|

Madaxweyne Shariif iyo Raysul Wasaare Farmaajo oo Goor Dhow ka soo Degey Garoonka Muqdisho

Madxweynaha DKMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo raysul wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa goor dhoweyd si wadajior ah uga soo degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo raysul wasaaraha ayaa wada saarnaa hal diyaarad markii ay ka soo degayeen garoonka, waxaana wararku sheegayaan in madaxweynaha uu markii hore keligii ka soo duulay Kampala isagoo raysul wasaaraha ka soo marey magaalada Carusha ee wadanka Tansania oo raysul wasaare Farmaajo saaka hore gaarey.

Labada masuul ayaa illaa hadda ku sugan garoonka diyaaradaha Muqdisho Waxaana u suuragali la’ inay gudaha u soo galaan magaalada waxayna ku soo beegmeen iyadoo ay magaalada ka socdaan mudaharaadyo looga soohorjeedo heshiiska gaarka ee ay wada galeen Labada Shariif kaasoo dhigaya in raysul wasaaruhu iscasilo xukuumad cusubna la soo dhiso

www.buhodlepost.com

email buhodlenews@hotmail.com

Fikrad Ka Dhiibo