|

Mr. Maxamed C/laahi Farmaajo Is-casilaya Iyo Soomaaliya Oo lagu fasaxay Yey gaajoonaysa

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa heshiis ku gaadhay magaalada Kampala ee waddanka Uganda oo lagu dhexdhexaadinayay maalmihii ugu danbeeyay.

Qoddobada heshiiska ayaa waxa ka mid ah in Raiisul Wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed, uu isku casilo muddo soddon maalmood gudahood ah.

Waxaa kale oo ay ku heshiiyeen Madaxweynaha iyo guddoomiyaha in Madaxweynuhu soo magacaabo Raiisul Wasaare cusub.

Waxaa kale oo ka mid ah qoddobada lagu heshiiyay in doorashada Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa dib loo dhigo muddo sanad ah.

Waxaa doorashada ay dhacaysaa bisha 20 August 2012

Wasiirka warfaafinta ee xukumada Sii dhacaysa ayaa sheegay inuu Ra’iisalwasaare farmaajo isu casilayo magaalada Muqdisho iyo danaha shacabka Soomaaliya,waxaana lays waydiinayaa cida Noqondoonta Ra’wasaaraha Cusub Soomaaliya iyadoo aad loo hadal hayo rag uu ka mid yahay  C/raxmaan faroole waa madaxweynaha maamulka Puntland, taas oo noqondoonta cad bisil  oo lagu fasaxay Yey-gaajoonaysa,wa hadiiba ay soo galaan rag aad loo hadal hayo oo ay ka mid yihiin Mr.c/raxmaan faroole iyo C/raxmaan C/shukuur oo ah shakhsigii isku dayey inuu iibsado Badda Soomaaliya.

 

Waxaa  iyanaMagaalada Muqdisho Maanta gil gilay Banaanbaxyo aad u weyn kaa oo lagu tilmaamay mid kamid ah Banaanbaxyadii ugu xooganaa ee mudooyinkan ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Dadka Banaanbaxa Dhiga oo isugu soo baxay dhamaan degmooyinka ay Dowlada KMG ee Soomaaliya ka maamusho Gobolka Banaadir ayaa waxa ay aad uga xunyihiin ugana soo horjeedaan Iscasilaada lagu qasbay Raizul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamad Cabdilaahi Farmaajo.

Banaanbaxyada Muqdisho kasocda oo ah kuwa saacadba saacada ka danbeysa sii xoogeesanaya kuna sii fidaya guud ahana Degmooyinka ay Dowlada Maamusho .

dadka ayana ku dhawaaqaya ereyo ay aad ugu taageersanyihiin Raizul Wasaare farmaajo iyaga oona wata Sawirada Raizul Wasaaraha waxa ayna ku qeylinayeen dooni mayno qaran bur buris iyo cadow u shaqeeye.

Dadka Banaanbaxaya ayaa Goobaha ugu daran ee Bananbaxa kasocda waxaa kamid ah Agagaarka Madaxtooyada wadad dheer ee Maka Al.Mukarama wadad aada Garoonka Aadan Cadde iyo goobo kale oo aad u badan.

Waxa ayna Banaanbaxayaasha sheegeen in ay sii wadayaan banaanbaxa ilaa ay rabitaankooda ka helayaan lagana laabanayo go’aanka Shirkii lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Kampala ee Dalka Ugandha.

 

 

www.buhodlepost.com

Fikrad Ka Dhiibo