in ay isfahmaan Ethiopia,oo ay mudo hore isku dayeen in ay ka qaataan ogalaanshiiyo ay ku noqdaan maamulka ka shaqeeya deegaanada SSC.
dawlada Ethiopia ayaa ka biyo diidan in ay aqbasho Maamul laga hirgaliyo SSC islamarkaana dawlada Ethiopia ayaa saldhig u ah gacan ku haynta maamulka Somaliland ee magaalada Laascaanood,arintan uu sameeyey cali sabaray ee ah in qof Somali ah oo Somali xil u qabanaya lagu dhaariyo inuu Ethiopia Daacad u noqonayo ayaa fariin u diraysa dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaana muuqanaysa in dhamaan dadka hor imanaya umada Soomaaliyeed awoodkasta ha la haadaane uu qalbigoodi la jiro Wadanka ethiopia.
http://www.youtube.com/watch?=yuZLkA7pEZY&feature=player_embedded#t=26s